Sign in to follow this  
Duufaan

Faysal Waraabe: Dowlada soomaaliya ayaa laynugu darayaa

Recommended Posts

Duufaan   

Hargeysa, February 5, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Shirka London ay Somaliland ka qaybgasho si aynu uga dagaalano inaynu ka mid noqono dawladd shirkaasi loogu dhisayo Somalia maadaama oo wakhtigii dawladda TFG-da Sheekh Shariif uu sii dhamaanayo, isla markaana aynaan ku jirin dariiqii nabada Somalia loogu raadinayey ee Road Map-ka.

 

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay in Somaliland aanay kala jeclaysan maamul goboleedyada qabaa’ilka Somalia samaysteen oo aan la soo kala dhaweysan maamulka Puntland iyo maamulada la midka ah ee qabiilka ku dhisan, isla markaana la kala yahay labadii dawladood ee 1960-kii ee Somaliland oo Ingiriisku xukumayey iyo Somalia-dii Talyaaniga.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu shalay Wargeyska Haatuf ku siiyey Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arimo door ah oo ku wajahan Shirka London, Xaaladaha haatan ka taagan dalka Somalia iyo guud ahaan Mandaqada.

 

Ugu horayna waxa uu yidhi “Dawladda Goboleedyadii la sameeyey ee Somalia gabigooduba waa qabaa’il magac la baxay, qoladan reer Garoowe maba qarsadaan inay reero yihiin oo waa kuwan leh waxa aanu jaraynaa Sanaag iyo Buhoodle oo reer ahaan ayaanu u goosanaynaa. Galmudugna iyaduna waa beel markaa waxa nasiibdaro ah labadii ayaynu midna ogolaanaa oo aynu nidhaahnaa Puntland midna aynu nidhaahnaa la fadhiisan mayno Galmudug markaa taasi waa godob dadka yaan laga galine labada qolo waa isku jaade ama wada diida ama wada ogolaada, laakiin in aad qolo uun farta ku godaan godobay inoo soo jiidaysaa, waxan dacaayad ah ee madaxa la inoo galiyey oo aynu qaadanayno waxa ka mid ah Sool iyo Sanaag oo la wada dago anuu maanta meesha qudha ee aan dhul ku leeyahay waa Ceerigaabo, dee marka uu reer iska sheegto Ceerigaabo saw dhulkaygii qaadan mayo.

 

Markaa waxyaalahaa waa in aynu ka digtoonaanaa Cayn baad tidhaahdeen Cayn xagay tahay, bal gobolka Cayn ee aad sheegaysaan xageebay tahay ee afka la idiin galiyey xageebuu yahay dee waa Buhoodle Caynabi dee waa Caynabadaa Somaliland ka kowda ah markaa waxyaabahan afka la idiin galinayo ee aynu ka daba odhanayno ee wareerka ina galinaya ha laga digtoonaado taas ayaan odhan lahaa.

 

Qoladan reer Galguduud waxaanu leenahay raali naga ahaada waa runtiin oo waanu idinka gar daranay in aanu idin yasno maaha waxbaad samaysateen sida qoladaa Puntland wax u samaysatay, markaa wixii aanu diidayno diidnay, balse in aanu idinka idinku marmarsoono oo aanu carabka idinla dhacno xaalbaanu idinka siinaynaa.

 

S: Guddoomiye waxa jirta dedaal beesha caalamku ugu jirto Sidii Somalia nabad looga dhalin lahaa, Safiirna dawlada Britain u Magacawday Muqdisho Socdaalkii uu ku tagay William Hague magaalada Muqdisho, Hawlgalka ay wadaan Kenya, Ethiopia iyo Amisom Alshabaab Culays Weyn oo meelo lagaga qabsay Saamayn Somaliland ma ku yeelan kartaa dedaalkaa lagu doonayo in Somalia xal loogu helo?

