Sign in to follow this  
kingofkings

Maalinta Afka Hooyo oo laga xusay Magaalda Garoowe+Sawiro

Recommended Posts

Maalinta 21Bisha febraayo waa maalinta caalmiga ah ee loo aqoonsaday maalinta afka hooyo taasi oo caalamka guud ahaanba laga xuso dunida daafaheeda iyadoona qola waliba ay xuso afkeeda gaar ah iyo hidaha iyo

dhaqanka ay gaarka u leeyihiin .

Sidaasi looga xusay caalamka oo idil maalintaani waxaa iyana laga xusay maalinta afka hooyo gudaha wadanka soomaaliya gaar ahaan deegaanda Puntland waxaana xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen madax ka tirsan labad aGole ee dowlada oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland Gen.C/samed Cali shire ,ururada Haweenka ,Dhaliinyarada ,aqoonyahano ,ardayda waxkabarata jaamcada PSU ,Abwaano Fanaaniin Iyo marti sharaf kale oo lagu casumay ka soo qayb galka xuska maalinta afka hooyo ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee jaamacada PSU .

Xusitaanka Maalintaani afka Hooyo ayaa waxaa lagu bilaabay suugaan goos goos ah oo ay halkaa is ka soo jeediyeen abwaano caan ka ah gudaha wadanka soomaaliya taasi oo ku aadanayd sida loo marin habaabiyay afkeena hodanka ah ee soomaaliga waxaa iyana xafladu intii ay socotay halkaais heeso iyo majaajilooyin ka tartumaya muhiimada afka iyi hidaha soomaalida halkaasi ak soo jeediyay Kooxda fanaaniinta ah ee waabari Puntland …

Wasirul Dolwaha Maamul Wanaga Puntland Maxamed Farax Ciise Gashan oo ka hadlay unaasabada lagu maamusayay afka hooyo kana mid ahaa Gudiga Hormarinta Afka Hooyo ee Puntland aya ka sheekeeyay waajibaadka loo aasaasay guddigoodaan iyo waxyaabihii u qabsoomay ilaa iyo jiritaankoodii..

Maxwayne ku xigenka Puntland Gen.C/samad Cali shire oo isna ka hadlay xuskaam Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo caalmaka guud ahaanab manta laga xusay ayaa sheegay in afka somaligu uu yahay af soo jireena

taariikh dheerna ku leh afafka dunida ka jira balse uu saameeyay burburkii soo gaaray wadanka soomaaliya…

Sanadii 1999kii ayay ahayd markii ay qaramada midoobay u aqoonsatay inay noqoto maalinta caaliga ah ee afafka dunida taasi oo sanadwaliba si diiran looga xuso guud ahaanba caalamka iyadoona ay noqonayso

sanadii labad ee laga xuso maalintaasi deeeganada Puntland .

Daawo Sawiro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Sidii Shirka Garowe Dadka loogu socodsiiyay baa imikana "Boowe" iyo "Waxa JIDHA",,,Nalagu Socodsiinayaa.....

Puntilayn Iska jir...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this