Sign in to follow this  
OdaySomali

Soomaalaay listen up!

Recommended Posts

Soomaaloow hadaydun nabad doonaysaan,

caalamka soo gaadhaysaan,

oo faqri iyo darxumo ka baxaysaan,

waa inaydun isgarowsataan,

Isu hiilisaan,

oo wada tashataan,

Waa inaydun is saamaxdaan,

sinaan iyo cadaalad iskula dhaqantaan,

oo isu dulqaadataan,

isku qorshiyo talo noqotaan,

nimcadiina wada qaybsataan,

mustaqbalkiina ka fikirtaan,

Cadowgiina ka feejignaataan.

Waa inaydun nimcada Alle' garataan,

dhulkiinu idinku filan yahay,

oo ininka badanyahay qirataan,

in khayraadku buuxdhaaf yahay,

oo cadowhu dire diraa yahay,

weligiin ogaataan.

Waa inaydun diinta ku noqotaan,

qalbigiina daahirtaan,

oo qabyaalada iska masaxtaan,

walaalnimadiina adkaysaan,

gacalnimadii soo celisaan,

raxmadiina is tustaan.

Waa inaydun Somalinimadii noolaysaan,

oo diinta mooyaane',

waxa kaloodhan ka saraysiisaan,

danta guud ogsanaataan.

gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan, xasuusataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabay Somali oo wadani ah. Courtesy and credit to Ijaabo Aadan Weyrax. She is the one who composed this poem - a true Somali lady (who lives in Cairo Egypt).

 

"Maansodaydan bilan,

oo baawarkeedo wacanya,

oo aan boow seego ahayn,

ayaan soo bandhigayaa,

barbaaryahay dhamaantiin,

bulshoyahay dhegaha fura.

 

Baaqa kaleeto(/kale) oo aan soo bandhigayaa,

Barbaartii dalkeena,

waxbarasho la'i iyo,

baahi shaqo la'aan,

buntuqay ka carareen,

baduu laashku kula degaa!

 

Burburkaas waxa na baday,

waa belo qabyaalad ee,

ana taa umaan bogin.

 

Boqorkii na uuntiyo,

baaqa keligii noolaha,

Alle' ayaan baryayaa,

burburkaa na haystiyo.

inuu belada reeboow,

bilicdii dalkeeniyo,

noo biiso nabadii,

amiin ta badiyoo,

bismilaahi wada dheha.

 

Baaqa kaleeto oo aan soo bandhigayaa,

dekadii bilnayd iyo,

burbur eeriboodhkii,

bilicdii magaalada,

qashin baa bayaxan oo,

burbure daarihii beled,

Booli qaran agteed iyo,

badhtanka ceelgaab,

bisadahaa nexh jiifoo,

eeyaha butaamoo,

waraabaha ku baacsan oo,

Burburkaas waxa na baday,

waa belo qabyaalad ee,

ana taa umaan bogin.

 

Baaqa kaleeto(/kale) oo aan soo bandhigayaa,

baabuurkii ka baxa meel,

bartii uu u socday,

kuma gaadho badbaad oo,

burcad baa jidka u geli,

baas iyo qori ku furi,

baa'bi'in dadkii qaar,

baaqigii ka soo hadha,

ma badbaadinaa yaan,

biilkay siteen iyo,

boorsaday ka qaataan,

burburkaas waxa na baday,

waa belo qabyaalad ee,

ana taa umaan bogin.

 

Baaqa kaleeto(/kale) oo aan soo bandhigayaa,

buktada iyo dhaawaca,

barin lagu daaweeyi'yo,

baro caafimaad ma leh,

bukto iyo dhibaatuu,

dadkeeni la baa'ba'ay,

dhkhtarkii u soo baxa,

badbaadi dadkaago,

bulshdaada wax u qabo,

beryo markaanu ku raysano,

badaw aan wax garaneyn,

aya baas ku furoo,

waa beesha reer hebel,

ayaa loo bireeyaa,

burburkaas waxa na baday,

waa belo qabyaalad ee,

ana taa umaan bogin.

 

Baaqa kaleeto(/kale) oo aan soo bandhigayaa,

raga belo ku faankoow,

su'aal baaxad weyn baan,

idiin soo bandhigayaa,

baasuuka la dhacayoo,

barbaartan la laynayiyo,

sedka hadaan la ii badin,

nabada waan ka baxayaa,

baasiin dab lagu shido,

baa'ba'u ma shraf baa ?

beladu ma guul baa ?

 

ma baa'ba'do taariikh,

dalka aad burburiseen,

bulshada aad dhameyseen,

baaqigii ka soo hadha,

hadhoow baal madoow bay,

idin ka soo bandhigi oo,

bulshadaa idin eedayn,

beena maaha hadalkaasi,

 

raga belo-ku-faanka ah,

"boqolaal anaa dillay,

anaa ka sii badan",

ku baryaa shisheeyaha,

burbur dalkaago,

barbaartaada soo laa,

baaruuda qaraxdiyo,

lagu siiyo beesada,

badaw aan damiir lahayn,

burburiyay dalkeeni,

 

Idiin baaqay anigu ee,

baaqiga inaga hadhay,

baa'bah yaysan inaga dhigin,

abwaan baxan siduu yidhi,

badnaan hadal wax kuma taro,

tixda waan ka baxayaa,

biyadhaca warkaygiyo,

baaqaygu waa nabad,

 

boqor iyo aqoonyahan,

somaaliyeey baraaruga,

dhalinyaray is biirsada.

culimdoow wacdiga badi,

hooyooyaaloow soo baxa,

waa belo qabyaalad ee,

badweyntaa ku rida oow,

buntuqa iyo qoriga dhiga,

buuga iyo qalinka qaata,

 

sidii beriga leegaha,

xumaha oo aan ka baydhnaa,

nabada oo aan u baaqnaa,

baryadii Alle iyo,

balanteenu waa guul.

 

Ku baryay ee Allahayo,

Ku baroortay Eebow,

Boqoroow Alahayoow,

bashar kulama simi karo,

ma beylihin ruuxii,

xaqqah kugu barya yoow,

ma badbaadoo ruuxii,

aadan daryeelin adigu ee,

boqoroow ku tuugayee.

baryadayda iga yeel,

 

Boqoroow Allahayoow,

beeshayda kala maqan.

baalaha aduunyada,

beehdoowdu wada taal,

badda laashku kula degay,

saxara ku baa'ba'ay,

Boqoroow Allahayoow,

isu baadi goob oow,

ka baa'bi'i xumaantoo,

meel barwaaqo ah,

barqadii isugu keen.

barbaartuna ciyaaraan.

AAMIIN AAMIIN AAMIIIN !!!

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this