Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Puntland-Cup Opens In Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE: Gobolka Karkaar oo u soo gudbay Ciyaarta Finalka

February 10, 2012 11:33 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Garoowe: (pp)- Kooxda Xulka gobolka Karkaar ayaa maanta u soo gudubtay ciyaarta finalka , kaddib markii ay ka badiyeen Xulka Gobolka Mudug, waxaana xulka gobolka Karkaar maalmaha soo socda ay fooda is darri doonaan Xulka Gobolka Nugaal oo maalin kahor u gudubtay Finalka.

 

 

Xulka Karkaar oo u soo baxay cayaarta Finalka

 

Cayaaraha ka socda Caasimada Garoowe, garoonka halgamaa Mire Awaare Jaamac ayaa waxaa tan iyo intii ay cayaarahan socdeen waxaa soo badanayey xamaasada loo hayo cayaaraha gobolada Puntland , waxaana cayaaraha gobolada Puntland sanad walba sanadka ka sii danbeeya ay noqonayaan kuwo xamaasada loo qabo ay sii kordhayso.

 

Ciyaartii ay galabta ay wada cayaareeen Xulalka gobolada Mudug & Karkaar ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen madaxda goboladaasi, kuwaas oo teegeero xoogan u hayey Xulalka gobolada ay maamulaan.

 

Labada kooxood ayaa aad isugu cayaar dhowaa , waxaana xusid inay barbardhac ay noqdeen oo 1:1 isku haayeen daqiiqado badan, inkasta oo markii danbe goolkii labaad ay keensadeen xulka gobolka Karkaar oo daqiiqadihii danbe ee ciyaarta weeraro is daba-joog ah ku hayey xulka gobolka Mudug.

 

Cayaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan, ayaa waxaa 2:1 ay guushu ku raacday xulka gobolka Karkaar oo loo maleeyo inay aad u kulul yihiin sanadkan, waxaana shacabka Puntland ee ku nool caasimada Puntland ay waqtigan Indhaha ku hayaan cayaarta Finalka ah ee dhexmari-doonta Karkaar iyo Nugaal

 

Wixii tafaasiil ah kala soco wararkeena danbe

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

 

Ciyaaraha-Puntland-HM-47-e1328907439180-

KARKAAR-VS-MUDUG-1.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-2.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-4.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-5.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-3.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-9.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-18.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-13.jpg

KARKAAR-VS-MUDUG-19.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe: Carwada New-Waamo oo hadiyad gudoonsiisey ciyaartoy ka tirsan xulka Karkaar [sawiro]

 

Updated:- 18 hours ago| 13 Commnets

 

Magaalada Garoowe waxaa maanta hadiyado kala duwan lagu gudoonsiiyey Bashiir Siciid Cismaan (Indho-yare) oo ah ciyaartoygii dhaliyey goolkii 1-aad ee lagu daah furay ciyaartii ay shalay wada yeesheen labada xul ee gobolada Mudug iyo Karkaar.

 

Hadiyadan oo ah mid ay bixisay carwada New-Waamo ee caasimada ku taal ayaa kahor intii aysan ciyaartii xiisaha badnayd ee shalay bilaabmin waxaa balan qaaday mulkiilaha carwadaas isagoo sheegay inuu siin doono ciyaartoyga goolka 1-aad dhaliya.

 

Bashiir (Indho-yare) oo isagu ahaa laacibkii dhaliyey goolkii 1-aad ee ay xulka gobolka Karkaar shalay ciyaarta ku daah fureen ayaa maanta abaal marintaas lagu gudoonsiiyey isla gudaha carwada, waxaana xiligaas goob joog ahaa maamulka iyo mulkiileyaasha carwada New-Waamo oo kamid ah carwooyinka ugu waaweyn magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

 

Maamulka carwada dharka iyo udugga ee New Waamo Garoowe Cabdikariim (Dhego weyne) oo Horseed Media xiligii ciyaartoygan hadiyada uu gudoonsiinayey la hadlay ayaa sheegay in abaal marintani ay tahay mid uu isagu si shakhsiyan ah u gartay inuu gudoonsiiyo ciyaartooygii goolka 1-aad dhaliya si uu ciyaaryahanada kale ugu dhiiri geliyo.

