Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Siilanyo appoints new Police Commander.

Recommended Posts

Madaxweynaha Oo Sarkaalkii sadexaad ee Booliska u magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska

 

March 31st, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Mr. Hoggaankii hawlgelinta ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Guud ee ciidammadda Booliska Somaliland.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo lambarkeedu yahay JSL/M/XERM/249-1017/032012 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Boolisku u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Taliyaha Ciidanka Booliska JSL;

Markuu ka fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday, in Mudane Cabdillaahi Fadal Iimaan laga bilaabo taariikhda maanta [shalay] uu ahaado Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.”

Taliye Fadal waxa uu buuxinayaa xilkii uu ka geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Marxuum- Maxamed Saqadhi Dubad oo todobaad ka hor ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qodobadda uu awooda saarayo

 

April 3rd, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Ku simahii Taliyaha Ciidanka Booliska isla markaana ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed.

 

Xaflad loo sameeyay xil wareejinta Taliyaha cusub ee Booliska oo ka dhacday taliska Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay,wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland ,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha, taliyaha asluubta maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo ku xigeenkiisa Xasan Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hogaanada Booliska Somaliland.

 

Ku simahii Taliyaha Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu wareejinayo dhamaan agabkii iyo Documents-kii Ciidanka Booliska.

 

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inuu mas’uuliyad loo xilsaaray si weyn u dareensan yahay culayska ay leedahay, waxana uu sheegay inuu awoodda saarayo dhinaca ka hortaga iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka.

 

Taliyuhu wuxuu uu ka dalbaday dhamaan hay’adaha kala duwan ee dhinaca ammaanka inay gacan ku siiyaan gudashada hawlahan qaran ee nabadgelyo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in waqtigani yahay kii looga baahnaa in da’yartu ay ka qayb qaadato adkaynta amniga isla markaana ay lama huraan tahay in maanta la arko generaalo dhalinyaro ah oo Somaliland amnigeeda u taagan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa isna ugu duceeyey taliyaha Cusub inuu ilaahay xuilkiisa u fududeeyo.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ee JSL Mudane Maxamed Nuur carraale Duur oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu halkan uga mahadcelinayo Madaxweynaha JSL oo go’aansaday inaanu Booliska cid dibada uga keenin, waxana uu kula dardaarmay taliyaha cusub in sharafta qaranku tahay mid ka muuqata hadba sida uu Booliska guduhu u shaqeeyo.

 

Gebagebadiina Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur carraale Duur ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey labada Taliye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this