Sign in to follow this  
A_Khadar

Wasiirka Gudaha Somaliland Oo Qiray Inayan Soo Xidhi Karin Xadka Khaatumo State-(Maqal)-

Recommended Posts

A_Khadar   

Hargeysa,(lasanod Online)- Shir khadka telefoonka oo ay yeesheen qurba joogta beesha S/L, shalay oo Axad ahayd bisha February,5. ayaa waxa bewshaa uga waramayay oo khadka ku jiray laba wasiir oo kala ah arimaha dibbada iyo arimaha gudaha. Shirkan oo Soomali badani kaga jirtay caalamka oo dhan.

 

labadan nin ayaa ku dheeraaday war bixino ku saabsanaa safarkii ay Addis-Ababa ku tageen, dagaalkii Buuhoodle iyo shirka ka dhacaya London ee Soomaalida loo qaban doono.

 

Waxayna sheegiin in ay beeshu u aragtay in ay dani ugu jirto ka dib markii ay dawlada Ingiriisku ku qancisay sidaas....mar la waydiiyay wax damaanad ah oo ay ka haystaan dawlada ingiriiska oo qoraal ahi in uu jiro in kale.... waxa wasiirka arrimaha dibadu ku jawaabay ma jirto damaanad qoraal ah balse in aanu tagno ayaanu dan u aragnay

 

Wasiirka arrimaha Dibada ayaa aad u daafacayay mowqifka dawlada ingiriisku iska taagtay shirkaa inkasta oo aanu carabka ku dhufan in ay ku khasban yihiin in ay tagaan shirkaas, balse waxay ka muuqatay su'aalihii koobnaa ee loo soo qoray ninka shirka daadihinaayay, kadib marka uu ku nuuxnuusaday muhiimada dhaqaale ee ugu jirta Somaliland.

 

Dhinaca kalena wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxa uu shirkaa ka sheegay in ay ku adagtaahay in Xadka ay khaatumo State of Somalia in la soo xidho oo uu sheegay in ay maamul ahaan ula muuqatay in waan-waan lagu dayo.. balse waxaad moodaa in ay taasi haboonayd intaan gacmahay la isula tagin dagaalkii u danbeeyay ee jiidaa ka dhacday Buhoodle.

 

Wasiirkaasi waxa kale oo uu sheegay mar la weydiiyey xidhiidhka ka dhexeeya dawladiisa iyo Etoobiya oo ku saabsan xagga amaanka iyo in la isu celiyo dadka ay u arkaan in ay amaankooda halis ku yihiin oo ay tiraba dad Soomaali ah oo badan ay Somaliland xabashida u dhiibtay, waxay ugu soo celin waayeen Mudane Cali Khaliif......waxaana uu ku jawaabay Itoobiya waxay noogu balan qaaday inay la hadli doonto Cali Khaliif in aanu fara galin arrimaha Somaliland....waana tay ugu yeedheen in ay Canaantaan....halkaana waxa ka baxay wararkii benta ahaa ee saxaafadaha somaliland baryahan ay ku madadaalinaayeen shacabkooda in Cali khaliif Addis-ababa lagu xidhay.

 

Isku soo wada duuboo waxa halkaa ka soo baxay in talada Hargaysa kusoo ururtay baryootan Itoobiya iyo Ingiriiska, dadkii telefoonka loogu yeedhayna ay niyad jab iyo jaahwareer kala tageen shirkan....

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland-Duur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this