Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Demonstration against Al-qaeda in the Somali capital Mogadishu

Recommended Posts

Boqolaal Dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah midowga Shabaab iyo Al-Qaacida isla markaana uga horjeedaan in wadanka Al-Qaacida ay sii joogto.

 

Dadweynaha bannaanbaxayay oo socod dheer ku maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa isugu soo ururay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana halkaasi soo xaadiray Madaxweyne Shariif iyo madax ka tirsan Dowladda KMG ah, iyagoo halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo looga hadlay midowga Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad dheer u jeediyay dadweynaha bannaanbaxayay, isagoo sheegay in xukuumadiisu ahmiyadda koowaad siineyso dhinacyada ammaanka iyo cadaaladda, waayo ayuu yiri Madaxweyne Shariif muddo 21-sano ah dalkaan wax cadaalad ah ma helin.

 

"Waxaan farayaa Wasiirka Cadaaladda iyo Maxkamadda sare inay maanta wixii ka dambeeya waxqabadkeena aan kor uga dhigno dhinaca cadaaladda, waayo hadaan cadaalad la helin nabad la helimaayo, nabaddana waxay ku imaan kartaa anagoo u howlgalna isku duubnaan iyo wadajir" ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlayay howlaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeyso banneynta xarumaha Dowladda ayuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka baxaan guryaha danta guud si uu dalka u helo dib u dhis iyo waxyaabihii asaasiga u ahaa horumarka dalka oo ay ka mid tahay waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo kaabayaasha bulshada.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday beesha caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladda Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta saaran 21-ka sano mar hadii dalka ay joogaan Al-Qaacida, ciidamada Dowladda Soomaaliyana waajib ku tahay inay la dagaalamaan waxaan ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado cuna qabateynta Hubka si ay Dowladda u gudato waajibaadka ka saaran inay dalka saaraan Al-Qaacidada gabbaadka ka dhigatay dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadlay si mar kale looga baxo burburkii dalka soo gaaray 21-kii sano ee la soo dhaafay isla markaana la banneeyay goobihii danta guud ahaa ayuu baaq u jeediyay Madaxweyne Shariif in maamulka gobolka Banaadir iyo 16-ka degmo iyo shacbiga Soomaaliyeed inaan dalkeena dib u dhisano anagoo ku dhiseyna iskaa wax u qabso, waxaana farayaa in lagu bilaabo Dugsiga 21-ka Oktoobar.

 

Waa maalintii labaad oo magaalada Muqdisho uu ka dhaco dibadbax looga horjeedo midowga ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, iyadoo dibadbixii maantana ay iska kaashadeen Dowladda KMG ah iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this