Sign in to follow this  
Dr_Osman

Turkey Ambassador Arrives in Puntland

Recommended Posts

Dr_Osman   

Kani-tourun-safiirka-Turkiga-ee-Soomaali

 

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey

Updated:- 3 mins ago| 0 Commnets

 

Wefdi uu horkacayo safiirka Turkgia ee Soomaaliya ayaa goor dhow kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

 

Dr. Kani Torun iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran usoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tisan dowladda iyo dadweyne aad u tira badan.

 

Waxayna saacadaha soo socda kulan kula qaadan doonaan xarunta madaxtooyada mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

 

Waa markii ugu horeysey ee uu safiirka Turkiga ee Sooomaaliya magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland soo gaaro.

 

Booqashadiisa ayaana kusoo beegmeysa xilli dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda horumarinta dalkaas u qaabilsani ay Puntland yimaadeen.

 

Safarka Dr. Kani Torun ayaa loo badinayaa inuu dhabaha u xaarayo booqasho la filayo in bilaha soo socda uu Puntland ku yimaado Ra’iisul wasaaraha Turkiga Rajep Tayyib Erdogan.

 

Faah faahin ku saabsan kulanka safiirka Turkiga iyo madaxweynaha Puntland iyo sawiradaba Horseed Media way idiin soo gubin doontaa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

I guess thanks giving is early this year!! Turkeys...didnt they get nuff of their azz wiped in somali in the 1600 century by ahmed gurey. I guess they back for more punishments. Once a turkey u is always a turkey!! Bring it on Turkeys.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe (APL ) : Wafdi Balaran oo uu Hogaaminayo Safiirka Turkiga u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya . Safiirka, waxaa socdaalka ku weheliya 15 xubnood waxaana ay goor dhaweyd kasoo degeen Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Halkaas oo ay kusoo dhaweyey Masuuliyiin ka socota Golayaasha Dowladda puntland & Dadweyne aad Fara badan.

 

Soo Dhaweyn ka dib waxaa Martida loo soo Galbiyey Aalka Madaxtooyada Halkaas oo ay kulan Gaara la Galeen Madaxda Sare ee Puntland sida Madaxweynaha,Madaxweyne kuxigeenka iyo Golayaasha kale ee puntland .

 

Masuuliyiinta ayaa kulanka albaabadu u xiranyihiin ka dib la filayaan in ay warfidiyeenada la Hadlaan.

 

Wixii kasoo baxa kulanka Madaxda puntland iyo Turkiga kala soco wararka allpuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray

 

Sun, 01 Apr 2012 04:28:57 -0400 am -04:00 -14400

Garowe, Apr 1 -Safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya Koni Torun ayaa markii ugu horaysay soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

 

Danjiraha oo ay wehliyeen madax ka tirsan safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inuu magaalada Garoowe kula kulmo madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo madax kale duwan.

 

Booqashada danjiraha ayaa waxaa lagu macneeyay inay gogol xaar u tahay socdaal la filayo inuu ra’isal wasaaraha Turkiga Raceb Dayib Urdugan inuu ku yimaado Puntland,socdaalka r/wasaaraha Turkiga ayaa la sheegayaa inay ahmiyad siin doonto wadatashiyo la xiriira iskaashiga iyo horumarinta gobolka oo dhexmaraya dowladda Puntland,DFKMG Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

 

Danjiraha ayaa dhowaan booqday magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland, halkaasi ayaa waxaa ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weynaha dowladda Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka Tukiga ee Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray.

 

Sun, 01 Apr 2012 06:20:35 -0400 am -04:00 -14400

 

Garowe, Apr 1 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa maanta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay wefti katirsan dowladda Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe.

 

Weftiga oo uu hogaaminaya Mr Cemalettin Kani Torun oo ah danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan saacado qaatay la yeeshay madaxwayanaha dowladda Puntland.

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka sheekeeyay kaalintii Turkiga uu ka qaatay gurmadkii abaarahii ku dhuftay koonfurta Soomaaliya bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

 

Dr Faroolle ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay hay’adda Turkiga TIKA iyo dhaqaatiir u dhashay dalka Turkiga inay adeegyo caafimaad iyo gargaarka dadka dhibaataysan inay ka fuliyeen deegaanada Puntland.

 

Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sidoo kale ka sheekeeyay taaqriiqda fog ee Turkiga uu ku lahaa Soomaaliya xiligii wadankaas ay maamulayeen Cuthmaaniyiinta,isagoona sheegay in Turkiga uu astaamo ka sameeyay magaalada Berbera,sidoo kale uu caawin jiray daraawiishtii saldhigoodu uu ahaa Eyl iyo Taleex .

 

Mr Cemalettin Kani Torun danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo isaguna ka hadlay shirka jara’id ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Puntland, waxaa uu intaasi raaciyay dowladda Turkiga inay xiligaan mashaariic ka waddo magaalada Muqdisho, islamarkaana ay doonayso inay goobo kale ay mashaariic ka fuliso.

 

Danjiraha waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay xafiisyo ka furanayaan magaalada Garoowe, si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed xiliga adag ay ku jiraan,sidoo kale waxaa uu sheegay inuu rajaynayo inuu mar kale booqasho uu ku yimaado Puntland.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe(Puntlandi)—A delegation led by Turkish ambassador to Somalia Cemalettin Kani Torun reached Puntland on Sunday and received warm reception from Puntland’s people and their leaders, Puntlandi reports.

 

Ambasodor Kari Torun has received big welcome and he Pointed out Puntland’s peace and security is reliable..

 

Mr. Torun and his delegation have had a brief meeting with Puntland President Abdirahman Mohamed Farole , his vice president Abdisamad Ali Shire at the presidential palace in the capital.

 

Torum along with Puntland leaders paid quick visit to Garowe’s main hospital, and the under construction building of Puntland Parliament..

 

This visit comes after several previous visits made by Turkish Officials in Puntland .

Turkey launched a massive humanitarian aid campaign in Somalia, and Puntland expects some developmental projects from Turkish Government.

 

Following a visit to Somalia by Turkish Prime Minister Recep Tayyıp Erdoğan in August. The nation raised more than TL 526 million for Somalia .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this