Sign in to follow this  
Carafaat

Warancade: Kulmiye are more hawkish then UDUB

Recommended Posts

Carafaat   

Anaga (UDUB) Mucaaradnimadda Maanta Waxa Nagaga Fog Kuwa Ku Jira Xisbiga Kulmiye” Cali Warancade

--------------------------------------------------------------------------------

(Hadhwanaagnews) Thursday, March 29, 2012

Hargeysa (HWN) Wasiirkii hore ee duulista Iyo Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada hadal ay Somaliland la gasho xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Somalia.

u_62326d_2012-3-29-21-16-56f_WARANCADE-1

 

Hargeysa (HWN) Wasiirkii hore ee duulista Iyo Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada hadal ay Somaliland la gasho xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Somalia.

 

Cali waxa kale oo uu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay tahay mid kala aragti ah isla markaana aan isla socon.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay Wariye Cabdiraxmaan Xirsi Heelo oo ka tirsan Telefishanka Horn Cable.

 

Cali Maxamed Warancade ayaa geesta kale tibaaxay in mucaaraddada xisbigooda UDUB ay kaga dheeraayeen rag ka tirsan xisbiga Taladda Dalka haya ee Kulmiye.

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Way fiican tahay in si wacan oo walaaltinimo loo wada hadlo, waayo Somaliland maanta ma taalo in xoog lagu haysto, inana aynaan doonaynba in aynu Somaliland haysano laakiin ayaan daradda maanta taala waxa ay tahay in maamulka ka jira maanta dalka Somalia maaha mid awoodii ay umadda afsoomaaliga ku hadashaa ay ku gaadhi lahayd horumarka intaa le’eg” ayuu yidhi.

 

Sidoo kale mar uu ka hadlayay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu yidhi “Madaxweyne siilaanyo maanta dhib badan ayaa haysata, waayo kooxda aad doorataa hadii aanay ahayn kuwo u tababar dawladnimadda, waayo nimankani mid walba meel baa laga keenay, nimanka kulmiyena waxa ay ahaayeen niman ay mucaaradnimada iyo seef la boodnimadu ku fogaatay, waxaanan ku idhi beri aan la kaftamay ku idhi waar muxaafadnimada aanu idin barno, waxaana maanta dhinaca mucaaraddada nagaga fog kuwa ku jira xisbiga Kulmiye Dhexdiisa” ayuu yidhi.

 

Najax Aadan Cunaaye

 

Hadhwanaagnews/Office

 

Hargeysa/Somaliland

 

Najax@hadhwanaag.org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

UDUB wali lamay qabsan mucaarad games....warancadde waa kii 300,000 uu isku sharixi lahaa, shaxaad ku dhameeyay,,Still cid cusub oo aan taageero ma hayo..Xisbul Islaam seemed genuine for a moment..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Coofle, Siilanyo tageer adeer. waxba ha isku waalin odayaal waligood dawlad u shaqeeniyay, maantana dibada taagan oo mucaarid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Carafaat;811934 wrote:
Coofle, Siilanyo tageer adeer. waxba ha isku waalin odayaal waligood dawlad u shaqeeniyay, maantana dibada taagan oo mucaarid ah.

Waligayba guulwade ma noqon...imika oo aan cirreystay bilaabi maayo...Think of me as the good kind of opposition, I never say "ha dhacdo" but "ha la saxo "..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this