Sign in to follow this  
Liibaan

Somalidiid-land Clan Faction will Attend Somalia Conference in London

Recommended Posts

Liibaan   

Source: Ramaasnews ( snm/ Somalidiid website )

 

 

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Ka Qayb-galayso Shirka London Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Cadeeyay In War-Warkii Meesha Ka Baxay

 

Hargeysa (Ramaas) Feb 3,2012 – Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku qabanqaabinayso ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo la qorsheeyey inuu dabayaaqada bishan ka qabsoomo magaalada London.

 

dawladda Somaliland go’aansatay inay ka qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu caddeeyey inuu meesha ka baxay werwerkii Somaliland ka qabtay ka qaybgalkaa shirkaas, kadib markii ay wadahallo arrintaas la xidhiidha la yeesheen dawladda Ingiriiska, wada xaajoodyadaasna ka soo baxeen in ka qaybgalka shirka London aannu wax dhaawac ah ama saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay shalay booqasho uu muddo toddobaad ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa uu sheegay in dawladda Ingiriisku u caddaysay in Somaliland shirka London uga qaybgeli doonto qaab ka duwan sida maamullada kalee ka jira dalka Soomaaliya, isla markaana aanay Somaliland waxba ka khusayn ajandaha lagaga hadlayo khariiddada nabadda Soomaaliya (Road Map), marka laga reebo in Somaliland talo laga weydiiyo sida xasillooni looga hirgelin karo waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.

 

“Waxa jiray wadahadallo xidhiidh ah oo u socday dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo la xidhiidhay qaabka Somaliland uga qaybgelayso shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London, markaa waxa dawladda Ingiriisku noo caddaysay in aanay Somaliland qayb ka ahayn khariidadda nabadda (Road Map) ee lagaga hadlayo shirka London, arrintaas oo ku kooban qaybaha kalee dalka Soomaaliya iyo sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa Soomaaliya dhibaatooyinka colaaduhu ragaadiyeen. Waxay Ingiriisku noo sheegay in shirka London aannu wax saamayn ah ku yeelanayn Jamhuuriyadda Somaliland, balse loo baahan yahay tallada Somaliland ka gaysanayso qaabka xasillooni looga hirgelin karo Soomaaliya, sidaa darteed uu ka qaybgalka shirka London faa’iido u leeyahay Somaliland, maadaama lagu casuumay madax badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka.”

 

“Wadahadallada aannu la yeelanay dawladda Ingiriiska waxa nooga soo baxay in werwer badan oo shirka London naga hayey ama aannu ka qabnay hadda naga baxay oo ka qaygalkeennu aannu wax saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Ingiriiskuna arrintaasi way noo caddaysay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

 

Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu sheegay in daraasad badan oo Somaliland shirkaas ku samaysay ay ka soo baxday in ka qaybgalka shirka London uu Somaliland u yahay fursad qaali ah.

 

“Markii aannu darisnay shirka arrimaha Soomaaliya ee London, isla markaana aragnay qaabka dawladda Ingiriisku shirkaas uga qaybgalayso Somaliland waxa noo soo baxday in Somaliland fursad weyn ugu jirto ka qaybgalka shirka London, taas oo wax u taraysa qaddiyadda madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinteenna, iyadoo madaxda reer Somaliland ee ka qaybgala shirka London heli doonaan fursad ay madaxda adduunka iyo hay’adaha caalamka ee iyaguna shirkaas ka qaybgalaya kaga dhaadhiciyaan qaddiyadda goonni-isu taagga Somaliland iyo taariikhda Somaliland leedahayba.”

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la weydiiyey waxa uu yahay doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London wuxuu yahay sidii ay Somaliland beesha caalamka iyo ka qaybgalayaasha shirkaas ugu soo bandhigi lahayd qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii aannu talo uga gaysan lahayn qaabka xasilloonida iyo kala dambaynta loogu soo dabbaalayo dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya, dawladda Ingiriiskuna waxay doonaysaa in laga faa’iidaysto khibradda Somaliland u leedahay dhisidda dawladnimadda iyo adkaynta nabadgelyada, markaa sida dalal kalee jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda u doonayaan in xal loo helo dawlad la’aanta ka jira Soomaaliya ayey Somaliland qudheeduna doonaysaa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya, shirkaasna waxay Somaliland kaga qaybgalaysaa sidii ay beesha caalamka uga codsan lahayd in taageero loo fidiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada oo ah waxyaabaha la doonayo in xoogga lagu saaro shirka London.”

 

Dhinaca kale, sida ku cad qoraallo Jamhuuriya helay oo ka soo baxay kulan loogu gogol xaadhayo shirka London oo 10kii bishii January ee la soo dhaafay dawladda Ingiriisku ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa la doonayaa in Somaliland shirka London kaga qaybgasho qaab ka duwan hannaanka ay kaga qaybgalayaan dawladda Sheekh Shariif, maamul-goboleedada Puntland, Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunah Wal-jamaaca, waxana qorshaha dawladda Britain wadato ee Somaliland shirkaas kaga qaybgalayso ka cadhooday oo shaki xooggan ka muujiyey maamulka Sheekh Shariif oo ku dooday in arrintaasi dhaacawayso midnimada dalka Soomaaliya, isla markaana muhiim tahay in Ingiriisku awooddiisa u adeegsado sidii Somaliland uga qaybgeli lahayd wadahallada nabadeed ee dalka Soomaaliya, miiskana ula fadhiisan lahayd maamullada ka jira Soomaaliya.

