Sign in to follow this  
Saalax

Somalia: Hundreds protest against Somalia president Shariif in Mogadishu

Recommended Posts

Saalax   

Boqollaal Reer Banaadiri ah oo Maanta Bannaanbax ka Dhan Madaxweyne Shariif ka Dhigay Muqdisho

 

 

Muqdisho (RBC) Boqollaal ruux oo ka tirsan beelaha reer Banaadiriga ayaa maanta bannaanbax cabasho ah ka dhigay degmooyinka Xamarweyne, Cabdicasiis iyo Shangaani ee magaalada Muqdisho iyagoo socod ku maray waddooyinka degmooyinkaasi.

Bannaanbaxa oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafaya 600 ruux oo reer Banaadiri ah ayaa ku bilawday socod ay ku mareen degmooyinka saddexda ah iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku muujinayaan caddaalad daro ay sheegeen in DKMG ah iyo maamulka gobolka Banaadir ku hayaan shacabka reer Banaadiriga ee ku nool Muqdisho.

Dibadbaxayaasha oo aad u qeylinayey ayaa ku dhawaaqayey “Caddaalad darrada ha dhamaato.., Madaxweyne Shariif caddaaladii wuu ka tegey iyo …… Away xaqii aan ku lahayn Gobolka Banaadir”.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar marooyin ah oo ay ku sawirnaayeen madaxweynaha Turkiga Cabdalla Goul iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Dadka bannanbaxayey ayaa dalbanayey in laga dulqaado caddaalad darro ay ku heyso dawlada Sheekh Shariif iyagoo si gaar ah u tilmaamay in shaqaalaha iyo maamulka dalka lagu xaqiray.

Gudoomiyaha dhalinyarada Banaadiriga Cumar Shariif Jeeg oo markii dambe la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in cabasho ay u gudbiyeen madaxda DKMG ah hase yeeshee wax jawaab ah loo soo celin waayey. Wuxuuna ka codsaday caalamka gaar ahaan dawlada Turkiga iyo Qaramada Midoobay inay indho wax arka ku soo eegaan dulmiga lagu hayo dadka reer Banaadiriga.

“Awalba waxaa nala yiri waa bar (4.5) oo sidaasaa naloo xaqiray, haddana waxaa noo sii dheer inaan hay’adaha dawlada wax qadarin ah aysan siin cabashadeena” ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.

“Dalkaan wuxuu la hagaagi waayey oo uu labaatan sano dhibaatada uga socoto waa dulmiga lagu hayo dadka aan hubka heysanin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Shariif.

Cumar wuxuu aad ugu dheeraaday in madaxweyne Shariif gobolka Banaadir oo ah meeshii ay u dhasheen iyo dekeda Muqdisho uu ku safay dad reerkiisa ah iyo saaxiibadiisa isagoo iska ilaaway dadka kale.

Ma jirin cid ka tirsan dawlada oo la hadashay dibadbaxayaasha oo socodkooda si nabadgelyo ah ku dhameystay.

Cabashada beelaha Banaadiriga ayaa ahayd arin maalmahanba ka taagneyd magaalada Muqdisho walow masuuliyiinta DKMG ah aysan ka hadlin.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its the banadiri community of xamar from the old city of Xamar from Shingaani and Xamarweyne they are not happy with the current Mogadishu Admin they should be fairly represented in the Mogadishu admin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Read this carafaat

 

Cumar wuxuu aad ugu dheeraaday in madaxweyne Shariif gobolka Banaadir oo ah meeshii ay u dhasheen iyo dekeda Muqdisho uu ku safay dad reerkiisa ah iyo saaxiibadiisa isagoo iska ilaaway dadka kale.

Ma jirin cid ka tirsan dawlada oo la hadashay dibadbaxayaasha oo socodkooda si nabadgelyo ah ku dhameystay.

Cabashada beelaha Banaadiriga ayaa ahayd arin maalmahanba ka taagneyd magaalada Muqdisho walow masuuliyiinta DKMG ah aysan ka hadlin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;802120 wrote:
Basicly Shariif's Jowhar clan are marginalising the Banadiri's. shame.

the jowhar clan are basically banadiris also.:D:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Mohamed Dheere has done far worse to people of Xamar and they never complained. i think its propaganda to undermine the good Sheick.

 

Wouldnt suprise it this was the same kind of trick Farmaajo did to damage Sheick Shariif. is being repeated by the MP. PR reception at the airport and the same day demo against Sheick Shariif. he migh have learned from the best.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Carafaat, Maxamed Dheere never presided over Xamar in the whole of post-civil war era, so son: what the heck are you on about?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

I think Sheikh Shariff should stay in power in the next four years of the coming interim gov, a politician from "PL" should not be trusted with the presidency untill the whole of Somalia is liberated and most regions are politically active and part of consultation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this