Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somalia's top FIFA officials killed in the suicide bomb attack

Recommended Posts

wiish_iyo_mugambe.jpg

 

Madaxweynaha Hey'adda ugu sareysa ciyaaraha ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaano FIFA Sepp Blatter ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Gudoomiyaha Olimbikada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Xiriirka K/cagta Aadan Yabarow Xaaji Wiish iyo Saciid Maxamed Nuur (Mugaambe).

 

War qoraal ah oo la soo dhigay Page FIFA ayaa murugo iyo uur-ku-taalo looga muujiyay geeridaas ku timid Halyeeyadii Isboortiga Soomaaliya ee sanadihii u dambeeyay ka shaqeynayay horumarka Isboortiga.

 

“Aad ayaan u naxay marki aan maqlay weerarkaasi maanta dhacay ee ku dhinteen nolosha dad dhowr ah oo uu ku jiray gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Saciid Mohamed Nur iyo Gudoomiyaha Olombikada Somalia Aadan Yabarow Wiish" ayuu yiri Blatter.

 

"Waan aqaanay labaduba shaqsi ahaan, waxa aan ka sheegi karana waxa waaye in ay ahaayeen dad wanaagsan shaqo fiicanna ka qabtay sidi ay u horumarin lahaayeen isboortiga iyo kubada cakta dalkooda, runtii aad ayaa loo tabi doonaa," ayuu intaasi sii raaciyey.

 

Ugu dambeyn Sepp Blatter ayaa uga tacsiyadeeyay dhamaan bahda isboortiga caalamka, bahda isbooriga Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed geeridi ku timid labadaasi mas'uul iyo dadki kale ee Soomaaliyeed ee maanta ku dhintay qaraxi ka dhacay Muqdisho.

 

Ilaa 7-ruux ayaa ku dhintay qaraxaas, waxaa ku dhaawacmay sodon kale oo ay ku jiraan wariyeyaal, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, fanaaniin qeybaha bulshada rayidka iyo saraakiil.

 

Qaraxaas oo ay fulisay gabar yar ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Tiyaatarka Qaranka oo ka socotay Munaasabad loogu dabaal degayay maalinta la aas aasay Telefishinka Qaranka, iyadoo mas'uuliyada weerarkaas ay sheegteen Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u Naxriistee Gudoomiyihii Guddiga Olompikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1947-dii.

 

Aadan ayaa waxaa uu yaraantiisii uu ahaa mid waxbarashadda aad u jecel sidaas darteed ayuu waxaa uu bartay quraanka kariimka ah intii u dhexeysey sanadihii 1956-1959.

 

Aadan X.Yabarow waxa uu waxabarashaddii dugsiga H/Dhexe ku dhamaystay dugsiga Macalin Jaamac 1959-1963.

 

Waxbarashadiisii dugsiga sarena waxa uu qaatay intii u dhexeysay sanadihii 1964 – 1967 isaga oo ka qalin jebiyeydugsigii sare ee Badda ee magaalada Muqdisho.

 

Allaha U naxriistee Aadan Xaji Yabarow oo aad u jeclaa ciyaaraha ayaa waxa uu bartay garsoorida ciyaaraha kubbada koleyga, waxaa uu sanadkii 1968 uu qaatay shahaadada heerka 3aad ee garsooranimada kubadda koleyga,waxaa uu ka mid noqday sanadkii 1971-da shaqaalihii wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga.

 

Wiish ayaa sanadkii 1972 waxaa uu qaatay shahaadadii heerka 2-aad ee garsooranimadda kubaddda koleyga. Waxaa uu dadaal ka dib qaatay sanadkii 1973-da shahaadadii heer 1aad ee kubadda koleyga.

 

Gudoomiyaha ayaa dadaal iyo waxqabad dheeraad ah ku guulaystay inuu ka soo baxo sanadkii 1974 – 76 Macahdkii Tababarka SIDAM isaga oo ka soo qaatay shahaado maamul.

 

Gudoomiye Wiish ayaa waxaa uu noqdey Xoghayihii Guud ee ciyaaraha Gobollada dalka sankii 1975 -1989. Wiish ayaa waxaa uu isku waday shaqadda garsooranimadda iyo tii wasaaradda shaqadda dhalinyaradda iyo Isboortiga waxaana uu shahaadadiisii garsooranimo kubadda koleyga ee heerka caalami(international referee) kusoo qaatay dalka Kuwait. Sanadkii 1977-dii.

