Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

TFG captures Suuqa xoolaha and Maslax

Recommended Posts

Ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaanashaya ciidammada AMISOM ayaa saakay arroortii la wareeegay deegaanka Suuqa xoolaha ee dulleedka magaalada Muqdisho kadib howlgalka ballaaran oo ay halkaasi si wadajir ah uga wadaan maanta ciidammada dowladda iyo ciidammada AMISOM.

 

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garabsanaya ciidammada AMISOM ayaa saakay ku dhaqaaqay deegaanka Suuqa xoolaha ee dulleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen haraadiga malleeshiyaadka Al-Shabaab Al-Qaacidda, iyadoo ciidammada halkaasi ay kala wareegeen kooxda hororka ahaa ee Al-Shabaab Al-Qaacidda.

 

Howlgalka wadajirka ah ayaa illaa haatan soconaya, iyadoo ciidammada ay jiireen malleeshiyaadkii isku dayayay in ay hor istaagaan, dhinaca kale howlgalka ciidammada dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM ay ka wadaan dulleedka Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay malleeshiyaadka badan.

 

Dhinaca kale saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya ee holwgalka hoggaamineysa ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in uu howlgalkaani yahay kii Muqdisho oo idil looga ciribtirayay Al-Qaacidda iyo kuwa la mid ah.

 

Wixii Warar Ah Ee Howlgalkaasi Ku Soo Kordha iyo Sawirro Kala Soco radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidammada AMISOM oo saakay howlgalka ka billaabay dulleedka magaalada Muqdisho ayaa la wareegay deegaanno hor leh, iyadoo deegaannada ay la wareegeen ay ka mid tahay xerada Maslax ee dulleedka Muqdisho.

 

Taliyaha Guutada Labaad ee ciidammada Xoogga dalka coronel C/llaahi Cali Caanood oo goor dhow waregsi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka ay saakay u ruqaansadeen sidii ay Al-Qaacidda uga xoreyn lahaayeen cirifka dambe ee magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in ciidammada ay la wareegeen deegaanno badan oo dulleedka ka ah Muqdisho.

 

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidammada Xoogga ay jiireen deegaannada kala ah Suuqa xoolaha, Dibille iyo deegaanno kale, isagoo intaa raaciyay in ciidammada ay gudaha u galeen xeradii ay Al-Qaacidda muddada ku sugneyd ee Maslax, haddana ay ciidammada ku sii siqayaan dhul ka baxsan magaalada Muqdisho.

 

Coronel Caanood ayaa sheegay in ciidammada Qalabka Sida aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray, isla markaana ay sii baacsanayaan malleeshiyaadka Al-Qaacidda oo uu sheegay in qaarkood ay ku go’doon ku yihiin guryo ku yaalla halka uu holwgalka ka soconayo.

 

Ugu dambeyntii ayuu sheegay in ciidammada ay dagaalka ka soo galeen jihooyin badan, waxa uu intaa ku daray in ciidammada aysan hakan doonin inta Al-Qaacidda Muqdisho laga ciribtirayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A.U. ba ka saray saxib...TFG ayada la ilaliya ...:cool:

 

even hope should be logical i dont see the logic of getting happy for the A.U. pushing back alshabab...furthermore alshabab dont need bases they everywhere. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

(Mogadishu, 2 March 2010) Somali National Forces with the support of AMISOM troops in Mogadishu have this morning launched an operation in response to attacks by the terror group al Shabaab originating from their base in the northern fringes of the Somali capital.

 

The operation involves AMISOM’s Uganda Contingent and aims to push the al Shabaab out of Maslah -a depopulated neighbourhood in the north. It will extend the city’s defenses and deny the Al-Qaeda backed terrorists important ground from which they have been targeting the city's population.

 

"This operation is necessary to consolidate the security of Mogadishu. It will make it possible for the civilians to return to their homes and resume their normal lives. I urge every peace loving Somali to give maximum cooperation towards this cause for peace," said AMISOM Force Commander, Maj. Gen. Fred Mugisha.

 

The move comes barely two weeks after a similar push to the south saw the security cordon around the city expanded further outwards.

 

An update will be given as the operation progresses.

 

 

 

ENDS

 

--

 

Paddy Ankunda

 

Lt Colonel

 

AMISOM Force Spokesman

 

Tel: Somalia: (+252) 699 758567

 

(+252) 618 508181

 

(+252) 623 80889

 

Tel: East Africa: (+256) 772696070

 

(+256) 713914411

 

Email: amisomforcehq@gmail.com

 

paddyankunda@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa saakay waaberigii la wareegay deegaanadii ugu dambeeyay ee ay duleedka magaalada Muqdisho kaga sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay deegaanka Suuqa Xoolaha iyo xeradii Masalaxa ee wadada Balcad, waxaana ay xarumo ka sameysteen xerada Maslaxa.

 

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamadii saakay la wareegay dhulka ay weeraro ka soo qaadeen jihooyin kala duwan, sidaasna ay ugu suuro gashay in ay dhulkaasi qabsadaan.

 

Si kastaba, dhulka saakay ay gacanta ku dhigeen ciidamada ayaa ah goobihii ugu dambeeyay ay Muqdisho kaga sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Cambuulo iyo bun;797585 wrote:
lool carafaat xeradiisa aa la qabsadi in the outskirts of the city

Xerada magaca ha laga badalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this