 

Waa markii ugu horeysey intii uu tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland socdey ee la bixiyo abaal marin noocan oo kale ah, waxayna carwada New Waamo noqotay carwadii ugu horeysey ee ciyaartoy hadiyad gudoonsiisa.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe

 

1.jpg

21.jpg

3.jpg

41.jpg

5.jpg

8.jpg

9.jpg

10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaflad Casho sharaf ah oo caawa loo qabtay xulka gobalka Nugaal [sawiro]

 

Waxaa holka shirarka ee Hotal New Rays caawa ka dhacday xaflad si qurux badan looga soo shaqeeyay oo lagu caasumay xulka gobalka Nugaal oo maalinta barito ah ciyaaraya Finaalka koobka gobalada Puntland.

 

Munaasibadan ayaa waxa soo agaasintay Nasro Cabdirisaaq oo ka tirsan warbaahinta BBC-da laanteeda af Soomaaliga, isla markaana taageerta xulka gobolka Nugaal.

 

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Olanpikada Puntland Mudane Cawiif, Gudoomiyaha Sportiga Nugaal Cabdirisaaq Nuur Halac iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayn Casho sharaftaani waxaa khudbad dheer oo ka hadlay sida looga baahan yahay xulka gobalka nugaal maalinta barito ah kasoo jeediyay Gudoomiyaha isboortiska gobalka nugaaal cabdirisaaq nuur halac ,wuxuuna xulkiisa kula dar-daarmay inay soo bandhigeen ciyaaarka kama danbaysta ah ee koobka qaab ciyaareed wanaagsan iyo deganaan ,wuxuuna sidoo kale amaan ballaaran usoo jeediyay Nasro oo ka mid ah taageerayaasha nugaal run ahaantiina xafladaani soo qaban qaabisay.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay Tababaraha Gobalka Nugaal Maxamuud Shiikh-doon oo sheegay inuu ku farax san yahay munaasibadaani lagu caasumay gobalka nugaal,wuxuna intaasi ku daray in maalinta barito ah ay soo bandhigi doonan ciyaaro qurux badan koobkana ay qaadi doonan.

 

Nasro Cabdirisaaq Axmad oo si aad ah u taageerta xulkeeda Nugaal ayaa kalmado dar-daar ah usoo jeedisay xulka nugaal ,waxayna ugu baaqday inay soo bandhigaan ciyaar qurux badan koobkana ay kasoo dajiyaan magalada garowe ,waxayna intaasi raacisay xulka gobalka nugaal sanadkaani inuu yahay mid ka duwan sanooyinkii hore iyadoona tusaalo ahaan ugu soo qaadatay ciyaarihii ay soo ciyaareen waxyaabihii ay soo bandhigeen.

 

Ugu danbayntii munaasibadaani waxaa soo xiray Gudoomiyaha xiriirka olanbikada Puntland Cawiif oo sheegay Tartarka ciyaaraha Puntland ee ka socda Garoowe inuu yahay mid lagu doonayo inay isku bartaan dhalinta Puntland isla markansna kor loogu qaado nabad-galyada iyo is dhex galka bulshada soomaaliyeed ,wuxuuse kula dardaarmay nugaal inaysan ciyaarin dagaal iyo fowda balse kaliya ay la qaybsadaaan karkaar kubada iyo walaaltinimada ka dhexaysa.

 

Waxaa lagudo galay cunista cashada ay soo qaban qaabisay Nasro Cabdirisaaq ,waxaana sidoo kale ka qayb galay suxufiyiinta ku sugan magalada Garoowe.

 

Cali Cabdicasiis Ducaale (Fantastic)

Dunidaonline-Garoowe

 

ciyaar154.jpg

ciyaar151.jpg

ciyaar152.jpg

ciyaar153.jpg

ciyaar154.jpg

ciyaar155.jpg

ciyaar156.jpg

ciyaar158.jpg

ciyaar159.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Mire-Awaare-2.jpg

 

Garoowe: Nugaal iyo Karkaar oo galabta foodda is dari doona

 

Updated:- 3 hours ago| 1 Commnets

 

Garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe waxaa galabta ka dhacaysa ciyaar aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland.

 

Ciyaartan oo ah midda kama danbeysta ah ayaa waxaa wada yeelan doona labada xul ee kala metelaya labada gobol ee Nugaal iyo Karkaar islamarkaana ah labo xul oo intii uu tartanku socdey ciyaar wanaag iyo xirfad aad u saraysa soo bandhigay.

 

Xulka gobolka Nugaal oo iyaga mid ka mid ah Hotel-ada magaalda Garoowe casho sharaf loogu sameeyey ayaa qaar kamid ah ciyaartoyda galabta u safan doona oo Horseed Media lasoo xiriiray waxay sheegeen inay ku dadaalayaan ayna ka go’an tahay sidii koobkaas caasimadda loogu gacan gelin lahaa.