 

J: Horta waxa weeyi Al-shabaab hadii uu dagaalkoodu dhamaado inaga ayaa la inoo soo jeedsanayaa oo Al-shabaabna inama ogola TFG iyo cid ay wadataana inama ogola, intaa horteed waa in aynu inagu talo sii gaadhnaa oo aynu sii adkaysanaa, waxaad ogaataa hadii al shabaab ka baxdana arimaha la wado Somaliland qabaa’il ayay isku bedelaysaa sababtoo ah waxa la yidhi reerkii la yimaada gobol ama laba gobol state-baa laga dhigayaa oo dhulkaa la kala goynayaa, hadda waad ogtahayoo ninbaa diyaar ugu ah Nairobi oo leh waxa aan qaadanayaa Jubooyinka oo ciidamo beeleed samaystay oo ciidamadaa beeshiisu ay al socdaan Kenya markaa reerihii kale miyey ogolaanayaan markaa soomaali arinkeeda iyada oo heshiisa mooyaane hadii ay isku soo koraysato ajnabi dagaalku wuu dheeraan doonaa inaguna insha allaahu tacaalaa waa in aynu ka digtoonaanaa.

 

S: Gudoomiye Sidaad Ogtahay 20-kii Sanadood ee la soo dhaafay Shacabka Somaliland Umay Baran in Meel Arimo Soomaaliyeed Lagaga Wada Hadlayo Ay fadhiisato Xukuumadan Siilaanyo Ka Hor, Markaa Shacabka Sideebaad Shakiga Uga saaraysaan in aan shirkaasi lagaga hadlayn arrimo Midnimo Somaliland iyo Somalia?

 

J: Shirkan waxa loo diyaariyey in Midnimo laga hadlo sida warqadahan ku yaala, waxba yaan been la isku sheegin, Dawladdaa imika dhamaanaysa ee TFG-du marka ay dhamaato, si dawladd Somalia loo samayn lahaa oo aynu inaguna ku jirno horta shirku nuxurkiisa weeyi laakiin waa in meesha aynu tagnaa oo ka dagaalanaa ilayn la ina qasbi maayee, ilayn ragbaa waxan ku soo talo galay oo inagu soo talo galee, waa in anu ka dhiidhinaa oo aynu nidhaahnaa dagaal ayaanu ka xignaa, taasina waa ta shirka lala tagayo

 

“Horta Taladii Qaran ee aanu anaguna usoo jeedinay isna uu ogolaaday habeen hore ayuu sameeyey saddexda xisbi ayaa la isugu yeedhay iyo shirguddoonka labada gole markii uu inoo ninkii Ingiriisku ee watiga ahaa ee waxyaabihii shakiga inagaga jiray uu shaki saaray iyo in madaxweynuhu uu ka hadli doono meesha naloo cadeeyey iyo in road map-ka aanay Somaliland qayb ka ahayn anigann waxa aanu ku dhiri galinay dawladda in laga qaybgalo shirkaasi taana hadda waa la isku raacay.

 

S: Guddoomiye marka aad leedahay Road Map-ka qayb kama nihin, hadana waxa la sheegayaa August ka dib in lagu talin doono shirkan oo waxyaabaha lagaga hadli doono ay ka mid tahay sida Soomaalida loola macaamili doono oo dawladdo badan ayaa Soo Jeedimo wata, dawladda Ingiriisku ma idin tidhi Somaliland ahaan idinku kama qayb tihin dhacdooyinka wixii ka dambeeya August 2012.

 

J: Go’aan kasta oo soo baxa waxa ka qayb ah cid kasta oo ka qaybgashay imika xitaa haddii aad aratid Road map-ka kuwan shirka ka soo qaybgalay intii saxeexday weeyaan, maadaama oo aananu Road Map-kaa ka qaybgalin oo 20-kaa sano aanu anagu gooni ka ahayn oo 18-kii gobo lee Afweyne sameeyey aanu ka dagaalanay, maadaama oo aananu 4.5 aananu ku jirin wax naga khuseeyaa arintaa ma jirto, markaa Somalia 60-kii laba qaybood ayay ahayd qaybi waatan oo waa Somaliland waa wadan dimuqraadi ah oo dhisan oo samaysan dhincii kale ayaa qasan oo qabaa’il la baxay dawladd goboledyo oo qabaa’ilkaa in la midooyo dawlad loo sameeyo ay ku midaysan yihiin weeyaan, laakiin maaha in Somaliland waxaa lagu soo dhex tuuro, taasi waa waxa aanu ka dagaalamayno mid suurta galaysana maaha.