 

Dawladda Ingiriisku waxa ay kulanka ka dhacay Nairobi ka sheegtay in aanay ku hawlanayn qorshe lagu dhaawacayo midnimada dalka Soomaaliya, sidoo kalena aanay si rasmi ah u aqoonanayn madaxbannaanida Somaliland, balse waxay dawladda Britain caddaysay in Somaliland gacan weyn ka geysan karto mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii xasillooni looga dhallin lahaa, taasina tahay sababta Somaliland loogu martiqaaday shirka 23ka bishan February ka dhici doona magaalada London.

 

Cabsida maamulka Sheekh Shariif ka qabto qaabka Somaliland uga qaybgalayso shirka London, ayaa muujinaya in dawladda Ingiriisku qorshaysay hannaan ka duwan maamullada kalee Soomaaliya ka jira oo Somaliland uga qaybgalayso shirkaas, kaas oo ah in Somaliland talo ku darsato xasilloonida iyo dhismaha dawlad loo dhan yahay oo ka dhalata dalka Soomaaliya oo nabadgelyo-darro xun ka taagnayd 21kii sanno ee la soo dhaafay.

 

 

 

Ramaasnews desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Source: Qaran qabiilnews (snm/somalidiid website)

 

Waa Maxay Asaraarta Warlord Siilaanyo Beri Casuumad Qado ugu Samayn Doona Labada Gole ee Beesha SNM ?

 

 

 

Feb 03, 2012 at 11:52 AM

 

Hargysa,(Qaran news)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa laga filayaa inuu berri casuumad qado ah u sameyn doono xildhibaanada labada gole ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida oo tiradoodu tahay 164 Xildhibaan inkastoo la filaayo in tirada ka soo qeyb geli doonta ay kalabadh wax yar ka badan doonto.

 

Casuumadan madaxweyne Siilaanyo u samayn doono xildhibaanada labada gole waxaa kaloo ka soo qeyb geli doona tiro badan oo ka mid ah golihiisa wasiirada siiba Wasiirada aadka ugu dhawdhaw ee lagu xanto inay talada dalka ka go'do ama had iyo jeerba ku shaqeysta magaca madaxweyne Siilaanyo sida Wasiirka Madaxtooyada,Arimaha debeda,duulista,Macdanta iyo Biyaha.

 

Sida ilo u dhuun daloola madaxtooyada tibaaxayaan ujeedada casuumadu waa in labada gole u ansixiyaan madaxweyne Siilaanyo tegitaanka iyo ka qeybgalka shirka London ee loo qabaanyo kooxaha Somaliya isku haya oo ka go'an tahay inuu tago ama ka qeybgalo .Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u sheegay inuu ka qeybgalka shirka talo qaran ka yeelanaayo balse waxaa xaqiiqa oo biyo kama dhibcaan in go'aankiisu yahay inuu shirkaas tago oo socon doona maalin gelinkeedka, arimaha ama qadiyadaha laga hadlaayana ku kooban tahay ama ku soo urursayso sidii loo soo dhisi lahaa maamulka bedeli doona Sheikh Sharif oo waqtigiisu ku e'egyahay bisha August 2012ka.

 

Xukmadd ayaa ah hal diidaysaa geeday ku xoqato ma weydo ee casuumadaas madaxweyne Siilaanyo u berito uu u samayn doono golayaasha waa takidIin ama ansixin uu ka ansaxsanaayo golayaasha ka qeybgalka shirka London oo uu ka aqbalay safiir xigeenka safaarada ingiriisku ku ledahay Itoobiya

 

Xukumada Siilaanyo ayaan isku raacsanayn ka qeybgalka shirka London dhawaan ayaa wasiirada xukumada kaga jira beesha Sacad Muuse oo dhawaan ku qabtay kulan balaadhan Hotel Maansoor ay soo saareen war murtiyeed ay ku qaadacayaan ka qeybgalka shirkaas London iyagoo sheegay shirkaas inuu waxyeelo mooyee waxtar u lahayn Somaliland oo la sheegay unay hayso ajeendaha shirka weli.

 

Dhinac kale warar aanu ka helay xildhibaano ku dhawdhaw shir gudoonka ayaa noo sheegay in mikirifoonka laga ilaalin doono xildhibaanada ka soo horjeeda qadiyada ka qeybgalka shirka London,shirgudoonka barlamaanka guutida iyo barlamaanka ayaa la sheegay inay sii diyaariyeen liiska dhawr xildhibaan oo madaxweyne Siilaanyo si indho la'aana ugu taageera sax iyo khaladba oo ka hadli doono munaasibada berito khudbadahooduna noqon doonaan qaar loo sii naqilay ama loo yeedhiyey oo aan ka iman maskaxdooda.

Golayaasha ayaa gacanta ugu jira xukumadda Siilaanyo oo u adeegsata hadba sida ay doonto, taasi oo xiligii uu Siilaanyo mucaaridka ahaa uu golaha gacanta ugu dhigay, golaha wakiilada ayaa xiligan ku jira xili kala guur ah oo gudoomiyahii wakiiladuna uu samystay urur siyaasadeed, xaga xildhibaanada intooda badanina ayna kaba soo xaadirin golaha xaga qaar badanina ay ku jiraan jeebka madaxweyne Siilaanyo

Qarannews

Hargeysa

=

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali diid land does not make sense Somalilanders are proud to be landers they are not against the land part hence the name Somaliland:D

 

 

War ma somalida landta diiday baynu nahay mise aniga walaan or is some one singing in Adan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;784591 wrote:
Somali diid land does not make sense Somalilanders are proud to be landers they are not against the land part hence the name Somaliland:D

 

 

War ma somalida landta diiday baynu nahay mise aniga walaan or is some one singing in Adan.

So, you're not a SOMALI, but you're a "Lander"? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

Good news. We cant let non take holders from you know where go and try to claim they represent the people of somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this