Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Education Minister Tells Somalia Stop Looting Scholarship. Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

Juxa.jpg

 

Puntland oo ka cabatey habka loo maamulo deeqaha

12 Feb 12, 2012 - 12:31:32 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujisey qaabka loo maamulo deeqaha waxbarasho ee soo gaarey DFKM Somalia.

 

Warsaxaafadeed ayaa maanta 12/2/2012 ka soo baxay wasaarada ,waxana u akhriyey wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa oo sheegay in deeqihii waxbarasho ee Turkigu bixiyay dadkii imtixaanada u fariisatay qaybtood aan lala soo xiriirin, sidoo kalena kuwii ay u soo baxdey iska fadhiyaan Muqdisho weli.

 

 

Juxa ayaa tilmaamey in deeqahani waxabarasho laga doonayay wasaarada waxabarshada iyo tacliinta sare Somalia si dhex-dhexaad ah u qeybiso deeqda isagoo sheegay in ay maqleen in deeqihii Turkigu bixiyay lagu iibinayo suuqyada taasina aysan u fiicnayd dowlada Somalia oo Puntland heshiis iskaashi ay wada galeen.

 

Wasiirka waxbarashada ayaa intaasi raaciyay in wasaarada tacliinta sare ee Somalia looga baahan yahay in war buuxda ka soo saarto sidii loo maamulay deeqihii waxbarshada Turkigu bixiyay ,isagoona Turkigana ugu baaqey in il gaar ah ku eegaan sidii deeqdooda loo qeybiyo oo wasiirku sheegay in waalidiin badan ay ka cabanayaan in caruurtoodii ku guuleysatay imtixaanada joogaan wele Muqdisho xaaladadoodana aan laga war-qabin.

 

Ugu danbeyntii ayaa wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa waxa uu u cadeeyey in wasaaradiisu ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleyso sidii loogu heli deeqda waxbarasho ardeyda reer Puntland,waxana uu amaan u soo jeediyey dowladda Turkiga oo Somalia ka taagertey horumarinta arimah bulshada.

 

Halkan ka dhageyso codka wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Juxa

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Puntland_oo_ka_cabatey_habka_loo_maamulo_deeqaha_waxbarasha_ay_DF_hesho.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

While were on the education sector!!!

 

Dugsiga Daarul-Biri oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Ardeydii Kaalmaha hore Ka Galay Imtixaanka 2011-2012 [sawirro]

Comments (2) | Write Comment

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Boosaaso[RBC Radio] Dugsiga Daarul-biri ayaa abaalmarino kala duwan oo u ku dhiiri gelinayo gudoonsiiyey guud ahaan Ardeyda wax ka barata dugsiga gaar ahaana kuwii kala galay kaalmaha ugu horeeya ee Imtixaanka Sanad-dugsiyeedka 2011-2012 ,isagoona u qabtay Xaflade aad u weyn oo si heer sare ah loosoo qaban-qaabiyey.

 

Xaflada lagu bixinaayey ayaa waxaa ku sugnaa Maamulaha Dugsiga hoose,dhexe ee Daarul-biri Iimaan Yuusuf Maxamuud,Guddoomiyaha waxbarshada gobolka Bari Marwo Shamis Muuse,Guuddoomiyaha Xaafadda Sanfarow Mowliid Geelle Maxamed,Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac,waalidiin,macalimiin,culima’udiin,iyo marti sharaf kale.

 

Maamulaha Dugsiga hoose,dhexe ee Daarul-biri Iimaan Yuusuf Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay Xafladda ayaa ka sheekeeyey Marxaladihii kala duwanaa ee u soo maray dugsigu,wuxuuna xusay in la’asaasay 2004 ,haddana uu marayo sanad-dugsiyeedkii 9-aad taasoo EEBE uga mahadinayaan.

 

…..:Dugsiga Daarul-biri waxaa la asaasay sanadkii 2004,waxaana uu hadda marayaa sanad-dugsiyeedkii 9-aad EEBE mahadiis dugsigu waxa uu jaray masaafo aad iyo aad u weyn taasoo laga dareemi karo saameynta uu ku leeyahay deegaamada uu kuyaalo Puntland dhamaantood,waxyaalaha noo suurta galay oo sharafta noo ah runtii waxaa kamid ah Imtixaankii quraanka kariimka ahaa ee heer Puntland ahaa inuu noqday dugsiga kaliya ee 6- dii ardey usoo gudubtay 4-kamid ah ay ahayd kuwii dugsiga wax ku baraneysay,waana wax aad iyo aad loogu faano,waxaa kaloo sharaf noo ah Imtixaanka Santaraleyska 2010-2011 uu noqday dugsiyadii ugu horeeyey 4-kamid ah fasaladii 8- aadka ay noqdeen dugsiga Daarul-biri,taasina waxa ay ku timid dadaal aanu wada bixinayno Maamul ,macalimiin iyo waalidiin dhamaanba,marka waxaan leeyahay dadaalkaas halkaas aanu kasii amba qaadno waayo haddii dadaalkiinu hoos u dhaco sharaftiinana hoos ayey u dhacaysaa…”ayuu yiri Iimaan.

 

Wuxuu xusay Iimaan Yuusuf Maxamuud in qiime weyn ugu fadhido Xaflada taasoo uu sheegay in ay ogyihiin miraha ka imaanaya iyo saameynta ay ku yeelanayso guud ahaan ardeyda wax ka barata dugsiga hoose iyo dhexe ee Daarul-biri.

