Sign in to follow this  
Mukulaalow

Breakin news: The body of ex president A.Lahi Yusuf lands in Muqdisho airport.

Recommended Posts

DEG DEG: Diyaaradii siday Meydka Madaxweynihii hore Soomaaliya oo goor dhow soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha

Diyaaradii siday Meydka Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo naxashka lagu sido Meydkiisa laga soo dejiyay diyaarada, waxaa hareer socda Saraakiil ka tirsan dowladda, waxaa ku xardhan Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Waxaa Garoonka ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Gudiga qaban qaabada aaska qaran, Safiirada dalalka deriska u fadhiya Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ay socoto qaban qaabada baroor diiqda ama aaska qaran ee loo sameynayo Marxuum C/llaahi Yuusuf.

 

Meydka Madaxweynihii hore waxaa wehliya qoyskiisa iyo mas'uuliyiin kale, iyadoo garoonka ay ku sugan yihiin Cutubyo ka tirsan dowladda oo isugu jira kooxda Baambeyda Muusikada iyo Ciidamada salaanta sharafta u saareysa.

 

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday maalin ka hor Magaalada Abu Dubai ayaa lagu aasayaa Magaalada Galkacyo, waxaana Galkacyo ku sugan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Mas'uuliyiin kale.

 

Janaaso ayaa la filayaa in goor dhow lagu dukado Meydka Madaxweynihii hore, waxaana hada garoonka khudbad ka jeedinaya Wasiirka Garsoorka, diinta iyo awqaafta Axmed Xasan Gaboobe oo sharaxaya qaabka loogu dukanayo salaada janaasada Meydka, sida Muslimiinta waajib ku tahay.

 

Salaada Janaasada ayaa lagula dukan doonaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadibna waxaa loo sii gudbinayaa Magaalada Galkacyo oo qorshuhu yahay in lagu aaso.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tujinaya salaada janaasada ee lagu dukanayo Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf.

 

Wixii ku soo kordha kala soco daqiiqad kasta Munaasabada aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynihii hore Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

A day of national mourning and the flag of Somalia at half-mast, I look forward to seeing the pictures and videos.

 

Keep us updated!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

wDmoZ.jpg

 

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa saaladda Jannaasada kaddib Tacsi u diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka geeriyooday madaxweynihii horre ee Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Jamuuriyadda uu ummadda ku boorriyiay in ay u duceeyaan marxuud Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Markii ay soo idlaatay Saaladda Jannaasada ee lagu Dukaday madaxweynihii horre ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxaa hadallo kooban jeeddiyay madaxda dowladda waxaana haddalka ku horreeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali, waxa uuna sheegay in Marxuum Cabdullaahi Yuusuf uu ahaan shaqsi ummadda Soomaaliyeed ku reebay taariikh weyn isla markaana ay Alle uga baryayaan in uu Jannadii Fardowsa ka warraabiyo.

 

Sidoo kale madaxweynnaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isna haddal kooban jeeddiyay ayaa ugu horreyn Tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed ehelladii uu ka baxay madaxweynihii horre ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay madaxweynaha in ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in iska cafiyaan walaalkooda, isla markaana ay u duceeyaan.

 

Madaxweyne Shariif ayaa yiri, “aniga iyo marxuumka waxaa ina dhaxeeyay cilaaqaad wanaagsan, waxaan ku wada xiriir jirnay qadka Teleefanka, waxa uuna ahaa shaqsi jecel dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya, Alle waxaan uga baryeenaa in uu Jannadii Fardowsa ka warrabiyo.

 

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahad celiyay dowladda Yemen iyo Isuga Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay ka codsadeen in ay si gaar ah ula socdaan xalaadda mudune Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay bixinta dhammaan Deemaha lagu leeyahay madaxweynihii horre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

INAA LILLAAN WA INAA ILLEYHI RAAJUCUUN.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

War Deg Deg AH: Meydka madaxweynihii horre ee Soomaaliya oo loo duulliyay Gaalkacyo

 

meydka.jpg

 

Published on March 25, 2012 by Feysal · No Comments · 11 views

Meydka Allaha u naxariistee madaxweynihii horre ee Soomaaliya ayaa laga duulliyay garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho, si loo gaarsiiyo magaalada Gaalkacyo oo ay hadda ka socoyo qaban qaabada aaska qaran ee madaxwenihii horre ee Soomaaliya.

 

Diyaaradda ka kicitimtay garoonka diyaaradda magaalada Muqdisho ee sida meydka madaxweynihii horre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa la socda masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo isugu jira guddiga qaban qaabada aaska qaran iyo madax kale.

 

Garoonka diyaaradda ayaa meydka madaxweynihii horre ee Soomaaliya lagula Dukaday Saaladda Jannaasada, iyadoo saacaddaha soo socda la gaarsiin doono magaalada Gaalkacyo oo ah halka aaska qaran loogu sameenayo madaxweynihii horre ee Soomaaliya.

 

Garoonka diyaaradda magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan magaaladaasi ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabo ballaaran oo ay wadaan madaxda maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaasi Cabdi raxmaan Faroole, iyadoo garoonka diyaaradda magaalada Gaalkacyo ay buux dhaafiyeen kummanaan dad weyne ah oo meydka sugaya si ay uga qeyb qaataan aaska qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Narniah   

Ina lilahi wa ina ileyhi raja'uun. May Allah make his grave spacious, illuminate it, pardon him and grant him Jannah ameen.

 

May Allah also grant his family patience to bear the burden of this loss ameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this