Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole Somalis Were Divided But Now United Under Garowe Principles

Recommended Posts

Xaaji Xunjuf;794737 wrote:
^We shall see what the US does when Somalis disagree on the so called garowe accord:D

banadir o dhan ba diday saxib...and Somaliland doesnt entertain that sort of cr*p. these neo-siadist live in a dream world.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;794737 wrote:
^We shall see what the US does when Somalis disagree on the so called garowe accord:D

"
The position of the United States is straightforward: attempts to obstruct progress and maintain the broken status quo will not be tolerated," Clinton told the one-day gathering in London of about 40 African, Arab and Western leaders and government ministers.

 

"We will encourage the international community to impose further sanctions, including travel bans and asset freezes,
on people inside and outside the TFG
who seek to undermine Somalia's peace and security or to delay or even prevent the political transition."

Damn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Mahiga”Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen.”

Posted by Pi on February 27th, 2012

 

London(Pi) Xafladii ay Jaaliyada Puntland ee London usameeyeen Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London ayaa waxaa marti u ahaa Danjiraha Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya u qaabilsan Augostine Mahiga, wuxuuna Xaflada ka jeediyey khudbad dheer.

 

 

Hadaladii Mahiga waxaa kamid ahaa

 

Agustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya” Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”. Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay

 

Sawiradii xaflada oo ay kasoo Qaybgaleen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyo Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole, hada ayaan gacanta ku haynaa oo soo gudbinaynaa, Waxaa Xaflada iskusoo dubaridey PDF-Uk, waxaa Marti u ahaa PDF USA, PDF CANADA IYO PDF DENMARK.

 

Puntlandi.com

 

London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

LONDON: Jaaliyada Puntland oo Xaflad London ugu qabatay Madaxda Dowlada Puntland (Faah-faahin)

February 27, 2012 1:27 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Print

 

London: (pp)- Xaflad Ballaaran oo Xalay lagu soo dhoweeyey Madaxda dowlada Puntland, Puntland Diaspora Forum International iyo Masuulka ugu sareeya Xafiiska (UNPOS) ayaa ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska .

 

Madaxda Puntland oo xaflad soo dhoweyn ah loo sameeyey

IMG_8036666-1-300x156.jpg

 

Xafladaas ayaa waxaa ka hadlay Agustina Mahiga oo ah masuulka ugu sareeya Xafiiska QM ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaam Maxamed Faroole, Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Gaas , Wasiirka Arrimaha Guddaha & dowladaha hoose Gen. C/laahi (Ilkajiir), Prof. C/risaaq Jurille , iyo masuuliyiin kale.

 

Hadalkii Xildhibaan Prof. C/risaaq Juriile

 

Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurile)

jurile-300x156.jpg

 

Xildhibaanka ayaa khudbo qiimo leh ka jeedeeyey Xafladaas ayaa si guud ugu mahadceliyey Marti sharafta iyo Madaxda Puntland, wuxuuna Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille)hadaladiisa qiimaha badnaa ku bilaabay sidan ” Waxaan aad ugu faraxsanahay anaan ka mid ahay muwaadiniinta Reer Puntland, waxaan reer Puntland ku tilmaami karaa inay yihiin dad soomaali jecel laguna yaqaan taariikhda soomaalida inay yihiin dad nabad jecel, Waxaan kaloo xusayaa in Puntland ay noqdeen hoygii qaranimada Soomaaliya marka la fiiriyo shirarkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay Puntland sida Garoowe1 & garoowe2 , waxaana mahad gaar u celinayaa Madaxda Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole, waxaana idinkula dardaarmayaan inaad dowlada hadda jirta aad taageertaan, maadaama ay ku talaabsatay Guulo la taaban karo oo wax ku ool ah oo dhanka nabada ah iyo dhanka mashaariica horrumarinta, waxaan kale oo idiinkula dardaarmayaa inaad adkeysaan Nabada deegaanada Puntland, faraha ku qabataan nabada Puntland” ayuu yiri Prof Jurile.

