Sign in to follow this  
Dr_Osman

600 Residential Housing Projects Begins In Burtinle

Recommended Posts

Dr_Osman   

Burtinle : Degmadda Buurtinle oo Laga dhagaxdhigayo Dhismaha 600 oo Guri .

02 April 2012

 

APL

 

Buurtinle (APL ) : Degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa laga dhagax dhigayaa dhismaha 600 oo Guri ay dhisayso wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Horu marinta Reer Guuraaga oo kaashanaysa Hay,adda World vission(WV). Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ay Xubno ka yihiin Wasaaradda arrimaha Gudaha &Hay,adda World vission ayaa u kici timay degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal,waxaana halkaas ay ka dhagaxdhigayaan Goobta laga Bilabayo Guryahan oo laga dhisi doono Xarumaha Barakacayaashu kaga noolyihiin magaalada.

 

Xoghayihii Hore ee Golaha Deegaanka Degmadda Burtinle iminkana ka tirsan Xildhibanada golaha deegaanka Xaafid C/risaa Axmed ayaa allpuntland u xaqiijiyey dhismahaan iyo sida looga hirgalinayo degmada buurtinle. Xildhibaanka ayaa sheegay in masuuliyiintu ay kormeerayaan kaamamka ay ku noolyihiin dadka soo barakacay iyo kuwa xooluhu dhafeen ee kasoo xarooday dhulka Miyiga ah.

 

Iidi Abukar Mahdi waa gudoomiyaha Barakacayaasha Degmadda Buurtinle waxaa uu isna sheegay in dhulka maanta la dhagaxdhigayo ay Bixiyeen shakhsiyaad ka tirsan dadka degmada kuwasoo ku wareejiyey Maamulka oo iyan u dooray in ay ka hirgaliyaan dhismaha guryaha dadka Danyarta ah ee soomaaliyeed.

 

Gudoomiye Iidi waxaa uu sidoo kale xusay in guryaha laga kala dhisayo 3da kaam ee kala ah.

 

1. Kaamka kalkaal 1 oo laga dhisayo 180 Guri

 

2. Kaamka Kalkaan 2 waxaa ay yeelandoontaa 220 Guri

 

3. Kaamka Ladan waxaa laga hirgalin dhismaha 199 Guri.

 

Dadka barakacayaasha iyo Danyarta kale isugu jira ee ku nool 3da Kaamamka ee laga dhisayo Guryahan ee Degmadda Buurtinle ayaa Dhan 1512 Qoys iyadoo ay jirto Tiro kale oo Barakacayaal ahi.

 

Saalim

 

Allpuntland.com

 

saalim.org@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Ditoore this is great news. I hope that Somali government provides housing for the poor people in west, central and south Somalia until our people stand on their own feet. There is nothing important than having a roof over your head. Kudos to madaxda iyo hogaamiyeyaasha Burtinle city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this