Sign in to follow this  
Somalia

Puntland Constitution Book handed out in Sool (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

AllPuntland.

 

 

Sool (APL ): Gudiga Kumeelgaarka ah ee Doorshooyinka Puntland (TPEC) ayaa deegaanadda puntland ka Wada Barnaamij Balaran oo ku aadan afti u qaadista Dastuurka puntland iyo Xulista Ergadda Ansixindoonta ee la filayo in ay Magaalo Madaxda puntland ee Garoowe soo Gaaraan 15 Bisha April ee Fooda inagu soo Haysa ,ka dib Markii ay gudigu dowladda u soo Gudbiyeen Talo soo jeedintooda ah in la qabto waqti cad oo lagu soo xulo ergadda ansixinta dastuurka ,ergadaasoo ay soo xulayaan Bulshadu oo ay Hormuud ka yihiin Salaadiinta Dhaqanka puntland.Xilligaana ay dowladu la qaadatay Talo soo jeedinta TPEC uuna si rasmi ah ugu dhwaaqay madaxweynaha puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud in 15 Bisha april ay fariistaan ergadda laga sooo xulo gobolada dalka si ay u ansixiyaan Dastuurka puntland. Gudigu waxaa uu Gudagalay ololaha lagu gaarsiinayo barnaamijka aftida Dastuurka oo gobolada iyadoo Bulshada loo Qabanayo Kulamo ku aadan Xulista ergadda Dastuur ansixin doonta iyo sidii ay usoo xulan lahaayeen Cidii uga Qaybgali lahayd ee Matali lahayd .Meelaha Maanta laga Qabtay kulamadaas ayaa waxaa ka mida Degaano ka tirsan Gobolka sool.

 

Kulanka oo ahaa Mid ay kasoo qaybgaleen Qaybaha Bulshada Sool SidaMaamulka Gobolka ,kan degmada ,Xubno ka socday Gudiga Doorashooyinka puntland ,odayaasha,dhalinyarada,Haweenka. Ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadlay Axmed Maxamed Maxamuud ( Dubays) ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey ujeedada shirka iyo arrimaha dastuurka iyo habka loo xulayo ergadda Dastuurka, Axmed waxaa uu sheegay in Barnaamijkani hordhac u yahay sidii loo xuli lahaa Ergadda ansixindoonta Dastuurka puntland oo la doonayo in 15 la ansixiyo dastuurka kamadanbaysta ah ee puntland, Waxaa kaloo uu sheegay in uu gudigu wado sidii dadweynaha loo ogaysiin laha in ay iska xulaan cida uga qaybgalaysa Ergadaas.

 

Dubays waxaa uu sheegay in kulankaani uusan ahayn kii ugu horeyey ee ay Bulshada sool u Qabandoonaan barnaamijyo kale oo la xiriira Nidaamka Geedi socodka ee puntland u sii siqayso.

 

Gudoomiyaha Gobolka sool ee Puntland Axmed Ibraahim Faarax (Faracade) ayaa u Mahadceliyey ugu Horey Xubnaha ka socda Gudiga TPEC oo waday Barnaamijka loogu soo Bandhigayo Bulshada sidii ay u Fahmi lahayd Dastuurka una xulan lahayd cidda u matalaysa ergadda Ansixinta Dastuurka Puntland.

 

Gudoomiyuhu waxaa ahmiyadda kulankani uu yahay sidii bulshadu u fahmi lahayd Dastuurkooda isla markaana ay ka arinsadaan cidii u matalaysa ansixinta Dastuurka,iyadoo puntland u hayamayso nidaamka Xukunka dadweynaha Gacanta loo galin lahaa iyagoo u madax banandonan in ay ciday rabaan dooran karaan, iyadoo laha guurayo nidaamkii Mudada lagu soo Taamayey ee ku salaynaa Qabiilka. Gudoomiyuhu waxaa uu ku Booriyey Dadweynaha in ay Ergadda u xushaan Shakhsiyaad u matali kara dadka iyo deeganka puntland.

 

Maxamuud Xirsi Faarax oo ka mida odayaasha Dhaqanka Gobolka sool ayaa isna sheegay in ay soo dhaweynayaan Barnaamijka afti u Qaadista Dastuurka iyadoo ay xulista ergadana ay ka tashanayaan Dadka deegaanku si ay ugu gudbiyaan Gudiga doorashooyinka puntland.

 

Haweenka ayaa iyana si weyn usoo dhaweyey nidaamka ergadda loogu xulayo ansixindoonta Dastuurka ayna la shaqayndoonaan Gudiga ku meelgaarka ah ee doorshooyinka Puntland.

 

Caasho Jaamac Faarax oo ku Hadlaysa Magaca Hooyooyinka ayaa Goobta ka Tirisay Buraanbur ay kusoo dhaweynayso Dastuurka puntland ee lagu wado in afti Dadweyne loo Qaadayo 15 Bisha April. Dhalinyara ayaa iyana u riyaaqay in la hirgaliyo nidaamka axsaabta Badan ee ay higsanayso puntland kaasi oo ay sheegeen inuu siinayo ahmiyad balaran oo ay kaga Raysanayaan nidaamka ku salaysan Qabiilka ee la filayo in la gudbidoono dhawaan.

 

Caaqil C/laahi Caynab ayaa lagu soo dhaweyey Codbaahiyaha waxaana uu ugu baaqay dadweynaha in la xoojiyo nabadgelyadda ayna odayaal ahaan soo dhaweynayaan nidaamka Aftida Dastuurka iyo Xulista Ergadda ansixindoonta Dastuurka puntland.

 

Xildhibaan Maxamed jaamac Banaf oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamanka Puntland ee ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa kulankan soo xiray wuxuu dadweynaha kula dardaarmay in bartaan xuquuqda uu dastuurku siinayo si ugula xisaabtamaan hay’adaha dawlada.

 

Ugu Danbaystiina waxaa Goobta lagu Qaybiyey Nuqulo ka Mida Dastuurka puntland oo ay Bixinayeen Xubnaha Gudiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka puntland.

 

DSC07069.jpg

DSC07065.jpg

DSC07059.jpg

DSC07063.jpg

DSC07032.jpg

DSC07044.jpg

DSC07036.jpg

DSC07049.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;809008 wrote:
Fake news khatuumo controls boocaame there is no such thing as garowe clan enclave in boocaame

Boocame, Taleex,Tukaraq and all Eastern Sool is under the rule of the Khaatumo State. Also Xudun (North Sool), and Buuhoodle and Widhwidh of Cayn Region are all under the rule of the Khaatumo State of Somalia as well. Puntland presence in Khaatumo/SSC Regions is now just a part of history.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

kingofkings;809002 wrote:
i dont' think the ssc folks on sol are going to like this. i a wait their usual noise.

We showed pictures and it is still fake! These people are on something else. They deny facts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hellow this is propaganda against khaatuumo it can be in another town in the garowe clan enclave every one can take pictures and say its tuulo hebel come on i know all the tactics of faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

it can be isku shuban it can be qandala any town in the garowe clan enclave its just pure propoganda Boocaame is where President bindhe is from he is from Boocaame the people from bocaame are khaatuumo supporters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;809018 wrote:
Hellow this is propaganda against khaatuumo it can be in another town in the garowe clan enclave every one can take pictures and say its tuulo hebel come on i know all the tactics of faroole.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this