Sign in to follow this  
OdaySomali

Qurbojoog Qurbojoog

Recommended Posts

Qurbojoog Qurbojoog!

Hadii qiiro ay ku hayso,

Dalkana qiimo aad u hayso,

Quluub taadu ay na hayso.

 

Qaxarkan dalka haysta ahaataan,

Dadkiisi qaar idlaadeen.

 

Qaxarkan dalka haysta ahaataan,

Dadkiisi qaar idlaadeen,

Qaarna ay qaxayaan,

Noloshiiba ay ka quusteen.

 

Qaxarkan dalka haysta ahaataan,

Dadkiisi qaar idlaadeen,

Qaarna ay tahriibeen,

Noloshiiba ay ka quusteen.

 

Qurbojoog wadankeena,

Qofkalad ku halaysoo,

Qiyaastii ma haynee,

Ku darsada ku darsada,

Qorshaha ku darsada.

 

Qurbojoog Qurbojoog,

Haduu qurbojoog xisaabtamo oo,

Dadkuna qirayaan wanaagaa oo,

qaybtaaduna banaantahay oo,

 

Qaran dadku ay qiyaaseen,

dantiisi qaar khushuuceen,

qaarna ay ka qanceen,

kuruskii ayba waayeen,

 

Qurbojoog wadankeena,

Qofkalad ku halaysoo,

Qiyaastii ma haynee,

Ku darsada ku darsada,

Qorshaha ku darsada.

 

Qurbojoog wadankeena,

Qofkalad ku halaysoo,

Qiyaastii ma haynee,

Ku darsada ku darsada,

Qorshaha ku darsada.

 

Ku darsada ku darsada,

Qorshaha ku darsada.

 

Ku darsada ku darsada,

Qorshaha ku darsada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Qabiil kheyr ma leedahay?

Qaneecaad ma leedahay ?

Hadii aan ku qaadnona,

Qibrigiyo qiyaamaha,

qiil ma noo helaysaa ?"

 

"hadiii aan qabiil ahay,

kheyr eebe ka ma lihi,

kharibe [beni] aadan [ay]aan ahay,

hadiid aad i qaadaan,

ama igu khafiiftaan,

idinkaa iskakay qubin"

 

"Qabiil waanu maqalee,

qodobkee aduunyada,

[ay]aad qeyb ku leedahay?"

 

"Hadii aan qabiil ahay,

xunuunada khataraha ah,

ee qalqalay aadmiga,

ayaan qeyb ka mid ahay""

 

"Qabiil waad na qabataye,

jidhka kuwa dhameeyiyo,

waar ma TBishaa tahay ?"

 

"Hadii aan qabiil ahay,

Kankaro iyo kud baan [lamid] ahay,

kuwa aan wax garan baan,

kadabkooda jarayaa."

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Somaaliyeey waxaad diidaneedayn,

soo dulmiga maaha ?

Waar maantana waxaad doorbideen,

dhac iyo boob maaha ?

Ragii aynu ku meel mari lahayn,

waar wax madhan maaha ?

Soo kuwaa masaaraha sitee,

meydka faga maaha ?

Magaceena kuwa dhumiyay ee,

meel xun maray maaha ?

Marastooda kuwa laynaya ee,

macangaga ah maaha ?

Meydadlka kuwaa safarsadee,

musalifka ah maaha ?

Maskaxkale nin uu leeyahayna,

kala micneeyn maaha ?

 

Imaankooda kuwa uu iblays,

meel ku xidhay maaha ?

Soo kuwaa xaqii diidayee,

na xaqiray maaha ?

Xoolaha dadkii dhacayoo,

ka xajinaya maaha ?

Dabeetana taasa xaqii xafidsan,

soo maaha ?

Masaakiinta miinada ku xidhayee,

ka xamdinaya maaha ?

Janadii Alle' ayaan xoog ku gelayaa,

ku xarbinaya soo maaha ?

 

Cadawgeenu wuxuu doonayaa,

soow is cuna maaha ?

Casumaad wuxuu noogu fidin,

soo cakiran maaha ?

Casharada wuxuu noogu bixin,

cagajugleyn maaha ?

Dabateena ciidaan dhacee,

cagaha [ii] leef maaha ?

Calankiinu waa kii dhumee.

ceel ku rida maaha ?

Soomaaliyeey cawaan baa tahee,

soo car hadal maaha ?

Caqli ninkii kugu hantiyey,

kugu ciyaar maaha ?

 

Badaheena kuwa boobayaa,

dunida soo maaha ?

Burcadana waxay ula baxeen,

soow bulshadii maaha ?

Inaguna waxaynu doorbidno na,

soow iyaga maaha ?

Debadaha waxaynu ugu didnaa,

dewersi soo maaha ?

Doofaar nin uu deeq la yahay,

deeq ha barin soo maaha ?

Dabadeedna aduun ayaan tabcadee,

derejo mood soo maaha ?

 

Dhaqankeeniiyoo inaga dhuma,

dhabarjab soo maaha ?

Dhalaankoo lagaa doorya,

diin ka bixid maaha ?

Daliishii Ilaahay ku baray,

soow ka durug maaha ?

Midii hore midan baa ka daran,

dalabkuu soow maaha ?

Dagaalada waxaan ugu jirnaa,

damac rag soow maaha ?

Nin waliba wuxuu doonayaa,

derejo soow maaha ?

 

Soomaaliyeey waxaan doorana,

soow dan qudha m maaha ?

Sharcigii iyo dastuurkaan lahayn,

dabagal soo maaha ?

Dulmi iyo ninkay derisyihiin,

soow ka durug maaha ?

Dalkeenu wuxuu doonayona,

dib u dhis soo maaha ?

Darajona Ilaah baa baxshee,

soo ka bari maaha ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
That is very, very powerful gabay; dare-I-say almost reminiscent of Suldaan Timacadee. Manshallah Ilaahay kheyrkii ayada iyo inaga ba ha ina siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this