 

 

 

 

 

Sanadkii 1978 Aden Haji Yabarow Wiish waxaa uu noqdey xoghayihii guud ee Xiriirka Somaaliyeed ee Kubadda Koleyga.

 

Sanadkii 1981-dii Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) waxa uu noqdey Agaasimihii waaxda Dhalinyardda iyo Isboortiga.

 

Sanadkii 1985 -1990. Wiish waxaa uu noqdey ku-xigeenka agaasime guud ee wasaaradda dhaliyaradda iyo Isboortiga.

 

Wixii ka danbeeyay 1990 dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo iyo bur bur, Wiish ma noqon dadkii isaga barakacay dalka Soomaaliya, waxa uuna kusii nagaaday magaaladii Muqdisho ee uu ku dhashay.

 

Sanadkii 1993-dii waxa uu Wiish iyo Mas’uuliyiin kale oo qaarkood dhintay u istaageen dib usoo nooleynta Isboortiga dalka Soomaaliya oo xilligaasi kala xer xernaa, iyadoona xilligaasi loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka 3aad ee Guddiga Olypikada Soomaaliyeed(GOS) iyo Guddoomiyaha xiriirka Somaaliyeed ee Kubbada Koleyga(X.S.K.K).

 

Sanadkii 1996-dii ayaa waxaa Wiish loo doortay Agaasimihii Guud ee G.O.S. Sanadkii 1997-dii Wiish waxa uu Markale noqdey gudoomiye ku-xigeenkii 3aad ee G.O.S iyo Guddoomiyaha Xiriirka Somaaliyeed ee kubadda koleyga.

 

Sanadkii 2005-ta Wiish waxaa Mar kale loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad G.O.S iyo Guddoomiyaha XSKK.

 

Sanadkii 2006/2008 Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee G.O.S iyo Guddoomiyaha XSKK.

 

Sanadkii 2008, waxa uu hogaaminayay Wafdigii Balaarnaa ee Ciyaaraha Olompikada kaga qeyb galay Magaalada Bejin ee dalka Shiinaha, iyadoona sidoo sanadkii 2004, Ciyaarihii Olompikada ee ka dhacay Magaalada Athena ee dalka Gariiga uu hogaaminayay.

 

Bishii March 2009, Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa loo doortay in uu Hogaanka u qabto Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee G.O.S xilligaasi oo uu ka tanaasulay Xilkii Mudada dheer uu soo hayay ee Xiriirka Kubada Koleyga.

 

2009-ka ka dib Doorashadiisa Hogaanka G.O.S waxa uu Safar kusoo aaday Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland halkaasi oo uu kulamo kula qaatay markii ugu horeesay isagoo Guddoomiyaha G.O.S ah madaxda IOC.

 

Xilligaas waxii ka danbeeyay Wiish waxa uu tagay Dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ka qaatay Ducumentiga Socdaalka Dalka Talyaaniga, inkastoo dad badan ay moodeen in uu caga dhiganayo dalka Talyaaniga Isla markaana uusan dib ugu laaban doonin dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu bilaabay Safaradii taarikhiga ahaa ee uu Qaarada Yurub qeybo ka mid ah kula kulmay Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, asigoona markaasi ka dib dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo xilligaas la ogyahay sida ay xaaladeedu aheyd.

 

Wax uu horey usii waday howlihiisa Shaqo, asigoona xilligaasi Safaro Caalami ah dalka dibadiisa ku yimid, waxa uuna intii uu haayay Xilka Guddoomiyaha G.O.S lagu xasuustaa howlkarnimo iyo hormarinta isboortiga.

 

Taariikhda Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaan lagu soo koobin karin 1-page oo kaliya, balse waxa uu ahaa Shaqsi isboorti, iyadoona Maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 4-April-2012 uu dhintey magaalada Muqdisho.

 

Hase yeeshee waxaa uu ifka kaga tegey carruur uu kamid yahay Xasan Aadan Yabarow oo ka mid ah garsoorayaasha kubbada cagta ee Afrika ugu wanaagsan hadda. Waxaana hore ugeeriyooday Cabdqadir Yabarow Wiish oo ahaa nin ay walaalo ahaayeen Aadan Yabarow waxana uu C/qadir Yabarow uu ahaa garsoore kubbadda kolayga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Illaahay ha u naxariisto intii dhimatay samir iyo iimaana ha ka siiyo eheladoodii. Inta dhaawaca ahna illaahay ha caafiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this