Sign in to follow this  
kingofkings

Amiin Caamir oo iminkana loo adeegsanayo isku dirka Bulshada Puntland

Recommended Posts

amiin-Caamir-300x195.png

 

Amiin Caamir oo ku caana inuu lacag dhaafsado sharafta magaca Soomaaliyeed, iyo inuu u adeego kuwo ku caan baxay isku dirka iyo burburinta shacabka Soomaaliyeed ayaa imin ka bilaabay inuu ka qayb qaato burburinta amaanka Puntland isagoo u adeegaya kuwa u tafa xaytay nacaybka iyo dib u dhiga bulshada Puntland,wuxuuna lacag yar dhaafsanayaa fulinta howlahaas isagoon ka fiirsan waxa ka imaan kara sawirada uu sawiro.

 

Sawirku wuxuu leeyahey macno badan Dadka qaar waxay arkaan oo kaliya qofka la sawirey iyo erayada ku qoran lakiin sawirkastaa wuxuu xambaarsan yahay macne iyo ujeedo.

 

Sawirkii ugu dambeeyey ee uu sawiro Amiin Caamir waa mid lid ku ah amaanka shacabka Puntland kuwasoo isu diyaarinaya iney u gudbaan horumar hor leh oo ah in wadanka laga hirgaliyo Doorashooyin xor ah iyo habka xisbiyada badan, waxaa jira Dad badan oo Aduun fara badan diyaar ula ah inay hor istaagaan horumarka shacabka Puntland, ayna khal khal galiyaan bulshada dhexdeeda.

 

Dacaayada la doonayo in si qaldan wax looga dhaadhacsho shacabka ma ahan mid loo dulqaadan karo, waxayna u baahan tahay in Shacabka Puntland ay la dagaalamaan kuwa qalinka iyo jeebka u adeegsada burburinta Puntland.

 

Argagixisadu ma ahan oo kaliya ninka qoriga wax ku dila ee kan qalinka iyo lacagta u adeegsada marin habaabinta iyo iska horkeenida shacabku waa Argagixiso.

 

Amiin Caamir hadii uusan lahayn maskax uu kukala garta qoraalada iyo fikradaha loo keenayo ee uu lacagta ku qaadanayo macnaha ka dambeeya iyo ujeedooyinkooda waa inuu ka waantoobaa, hadii kale waa inuu cadeystaa inuu kamid yahay Cadowga burburka Dalka usoo tafa xaytay inuu kamid yahay, kuwaasna shacabka iyo Dowlada Puntland go’aan adag bay ka taagan tahay ladagaalankooda meelkastoo ay joogaan.

 

Amiin caamir ma waxaad moodey in hogaamiyayaasha Puntland mucaarad iyo xukuumada hada jirta ay yihiin kuwo ka tusaale qaadanaya sawirada qaldan ee aad kaga qayb qaadatay burburinta Koonfurta Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland mucaarad iyo muxaafid waa kuwo u taagan difaaca dalka iyo Dadkooda.

 

Puntland waxay u taagantahay horumarka iyo dib usoo celinta magaca Soomaaliyeed, Shirarkii Garowe waxay ahaayeen bilow wanaagsan, Shidaalka uu Amiin caamir dacaayada u adeegsanayo waa mustaqbalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this