Sign in to follow this  
Somalina

President Sharif and PM C/weli visit SL students in Mogadishu

Recommended Posts

Somalina   

'Diyaarada ugu horeysa ee ardayda kaxaynaysa ayaa la idin saarayaa' ayuu u balanqaadey ardeyda madexweyne Sharif.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Arday ka timid Somaliland oo u yimid magaalada Muqdisho si ay uga faa’idaystaan deeqaha waxbarasho ee dowladda Turkiga ay ugu tala gashay Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda KMG Soomaaliya in ay musuq maasuqday deeqaha waxbarasho ee laga helay Turkiga.

 

Ardaydaani oo tiradooda ay kor u dhaafayso ilaa 50 arday oo horay uga yimid deegaanada Maamulka Somaliland kadib markii ay ku guulaysteen imtixaan looga soo qaaday magaalada Hargaysa ayaa waxa ay sheegeen in cadaalad daro lagu sameeyay deeqihii waxbarasho oo Soomaalida ay ka heshay dowladda Turkiga.

 

Mustaf Max’ed Cabdi oo ka mid ah ardaydaasi ayaa kulanka ay maanta yeesheen waxa uu ka sheegay in hoteelka ay dagan yihiin ay kusoo booqdeen Madaxweyne Shariif, Ra’iisul wasaare Gaas iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG kuwaasi oo uu sheegay in ay balan qaadeen in deeqda waxbarasho ee ugu horaysa ay iyagu ku bixi doonaan taasi oo uu sheegay in wax ka dhaqan galay aysan jirin, isagoo intaasi ku daray in hadii ay jawaab ka waayaan Madaxweynaha ay dib ugu laabanayaan deegaanadii ay ka yimaadeen ee Somaliland.

 

Sidoo kale Xildhibaanad Cosob Cali Cabdi oo iyana ka hadashay kulanka ayaa waxa ay sheegtay in aan loo dulqaadan karin in wax isdaba marin lagu sameeyo deeqaha waxbarasho oo ay sheegtay in ay ka dhaxayso Umada Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Shariif in sida ugu dhaqsiyaha badan uu jawaab cad uga bixiyo balan qaadkii uu sameeyay ardayda reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho.

 

Safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa qiray todobaadkii tahay in arday loo qaaday dalka Turkiga lagu soo xulay nidaamka dowladda KMG Soomaaliya ee 4.5 taasi oo ka caraysiisay inta badan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada oo wax laga xumaado ku tilmaamay arintaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;785614 wrote:
Well done Mr. President. These students are Somalia students after all.

correction, they are Somali studens. grammerwise its incorrect to say Somalia students.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;785619 wrote:
^^^I beg your pardon. Somali students from Somalia. Otherwise why would they be in Mogadishu like all the other Somali students from Somalia?

to say Somali students from Somalia is pleonasm. Cause the fact they are Somali already suggest they are from Somalia.

Like American students from America!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;785632 wrote:
to say Somali students from Somalia is
pleonasm
. Cause the fact they are Somali already suggest they are from Somalia.

Like American students from America!

Well done. Now go and tell that to Siilanyu and his cheerleaders..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this