Sign in to follow this  
Somalina

Hiiraan: Olole nadaafadeed oo laga fuliyey xaafadaha Beledweyn

Recommended Posts

Somalina   

nadaafad%20(5).JPG

 

Khamiis, Maarso, 22, 2012 (HOL) – Olale nadaafadeed oo ay ka qeyb-qaadanayeen ku dhawaad 300 ruux oo u badnaa haween ayaa maanta laga fuliyay afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.

 

Sida uu HOL u sheegay Shariif Findhig Fiidow oo ah mas’uulka NGO-ga HICDO oo howshan fulisay ujeedada olaha nadaafadeed ayaan ahaa mid la xiriira xuska maalinta biyaha aduun-ka oo maanta oo kale laga xuso dunida, isaga oo intaa ku darray in ay malintan ay ku maamusayaan fulinta olaha lagu nadiifinayo magaalada.

 

‘’Dabcan marka la eego nadaafada iyo biyaha saameyn muuqata ayeey isku leeyihiin, haddii aysan nadaafad jirin micnuhu waa biyo nadiif ahna ma jiraan, sidaa daraadeed waxaan doorbidnay in aan olale nadaafadeed ka fulino guud ahaa xaafaddaha ay magaaladu ka kooban tahay ayuu yiri,’’ Shariif Findhig.

 

Sidoo kale waxaa talaabadan soo dhaweeyay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada, gaar ahaan guddoomiyayasha xaafadaha kala gadisan ee magaalada, kuwaasoo sheegay in aad ugu baahnaayeen cid ka gacan siisa nadaafada.

 

nadaafad%20(4).JPG

 

 

’Waxaan ku faraxsannahay olalahan ka socda xaafadda aan mas’uulka ka ahay, waayo nadaafada waa qeyb weyn oo ka mid ah nolasha Bani’aadamka waan u mahad celineynaa mas’uuliyiinta howshan wada,’ ayuu yiri’’ Cujub Khaliif oo ah guddoomiyaha xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.

 

Dhinaca kale waxaa iyana jirta in qaar ka mid ah ceelasha ku yeela magaalada loogu deeqay ama la siiyay dawo ‘’kolariin’’ si loogu hagaajiyo saxada biyaha dadkuna u helaan biyo nadiif ah.

nadaafad%20(1).JPG

 

nadaafad%20(3).JPG

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Lool@ Somalina Somalidu wa dad walaan oo cajiib ah qabiil ba walayaa i had a guy the other day he was like where are u from he was from gedo by the way i said what do you mean he said magaalede baad ka timi he could not locate my accent ma Somali galbeed ma woqoyi meel walba wuu ila aaday i don't have a thick woqoyi accent even-though i like to play that accent on the internet:D Ninki marki anu isla rafanay mar u galkacyo ila aaday mar u garowe ila aaday mar u galguduud ila aaday wu so dhawaday oo wuxu yidhi ma reer jigjigaad tahay, But Somalis do that if they want to find out you're clan tuuladad ka timi bay ku weydiyaan ama magaalada, Any way reer hiiraan great people cleaning the city halka ka haya. Beledweyne and hiiraan are the heart land of Somalia god bless.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;808111 wrote:
If you want to know my clan just say so.
:D

 

Ever heard of Ceel Gaal? yep.

So :D

 

But Ceel Gaal is located in Saylac Awdal region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ontario inaan ku dhaho ayaa fiicneyd sooma ahan? :D

 

Maalin baa taxi odey Somali wado raacey, markaasu igu bilaabey:

 

Odayga: are you from Somalia?,

Somalina: haa

Odayga: magaaladan miyaa degan tahay?

Somalina: maya booqasho ayaan u joogaa

Odayga: Inaan reerkaaga aqaan ayaan u maleyn ee magacaa adeer?

Somalina: hebla Haji Mohamed

Odayga: Xaji Mohamed ayo?

Somalina: ma garaneysid miyaa Xaji Mohamed Ahmed Sheik?

Odayga: magacaas iguma cusbo adeer, hooyadaa magaceed?

Somalina: Xalimo Sheikh Ahmed Xaji Mohamed :)

Odayga: adeer where in Somalia are you from?

Somalina: K4, Xamar

Odayga: aabahaa xagguu ku dhashey adeer?

Somalina: C/Casiis, Xamar

Odayga: Okey. Yaad tahay adeer? (finally)

Somalina: waa ogtahay, Somali ayaan ahay.

Odayga: haa, laakiin yaad ka sii tahay? lol

Somalina: Somali baan ka sii ahay. :D

Odayga: kix kix, xujo miiran ayaad tahay adeer!

Somalina: baaburkaas agtiisa igu deji fadlan.

 

Taxi stops, so is the convo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dee inaad isaga sheegtaa bay ahayd, maadaama aynu Soomaali nahay, qoladaadaa oo aad sheegtaa cidna waxna macnaa u samayn mayso, haa uun buu ku odhan lahaa, ka dibna wuu iska dhaqaajin lahaa.

 

 

Iska daa haddaad gobolka Hiiraan ka timi waan iska soo dhawaynayaa cidaad tahaye. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;808149 wrote:
Somalina xita taxigilihi lacagtisa ma siin way iskaga dhaqaajisay

Tip fiican ayaan u tuurey odeyga, maalin qurux badan ayey ahayd xaga dhaqaalaha. C'mon now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this