Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament approves national budget 2012

Recommended Posts

GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO MIISANIYADDII 2012 KU ANSIXIYEY INDHE ISKU QABAD.

 

Somaliland_parliament_eeee0017.JPG

 

Hargeisa(berberanews.com):- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyada 2012-ka oo tiro ahaan badan hase yeeshee ay hadhaysay madmadaw badani maadaama aan laga doodin oo uu goluhu isaga oo indhaha isku haya uu ansixiyey waxaanay dhantahay sideed boqol iyo lix iyo sideetan biLyan oo u dhiganta boqol iyo toddoba iyo afartan Milyan oo Doolar.

Fadhigii maanta oo ee golaha wakiilada Somaliland oo ay fadhiyeen 57 Mudane, waxa Ogolaaday ansixinta miisaaniyadda 36 Mudane, Sagaal iyo toban baa ka aamusay, hal mudanana wuu diiday.

Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo intii aan la akhriyin warbixin kooban ka jeediyay Golaha Hortiisa ayaa sheegay Xukuumaddu inay ka baaqsatay balanqaadkeedii sanadkii hore ee ahaa inay keento shuruucda Hay’adaha Madax banaan ee ay samaysay ee Miisaaniyadda ku jira isla markaana ay ka baaqsatay inay sanad kasta Miisaaniyadda ku horkeento Golaha wakhtiga loogu talogalay oo ah sanad kasta bisha Diisambar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu tilmaamay soo jeedimo loo soo jeediyay xukuumadda oo ahaa in Miisaaniyadda kharash loogu daro Garsoorka, Wadada Ceerigaabo iyo Doorashooyinka waxaanu sheegay xukuumaddu inay aqbashay hase yeeshee laguma darin Miisaaniyadda sanadkan ee la Ansixiyay.

Mudanayaal badan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha ayaa ka hor intaan la Ansixin Miisaaniyadda 2012-ka ku dhawaaqayay in aan cod la galin intaan laga wadahadal in soo jeedimha ay xukuumaddu aqbashay Miisaaniyada lagu darin hase yeeshee Shirguddoonku soo jeedintoodaas dheg umuu dhigin waxaanay taasi kaliftay inaya ka dareeraan.

Arrimaha ugu hadal haynta badan ee hadheeyey faallooyinka miisaaniyadda sanadkan 2012 ee goluhu maanta ansixiyey ayaa wax aka mid ah, iyadoo aanay miisaaniyadda ku jirin lacagtii lagu qaban lahaa doorashooda golayaasha deegaanka ee gobolad dalka oo loo ballansanaa bishan April 2012-balse aan ilaa iyo hadda wax hadal hayna oo ku saabsan laga hayn dhanka xukuumadda.

07-04-012 ayaa waxa ku eeg mudadii sanadka iyo badhka ahayd ee loo kordhiyey goleyaasha deegaanka, mana jirto korhdin iyo doorasho midkood ay xukuumaddu hadal haysaa, waxana dadweynuhu is waydiinayaan miyaaney xukuumaddu ka warhayn in goleyaashii deegaanka mudadii ka dhammaatay, mise waxay afka soo marin Karin layhiin muddo kordhintii saddexaad ee golayaasha deegaanka, maadaam xilligii ay mucaaradka ahaayeen si ba,an uga qaylin jireen kelmedda muddo-kordhin.

Dhinaca kalena waxa maanta dhamaaday Kal-fadhigii 17 aad ee Golahaasi, waxaana golahu wakiiladdu uu fasax galay muddo sideed toddobaad ah oo noqonaysa laba bilood.

Berberanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Miisaanayada Sanadda 2012

 

Published: 03/04/2012 @13:15

Hargeysa/ToggaHerer 03 April 2012

Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisanayada Jamhuuriyadda Somaliland ee Sanadda 2012.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo hadal Ka jeediyey Fadhiga Golaha Wakiilada ayaa sheegay In Markii ay eegeen Qodobada53, 54 , 55 waxa Golaha u muuqday in aan Xukuumadu wada Fulin soo jeedimihii sanadkii hore eek u saabsanaa Miisanayada Qaranka sanadka 2011.

 

Gaar ahaan Soo Dhamaystirkii Shuruucda Hayadaha waxa kale oo Muuqata in Aanay Xukuumadu hore u soo gudbin Miisaaniyada sandka waxa uu Golaha u soo jeediyey in Xukuumada hadda Ka dib ay miisaaniyada sanadka la keeno Bisha December ama January .

 

Marka la Tixgeliyo Dooda Hufan ee Golaha Wakiiladu ka yeeshay Miisaaniyada Sanadka 2012 markii aanu Tixgelinay in lagu jiro Bishii Afaraad ee Sanadka 2012 wuxuu Goluhu Iclaamiyey in la guda galo Ansixinta Miisaaniyida sanadka 2012 oo cadadkeedu yahay 886 Bilyan 496 Milyan 529 Kun 980 Shilling ka Somaliland ah una Dhiganta 147 Milyan 7 Boqol 49 Kun Afar Boqol iyo Laba Iyo Labaatan USD .

 

Fadhigan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro waxa ka soo xaadiray 57 Xildhibaan.

 

Xildhibaanada Haa ugu Codeeyey Miisanayada ayaa ahaa 36 Mudane, 19 Xildhibaana way ka Aamuseen Hal Xildhibaana wuu diiday Gudoomiyuhuna Muu codayn, Waxayna Dhaqan gelaysaa Miisaaniyadu Marka uu Madaxweynuhu Saxeexo..

 

Kalfadhigii ay lahaayeen Golaha Wakiiladu ayaa Maanta Dhamaaday Mudanayaashuna waxay Galeen Fasax laba Bilood ah.

 

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Mukulaalow;813771 wrote:
So the London conference wasn't so bad, at least financially.

Doubt if the London Conference had anything to do with this. Last year it was 88 million dollars and the 59 million increase is (probably) to do with better tax collection, etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And this is just the tip of the iceberg; a moderate taxation level and some licencing/nationalisation could bring up to 4 times more, targeting mainly the telecoms, luxuries trade or items and "mansions" by local standards not to mention remittances and now thriving cattle export etc (decentralised taxation and public services to involve directly local users).

 

It may seem incredible but even the poorest communities can and must afford decent healthcare and some redistribution/investment geared towards equality (which should be the core goal of its leaders) whereas no amount of oil or other "curse" resources could guarantee anything other than waste and environmental ravages.

 

Actually, even largely desertic Oman has now a much more sustainable and diversified economy with its already relatively modest oil revenues diminishing (less indulgence means also better citizen and less health catastrophes such as the 25% diabete rate in the Emirates).

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^Don't you have better things to do than criticize somaliland and its people at every opportunity you get? The current Somaliland Government is doing great job fighting against corruption as evidenced by these latest budget numbers.

 

It's time to invest little bit of that money towards building some health facilities and city roads.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Baarlamaanka TFG'da mar mar bay is garaacaan oo kuraasta isla dhacaan. Hadii kuraastasi kuwo biro ka samaysan ahaan lahaayeen, khasaare badan ayaa ka imaan lahaa, Dan wayn baa kujirta kuraasta caaga ah. Hadii ay xataa kuraas fiican sameeystaan waxaan dhihi lahaa dhulka halagu dhajiyo si ayna iskugu adeegsan(:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this