Sign in to follow this  
Samsung

Reer Seattle Remember Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf Pics Video

Recommended Posts

Samsung   

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

 

3517-150x150.jpg

 

16120-150x150.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

7232-150x150.jpg

 

13151-150x150.jpg

 

10-2-150x150.jpg

 

2-23-150x150.jpg

 

3-23-150x150.jpg

 

10147-150x150.jpg

 

 

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Seattle ee Gobolka Washington ayaa maanta isugu yimid kulan ballaaran oo qorshihiisu ahaa tacsi qaran oo loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliyeed Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo usbuucii hore dabayaaqadiisii ku geeriyooday Xarunta Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu-dabay.

Kulankaan oo ay sifiican uga soo qayb galeen guud ahaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Seattle ayaa waxaa soo qaban qaabiyey aqoonyahan, waxgarad iyo Ganacsato reer Seattle ah, oo ay ka mid yihiin C/qani Cabdi Cilmi (Dhiice), C/fitaax Xasan Gure (Guudle), C/llaahi Faarax Sanyare, iyo C/rashiid Shire Bile.

Isu-imaatinkaan ballaaran oo lagu maamuusayey Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa goobta ka hadlay waxgarad, aqoonyahan, saraakiil iyo weliba Isimo iyo Culumaa’udiin, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii hadalka la siiyey ka mid ahaa Sheikh Maxamed Xuseen Cali (Ciye), General Saalax Hassan Jaamac (Salax Liif) Ugaas Cabdiqani, Gaashaanle Sare C/qaadir Shire Faarax (Ereg) Dr: C/kariim Axmed Karaani), Gaashaanle Sare Yuusuf Khaliif Xasan Cadde, Abdi Ibraahim Aadan (Abdi dheere), Mohamed Mohamuud Cawiif, Dr C/xakiin Axmed Xaashi, Cibaado Xaaji Xasan, Nadiifo Xasan Abshir dhoore iyo masuulyiin badan oo aan magacyadooda halkaan lagu soo koobi karin.

 

Waxgaradka iyo iyo masuuliyiinta meesha ka hadlay ayaa dhammaantood muujiyey murugada iyo dareenka adag ee ku aaddan Geerida Allaha u naxariistee Madadaxweyne C/llaahi Yuusuf, iyagoo soo bandhigay kana warbixiyey shakhsiyadda Marxuum Madaxweyne Yuusuf iyo taariikh nololeedkiisii dheeraa, waxayna masuuliyiinta hadashay iyo dadweynuhuba u tacsiyeeyeen Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan qoyskii Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf uu ka tagay, waxayna alle uga baryeen inuu Marxuumka u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this