 

Dhinaca xulka Karkaar oo iyagana in badan oo taageerayaashooda kamid ahi ay magaalada Garoowe soo gaareen saacadihii u danbeeyey welina ay kusoo qul qulayaan ayaa sheegay in aan horyaalnimada cidina ka horjoogsan doonin.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [black] oo ah weriyaha degmada Qardho uga soo warama warbaahinta Horseed Media islamarkaana la socda kolonyo gaadiid ah oo ay wataan taagerayaasha xulka Karkaar oo goor hore oo saaka ah Qardho ka baxay ayaa mar aan khadka telefoonka kula xiriirnay sheegay in ay Garoowe wax yar u jiraan.

 

Nugaal iyo Karkaar oo ah labada xul ee kasoo baxay 8-dii kooxood ee metelayey gobolada Puntland ayaa ciyaarta ay galabta yeelan doonaan waxaa si aad ah logoa hadal hayaa magaalooyinka waaweyn iyo guud ahaan deegaanada kale ee Puntland.

 

Natiijada ay ciyaartaasi kusoo gaba gabowdo iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

(((Live))) (Dhamaadka Ciyaaraha Gobolada Puntland Karkaar Vs Nugaal)

February 12, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Dhageyso live Idaacada SBC international oo si toos ah ay uga socto ciyarta Finalka ah ee u dhaxeysa Gobolada Karkaar Vs Nugaal, Ciyaaraha gobolada Gobolada Puntland.

 

Riix Linkigan http://www.ustream.tv/channel/allsbc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xulka kubadda cagta ee Nugaal oo Koobkii qaaday kana guuleystey xulka Karkaar

Updated:- 17 hours ago| 64 Commnets

 

Ciyaar aad u xiisa badan oo in mudo ah la sugayey ayaa galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

 

Ciyaartan oo ahayd Final-ka tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland waxaa wada yeeshay labada xul ee Nugaal iyo Karkaar oo iyagu wareegga kama danbeysta ah isugu soo haray.

 

Qaybta 1-aad ee ciyaarta ayaa waxaa 2 gool ku hormaray xulka gobolka Nugaal oo iyagu xamaasad aad u saraysa garoonka kusoo galay islamarkaana goolka 1-aad dhashtay ciyaarta oo socota wax hal daqiiqo ka yar.

 

Markii laysugu soo noqday qaybta danbe ee ciyaarta ayaa waxaa labo gool la yimid xulka gobolka Karkaar sidaas oo natiijada ciyaartu ay ku noqotay barbar dhac 2-2 ah.

 

Markii uu wakhtiga ciyaartu dhamaaday ayaa si toos ah waxaa loogu gudbey gool ku laadyada iyada oo aan wakhti dheeri ah lagu darin.

 

Gool ku laadyadana waxaa ku adkaaday xulka Nugaal oo ay guushu ku raacday 5-4, waana markii ugu horeysey ee xulka gobolka Nugaal uu horyaalka kubadda cagta ee gobolada Puntland noqdo.

 

Qaabka xulka Nugaal koobka loo gudoonsiiyey, khudbadda madaxweyne ku xigeenka Puntland oo galabta ciyaartaas daawanayey, iyo sawiradaba Horseed Media goor dhow ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Aragtida dadka ee guusha Nugaal

 

13 Feb 13, 2012 - 6:53:43 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Kadib markii garoonka kubadda cagta Garowe ee Mire Awaare shalay lagu doonsiiyey kooxda gobolka Nugaal horyaalnimada gobollada Puntland ee kubadda cagta ayaa waxa magaalada Garowe ilaa markii lagu dhawaaqey dhamaadka kulanka kasocotey dabaaldega iyo farxada guusha u soo hoyatey Nugaal.

 

Barnaamijka Rayiga Dadweynaha ee Radio Garowe oo inta badan diirada lagu saaro arrimaha markaasi ka taagan Puntland iyo guuud ahaan geyigeena Somalia ayaa maanta 13,Feb ,2012 waxa aanu ku eegney dareenka dadweynaha ku dhaqan caasimada Garowe eek u aadan guusha gobolka Nugaal ka gaarey ciyaaraha gobollada Puntland.

 

Barnaamijka oo uu wado Fahad Jaamac Ciise ayaa waxa bilawga dib aanu ugu jaleeceynaa shalay galabta khudbadii uu ka jeediyey kuxigeenka madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,waxana sidoo kale qaybka ah barnaamijka gudoomiyaha isportiga gobolka Nugaal Cabdirisaaq Nuur Halac.