 

Hadaladii ugu muhiimsanaa Khudbadii Madaxweyne Faroole

 

Madaxweynaha Puntland dr. C/raxmaan Maxamed Faroole

Madaxweyne-Faroole-300x156.jpg

 

” Waxaan halkaan mahad gaar uga soo jeedinayaa Jaaliyada soomaaliyeed ee Puntland sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabiyeen Xafladaan, Waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ku talaabsatay horrumar la a taaban karo, Puntland waxay Martigelisay shirarkii Caalamiga ahaa ee Garoowe1 iyo Garoowe2, waxaana ka soo baxay natiijadii wanaagsanayd ee lagu yimi Magaalada London. Puntland waa nabad , waxaan shacabka Puntland kula dardaarmayaa inay adkeeyaan Nabada , maxaa yeelay Nabad la’aan wax la gaari karo ma jiraan, waxaa loo baahan yahay shacab iyo dowlad in gacamaha la is qabsado , horrumar-na taas ayaa lagu gaari karaa. Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa in Puntland 13 sano kahor ay qaadatay nidaamka Federaalka , Puntland cidna kama xigno, anagana Banaadir cidna nagama xigto , qofkii go’aan ku gaara meeshuu doono ayuu degi karaa soomaaliya , Laakiin maamulka wadanka lagu dhaqayo waa inuu ahaadaa Federaal oo dowlad dhexe la isugu yimadaa, anagoo ka faa’iidaysanayaa dhibaatooyinkii horay uga dhacay soomaaliya sida dagaalkii Sokeeye oo aan ognahay inuu yahay waxa Soomaaliya halkaas dhigay”.

 

Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo Xafladaas ka hadlay

gaas.bmp

 

Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Gaas oo xafladaas waqti danbe soo gaaray ayaa hadalo kooban sheegay , isagoo yiri ” Aad baan u salaamayaa madaxda dowlada Puntland sida Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale , Jaaliyada , Martisharafta. Waxaan halkaan ka xusayaa in Somaalida degan London ay muujiyeen dadaal dheeraad ah , waxaana uga mahadceliyaa sida ay Jaaliyada soomaaliyeed ee Uk ugu istaageen arrimaha Soomaaliya iyo sida ay u feejigan yihiin , Soomaali waxay Tiraahdaa Kheyr wax kaama dhimee shar u toog haay, markaa shacabka Soomaaliyeed sida xilkasnimada leh ay af-ka u furteen oo ay meelwalba ay qayladooda u gaarsiiyeen ah inay maxmiyad la gelinayo waa ku mahadsan yihiin sida wanaagsan ee ay u feejigan yahiin” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Raiisal wasaare Gaas.

 

Dr. Maxamed Xasan Barre ( Shimbiralaaye) oo ah Guddoomiyaha Doorashooyinka Puntland ayaa hadal kooban ka sheegay xaflada ayaa Carabka ku dhuftay inay diyaariyeen habkii doorashooyinka Puntland , isagoo sheegay in mustaqbalka Puntland ay ka dhici doonto Doorahooyin ku dhisan habka Dimoqraadiga ah.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha & dowlaha hoose Gen. C/laahi Ilkajiir

 

Gen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)

Gen-Ilkajiir-264x156.jpg

 

“ Waad salaaman tihiin Jaaliyada Puntland ee halkaan nagu casuntay, waxaa kaloo salamayaa Raiisal wasaaraha , Marwada Raiisal wasaaraha iyo marti sharafta kale ee halkaan ku sugan. Wadankii waad la socotaan horrumar ballaaran ayaa ka socda anigu wasaarada aan maamulo horrumar ballaaran oo heer gobol iyo degmo doorashooyin ayaa ka dhacay waxwalbana waxay u socdaan siddii la rabay. Puntland Nabadgelyadeeda waa hagaagsan tahay, waxaana kula dardaarmayaa Shacabka Puntland iyo Qurbajoogtu inay garab istaagaan Maamulka Puntland si la isaga kaashado Horrumarka dalka , taas oo ku imaan karta in la is kaashado horrumarka Puntland. Waxaan hadda nagu maqaalo ah waad maqasheen baan u malaynayaa Kooxaha Galgala ay ku biireen Al-shabaab, , waxayna masuuliyada ugu weyn ay saaran tahay dadka deegaanka ee ay joogaan kooxahaasi, anagu hadaan nahay dowlada Puntland marnaba gacmaha laaban mayno , laakiin shacabku waa inay kala shaqeeyaan dowlada shaqsiyaadka wax u dhimaya shacabka iyo ammaanka Puntland”.

 

Augustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya”

 

Dr. Augustine Mahiga

Augustine_Mahiga1-300x156.jpg

 

Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”.

 

Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this