Sign in to follow this  
General Duke

Ahmed Ismael Smatar praises the outcome of Garowe 2 meeting.....

Recommended Posts

....................................................................................................................................................................................................................................................................................Maraykanka:”Shirkii Garoowe wuxuu ahaa Shir guul ah, Taasna waxaa sahashay Dadaalka Soomaali doonka ah ee ay Puntland wado, Waana ugu hambalyeynayaa Shacabka Halkaas degen”Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

19. februar 2012

 

APL

 

Maraykanka:(Allpuntland)-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee waxka dhiga qaarkamid ah jaamacadaha dalka Maraykanka ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey qaybtii labaad ee shirkii Tastuurka Qaranka Soomaaliya oo Labo cisho ka hor kusoo gabagaboobey magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland kaasoo uu sheegey inuu ahaa shir muhiim ah oo loo baahnaa islamarkaasna dhacay waqti muhiim ah, Isagoona codsaday in hirgelinta shirkaas loo wada istaago lagana wada shaqeeyo baraarujinta Ummada Soomaaliyeed si looga boxo xaalada adag ee uu dalku ku jiray mudada dheer.

 

Aqoonyahanka Soomaaliyeed Wuxuu sheegey in shirkaas oo ay reer Puntland martigeliyeen uu si toos ah uga turjumaya himilada Soomaali doonka ah ee ku duugan maskaxda shacabka reer Puntland taasoo uu sheegey in ay tahay Soomaaliya meesha kaliya ee ay dawlad rasmi ah ka jirto islamarkaasna ay dadka Puntland dega kuweyntahay Soomaalinimo Jacaylka iyagoon wax dan gaar ah ku wadan Dadka kale balse un ka danqanaya mushkilada Soomaaliya ka jirta.

 

“Shirkani wuxuu ahaa guul Waayo in dalka gudihiisa lagu shiro oo weliba lasoo saaro go’aamo baa waxay tahay arin aad u weyn oo aan marna la heli karin, Runtii Waxaan rabaa inaan hawada Salaan u mariyo Shacabka Soomaaliyeed weliba kuwa reer Puntland, Dadkaasu waa dad qaali ah oo la’aantood ma qabsoomeen shirarkaan iyo kuwo kale, Waa deegaanka kaliya ee xasiloon hadana si caafimaad qabta u raadinaya Soomaalinimo iyadoon madaxdeedu dan gaar ah raadinayn taasna maahan wax la heli karo”Ayuu yiri Prof.Samatar oo dhanka kalena sheegey in Bartamaha sanadkan isaga iyo aqoonyahano kale iyo Siyaasiyiin aad u badani ay u qorshaysantahay inay booqdaan deegaanada Puntland lana kulmaan bulshada iyo madaxda Puntlad.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland, Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke is happy that the good professor has realized the truth.. Today we both agree and I quote...........

 

.........

“Shirkani wuxuu ahaa guul Waayo in dalka gudihiisa lagu shiro oo weliba lasoo saaro go’aamo baa waxay tahay arin aad u weyn oo aan marna la heli karin, Runtii Waxaan rabaa inaan hawada Salaan u mariyo Shacabka Soomaaliyeed weliba kuwa reer Puntland, Dadkaasu waa dad qaali ah oo la’aantood ma qabsoomeen shirarkaan iyo kuwo kale,
Waa deegaanka kaliya ee xasiloon hadana si caafimaad qabta u raadinaya Soomaalinimo iyadoon madaxdeedu dan gaar ah raadinayn taasna maahan wax la heli karo”
Ayuu yiri Prof.Samatar oo dhanka kalena sheegey in Bartamaha sanadkan isaga iyo aqoonyahano kale iyo Siyaasiyiin aad u badani ay u qorshaysantahay inay booqdaan deegaanada Puntland lana kulmaan bulshada iyo madaxda Puntlad.

 

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Good move by the Professor to visit Puntland. I visited Puntland 4 years ago and I really liked it.Didn't have the chance to visit mudug unfortuantly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;791661 wrote:
Good move by the Professor to visit Puntland. I visited Puntland 4 years ago and I really liked it.Didn't have the chance to visit mudug unfortuantly.

The problem is no one cares where you pretend to have visited, but Smatar seeing the light is amusing to say the least..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;791661 wrote:
Good move by the Professor to visit Puntland. I visited Puntland 4 years ago and I really liked it.Didn't have the chance to visit mudug unfortuantly.

Why do you have to throw Mudug under the bus? :D

 

214vxmt.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this