Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands Foreign Minister dialogue will be with Somalia, farooles enclave is under Sharifs TFG

Recommended Posts

Hadaba Hadalkan ka soo yeedhay Hogaamiyaha maamulka Puntland waxa ka jawaaabay Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/lahi Cumar oo Xalay Wargeyska Waaheen Khadka Taleefoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa, waxaanu Dr. Cumar sheegay inaanay waxba ka khusayn Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TFG-da ”ayuu yidhi Dr Maxamed C/lahi Cumar.

 

Wasiirka oo ka jawaabayay hadalkaasi faroole ka soo yeedhayna waxa uu yidhi “horta waxaanu aad u soo dhaweynaynaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee ahaa inay Somaliland iyo Somaliya wada hadal yeeshaan mustaqbalka dhaw,waxaana dhamaaday wakhtigii midowga Somaliya iyo Somaliland ee lixdankii, Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TFG-da ”ayuu yidhi Dr Maxamed C/lahi Cumar.

 

Mar la waydiiyay hadii ay Puntland ka soo horjeesato wada hadalka Somaliland iyo Somaliya inay taasi saamayn ku yeelan karto wada hadalkaasi, isla markaana la odhan karo Somaliya uma wada dhama wada hadalkaasi wixii ka soo baxa waxa uu ku jawaabay “maya wax saamayn ah kuma yeelan karo anagu waxaanu la hadlaynaa waa Somaliya Gobolka Puntland-na waxaa uu ka mid yahay Somaliya, anaguna dawlada dhexe ee somaliye weeye cid aanu la hadlaynaa ee maaha Puntland”

Wasiir Cumar mar aanu waydiinay aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku aadan Guddi uu madaxweyne sh. Shariif sheegay in loo saarayo wada hadalada dhex mari doona Somaliya iyo Somaliland waxa uu ku jawaabay “anagu waxa kaliya ee aanu ku taaganahay waa wadahal inaanu la yeelano dawlada Somaliya anagoo Somaliland ah oo dawlad ah, kana wada hadalno xidhiidhka aanu wada yeelan doono mustaqbalka , laakiin taa guddidu iyaga ayay u taalaa, anaguna waxaanu ka yeelanaynaa talo qaran qaabka aanu wada hadaladaasi uga qayb gelayno”.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/lahi Cumar waxa kale oo Wargeyska Waaheen su’aalay hadii ay Somaliya degi waydo, isla markaana uu fashilmo rajada laga sugayo wakhtiga kala guur-ka ah ee bisha August, qorshaha Somaliland ee ku aadan Ictiraaf raadinta.

waxaanu ku jawaabay “ dee horta Somaliland waa dal madaxbanaan oo dimuquraadi ah oo xidhiidh fiican la leh beesha caalamka, waxa kaliya ee aanu somaliya kala hadlaynaana waxa weeyaan xidhiidhka aanu la yeelan doono ee maaha madaxbanaanida Somaliland, marka qorshahayagu meelbuu noo yaalaa”.

 

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland waxa uu sheegay inuu rajo fiican ka qabo in beesha caalamku aqoonsato Somaliland dhawaan, isagoo xusay inay dedaal ugu jiraan sidii caalamku u aqoonsan lahaa Somaliland xataa hadii ay Somaliya ka gaws adeygto Ictiraafka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu wasiirku sidoo kale sheegay inay dawlada Somaliland ku niyad santahay inay nabadi ka aslaaxto dalka Somaliya, isla markaana ay diyaar u tahay Somaliland inay gacan ka geysato xalinta dhibaatada daba dheeraatay ee Somaliya ka taagan 21-kii sanadood ee la soo dhaafay, isagoo dhinaca kale ku adkaystay in qadiyada madaxbanaanida Somaliland muqadas tahay, isla markaana 21 sanadood ka hor ay shacbigeedu go’aansadeen inay gooni-isu taagooda la soo noqdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Farole.jpg

Image1.jpg

 

Farole only answers to the parliament of puntland. However silanyo and the tfg will answer to Puntland

DSCN0287.JPG

 

Sidi galmudug loo samayay oo ay puntland kala tashatay ayaa noqon karo mamul. Wax kale waxba kama jiran except for jubba areas which is clan affiliated. But anyone who wishes to have a recognised govt in somalia u know where to come get your backside in garowe and when we determine you are not threat to puntland then you will be allowed to be a govt if you are direct threat you will be cut off and put back into isolation!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This is not mamul goboleed wa dawlada puntland. Mamul aan puntland fasax ka soo qaadan waxba kama jiraan, wada hadal kasto dhex maro tfgka iyo somaliland wa inay puntland ku dhex jirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

clan enclaves have no business in the affairs of Somalia. they were not around in 1960, and they will not be in around 2013. Inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

PL will have a say but it'll be via the TFG (or whatever follows it). Still, it's wise of Faroole to put a marker in place and remind all that PL will not go quietly. Great fun at any rate. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland will keep deluding themselves until the bitter end. Puntland will have a say in anything to do with the unionist regions, any spoilers the peace and road map will not be tolerated..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

NGONGE;802776 wrote:
PL will have a say but it'll be via the TFG (or whatever follows it). Still, it's wise of Faroole to put a marker in place and remind all that PL will not go quietly. Great fun at any rate.
:D

Great fun indeed. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

shariif is not a trustworthy negotiator. intuu is leeyahay puntland ku xumee, he may give them the recognition they need. bal idinku fiirsada. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole Represents the interests of his clan and not that of somalis.he has no right to talk about the interests of beesha khatumo and konfur affairs.waa oday waashay oo qabyaaladu dilootay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;802806 wrote:
Somaliland will keep deluding themselves until the bitter end. Puntland will have a say in anything to do with the unionist regions, any spoilers the peace and road map will not be tolerated..

 

because weeeee puuuuuuutland shekooo aya wali socotaa...

 

saxib be greatful you sleep peacefully in garowe and bosaso...you dont have a say because you dont live their no control it...furthermore you open your mouth or show any provacation im sure you wont because you guys are always the first to run in battle...The Somaliland flag will be flying over Bosaso and Garowe...we go FOR LIBENSRUM.... We growing fast... :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this