 

S: Meeqaamka Somaliland kaga qaybgalaysaa waa meeqaam noocee ah ma idinka oo maamul goboleedada Soomaalida la mid ahbaa ma idinka oo ka duwan baa, ma goobjooga nimo talo la waydiinayabaa waa noocee oo dawladda Ingiriisku idiin sheegtay?

 

J: Horta waxan aad maamul goboleedada aad ku sheegaysaa waa qabaa’il kala socota, Gaalkacayo ayaa laba qaybood ah oo Puntland qaybi la baxday reerana ay Galmudug la baxeen oo Gaalkacayo labada qayboodba caasimad u tagay, waxa kale oo jira laba reerood oo iyaguna Ahulu suna Waljamaaha la baxay, waxa Socda Banaadir oo ah Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo isna reer ah, markaa Somaliland horta qabiil maaha ee waa Qaran jiray oo xuduud leh oo 1960-kii ku darsamay Qaran kale oo Talyaanihii xukumayey, marka la wada hadlayana waxa weeyi marka Qaran Soomaaliyeed samaysanto in la wada hadlo, markaa anagu waxa aanu meeshaa u tagaynaa in 40-ka dawladood inta ka badan ee timid aanu fursad helno oo aanu Kiiskayaga hordhigno oo wixii aanu u baahanay maaha inta aanu qabsanay ee wixii kale aanu aduunka uga baahanahay aanu meesha la tagno.

 

S: Talo noocee ah ayaad la tagaysaan, gaar ahaan waxa ugu badan ee la tashanaysaan waxa weeyaan Somalia waxa ay halis ku noqotay amnigii guud ee Caalamka iyo Kii Gobolkaba oo haday tahay dhinaca Argagixisada iyo Budhcad Baddeedaba oo la sheegay inay xudun u tahay, waxyaabaha soo dedejiyeyna waxa ka mid ah in Beesha caalamku aragti midaysan ka yeelato, Somalialnd maxay shirkan la tagaysaa ee talo ah?

 

J: Waxa aanu la tagaynaa horta waxa weeyaan horta anagu Nabad baanu nahay, inta laga shirayo ee muhiimka ee ahanagu ma lihin Budhcad Baddeed, Dagaalo sokeeye naguma socdaan, Amisom ma joogto, Kenya ma joogto Ethiopia-na ma joogto, Anagu wadan nadiif ah ayaanu nahay, wixii aanu ka tari lahayn sidaa Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ayaanu uga taraynaa sidii loo bogsiin lahaa Somalia taa taladeedii waanu geynaynaa, wixii anagu aanu u baahanahay ee aanu leenahay ha nalagu taageero waanu geysanaynaa meesha, markaa maaha uun waanu ka qaybgalnee waxa weeyi waliba anaga oo faa’ido la taaban kara sidna weeyaan, sidii dawladihii hore odhan jireen safarkayagii wuu fiicnaa, wax la taaban karo oo shacbiga loo sheego in lagala yimaado ayaanu doonaynaa, waxa aanu intaa kuu raacinayaa waxa lala tagayo waxa aanu ku heshiinay in wax la wada qoray yahay Qadiyadani waa qadiyad qaran qadiyadii ummadda weeyaan waxa weeyi weftiga tagayaa waxna way la tagayaan, talana way ku soo noqonayaan, wixii ay ku tageen haday waayaana wixii ay yeeli lahaayeena waa laga sii tashanayaa waa arin la wada leeyahay, dawladda Kulmiye kaligeed ma leh, Siilaanyo ma leh waa arin qaran weeyaan arinta Somaliland ayaa maanta qarka saaran, markaa waxa aan ku talinayaa talo midaysan in lagu tago weeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this