 

…”Haddii aan ka hadlo Ujeedada Xafladan aan maanta isugu nimid anaga aad iyo aad ayey qiima weyn noogu leedahay wakhti badana waan gelinay sidaad dareemeysaan waxaana laga yaabaa inaaney hawl kaliya ahayne uu dhaqaale badana uu galo hase ahaatee aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waayo waxaan ognahay miraha ka imanaya iyo saameynta ay ku yeelaneyso ardeyda ,waxaana dareemeynaa in kaalmaha hore noqdaan kuwa Tartamo oo ardeydu isu badbadasho taasna waxaa keeneysa Xafladaan oo dhiiri gelin ku sameyneysa Ardeyda iyo in qof kastaa noqdo mid kaalin gala oo u noqdo kan sharafka iyo maamuuska qaata…”ayuu yiri.

 

Sidoo kale waxa uu mahad balaaran usoo jeediyey hay’adaha Save The Children iyo NRC oo gacan weyn ka geystay dhismaha Dugsiga taasoo aanan la hilmaami karin waxqabadkooda ayna mudan yihiin in loo mahadceliyo kamana maqna buu yiri mahadcelinta hay’adda wadaniga ah ee Tadumun u istaagtay horumarka dugsiga.

 

….Waxaan u mahadcelinayaa oo aanan hilmaameyn dadkii ka qeybqaatay Iskoolkaan ha ahaatee waxqabad,talo iyo tusaale,waxaan xusayaa dhisamahan hadda aynu joogno ee Iskuulku yahay kii u horeeyey ee u yeesho ayna dhistay hay’adda Save The Children iyo hay’adda NRC oo dayrka iyo dhismaha kale ee soo jeeda ugu deeqday aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin labadaas hay’adood waayo cidii wanaag ku sameysa waa in aad uga mahadcelisaa waxna ka sheegtaa wixii ay ku qabteen iyo weliba Tadamun oo suuliyaasha u dhistay Iskuulka …”ayuu yiri.

 

Shiikh Siciid Cismaan Yuusuf oo ku hadlay magac Waalidiinta ardeyda wax ka barata dugsiga ayaa tilmaamay in haboontahay in loo mahadceliyo Maamulka,macalimiinta Iskuulka isagoona ku amaanay in faraxad weyn u tahay in ay atkaan Caruurtoodii oo qaaday wadada wanaagsan.

 

…..”Waxaan u mahadcelinayaa Maamulka gacanta ku haya Dugsigan Daarul-biri iyo kuwa la midka ah ,waxaana lagu guuleystay in maanta aan aragno mirihii laga bartay dugsiga wax la qarinaayo majirto Ilaahay baan ku mahadinaynaa ,waxaan leeyahay waalidiiney beerteena miraheedii waa hor joognaa,waa tanaa haa waa ina hortaal,waana wax lagu mahadiyo..”ayuu yiri.

 

Guddoomiyaha Waxbarshada gobolka Bari Marwo Shamis Muuse oo iyana hadalo kooban ka jeedisay Xaflada ayaa sheegtay mudadii uu jiray Dugsiga hoose,dhexe ee Daarul-biri uu ku talaabsaday horumar balaaran oo aan la hilmaami karin,waxaana ay xustay in Abaalmarinada la bixinayo ay ka turjumayso dhiiri-gelinta Ardeyda taasoo kuwa kalena ay ku daba jiraan sidii ay iyana mar uun u heli lahaayeen abaalmarino qiima leh.

 

…..”Iskuulku waxa uu la yimid firfircooni badan,waxaana uu kamid yahay kuwa lagu naaloodo oo maalin walba buuxiya kaalintii loo baahnaa,haddii galabta 1-2 la siiyo Abaalmarino waxay ka turjumaysaa dhiiri gelin mana jiro wax damiin la yiraahdo ee waa wada aqoonyahan kuwa maanta la siinayo waxa ay dhiiri gelin u tahay kuwa kale ee iyana doonaya in kaalmaha hore soo ciriirsadaan….”ayey tiri.

 

Intii ay Xafladu socotaya ayaa Ardeyda wax ka barata Dugsiga hoose,dhexe ee Daarul-biri ay ku soo bandhigeen ruwaayad ka turjumaysa ka feejignaanta falalka xun xun ee ay ku kacaan Caruurta aanan waxba baran,gabay iyo Nashiido soo jiidatay dhamaan dadkii kasoo qeybgalay Xaflada.

 

Cismaan Turaabi

RBC Radio

Xafiiska Wararka Boosaaso

turrabi20@gmail.com

 

0238.jpg

0160.jpg

0820.jpg

0924.jpg

01315.jpg

01411.jpg

0530.jpg

01121.jpg

0335.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Gaacuur;788257 wrote:
Dr.Osman waxaa fiicneyd inaad dhahdo: Puntland tells TFG or Puntland tells Federal Gov. Laakiin waxaad dhahday: Puntland tells Somalia, oo la moodo ineysan ka tirsanayn Somalia.

Well forget about that formalitie and the discuss the issue of scholarship looting that is occuring in muqdishu, where scholarship are being sold in market-places!!! Gaacur do you condone this?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Wasiirka inta uusan Shir saxaafadeed qaban muu la xiriiro Wasaaradda Waxbrashada mise wax xiriir ah ma lahan tan kale waxaa lagu qeybsaday scholarships ka 4.5, arday 700 gaareysana waa la qaaday, oo dhamaantood caruur Soomaaliyeed ah, ama Puntland haka imaadeen ama meel kale waa Positive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The corruption in Mogadishu is extreme.

 

Also I saw another thread about students from Somaliland who were promised scholarships left stranded in Mogadishu. It's very sad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;788292 wrote:
They also looted 10 tons of medicine destined to Puntland.

Ten tons??? For real? These guyz must be dealt with. And surprisingly they want to get a share of the oil that's coming out of Puntland.

 

But I don't blame the people but looter incorporation so called politicians and the looting culture that's thriving in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this