 

Dadweynaha ayaa soo wacaya xiriiriyaha barnaamijka waxana ay soo bandhigayaan aragtiyadooda iyagoona dhanka kale muujinaya farxadooda ku aadan horyaalnimada Nugaal ee gobollada Puntland.

 

Halkan ka dhageyso Rayiga Dadweynaha oo uu wado Fahad Jaamac Ciise

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Aragtida_dadweynaha_ee_guusha_Nugaal.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Dr_Osman;784408 wrote:
I am so happy duke.
Port expansion is happening, 5 major roads in bosaso is being paved, puntland cup is on, the oil drilling is occuring, every updated pic I see from Bosaso and Garowe I see wicked development changing by the year. We have some awesome projects to look forward to opening like olympic village (to be host the only grassed stadium in the nation), commercial developments from golis and iftin. I am still waiting for SEPCO electricity to open up, Plus NECSOM in garowe is going wind-farm technology route.

 

Education and Health sector is thriving like unseen before and even rumors that sharif asked minister of health after he saw the excellent work he does to be minister of health of his govt, but the minister of health told him no can do I am here for my people first when that is done I will consider mogadishu. International relation is at all-time high for the state and the profile of our region is bar none second to Hamar in the foreign worlds eye followed thirdly by somaliland and then galmudug

^^^I am happy that you are happy my brother..

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

GAROOWE : Casho-sharaf iyo Abaal-marin la guddoonsiiyay Kooxda Kubadda Cagta gobolka Nugaal ee horyaalka Puntland (Sawiro)

February 15, 2012 9:16 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Casho-sharaf iyo abaalmarin si heersare ah maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal u soo agaasimay oo abaalmarin lacageed lagu siiyay Kooxda Kubadda Cagta gobolka Nugaal oo haysta horyaalka Puntland ayaa lagu qabtay Maqaayadda New Wamo.

 

Casharafta oo ay bixiyeen maamulka Shirkadda Biyaha macaan ee Farjano, ayaa waxaa Kooxdan abaal-marin lacageed oo laacib kasta la siiyay 100 doolar ayaa waxaa guddoonsiiyay maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal.

 

Mr.Cabdirisaaq Nuur Halac Guddoomiyaha Cayaaraha gobolka Nugaal

 

Cabdirisaaq Nuur Halac Guddoomiyaha Cayaaraha gobolka Nugaal ayaa waxa uu sheegay in ay abaalmarintan ugu talageen in lagu dhiiriyo Kooxda maadaama ay mudan yihiin oo guul taariikhi ah ay gobolka u soo hoyiyeen, waxa uu sheegay in ay doonayaan in Kooxda ay hayaan oo ay si gaara uga warqabaan si aysan Kooxdu u kala daadan.

 

Mr.Cabdirisaaq, wuxuu sheegay guusha la gaaray ee u suurtagalisay in Kooxdan ay qaadaan Koobka lagu gaaray dadaal aad u ballaaran oo uu sameeyay maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal, kaas oo laga shaqeeyay dhanka tababarka iyo dhanka maamulka Kooxdaba, waxaana uu sheegay in guushu aysan iska imaan ee qadarta Eebe ka sokow dadaal aan kala harlahayn ay sameeyeen.

 

Waxa uu ballan qaaday in ay ku dadaalayaan sidii Kooxdan ay u ahaan lahayd Koox dhisan oo markasta guulo soo hoyisa, wuxuuna ganacsatada iyo aqoonyahan kaba ka codsaday in ku caawiyaan horumarka Cayaaraha gobolka Nugaal.

 

Axmed Jawle, oo maamula Shirkada Jawle Enterprise oo maalgalin ku samaysay Kooxdan, islamarkaasna abaalgud gaar ah siisay laacibkii dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Finalka, goolhayaha Kooxda iyo weeraryahankii ugu fiicnaa Kooxda, ayaa waxa uu sheegay in shirkadiisa ay diyaar u tahay dhiiri-galinta iyo maalgalinta Cayaaraha gobolka Nugaal gaar ahaan Kooxdan guusha taariikhiga ah soo hoyisay.

 

Jaamac Salaad Dhagadheere oo ka mid ah ganacsatada Puntland ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal, waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwo taariikhda galay, wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha ay soo hoyiyeen.

 

Dhowr Haween ah oo ka mid ah taageerayaashii Kooxda gobolka Nugaal ayaa waxay sheegeen in ay farxad darted ay la wareereen oo aysan iminka khudbadayn Karin, waxayna sheegeen in ay ka haween ahaan ay diyaar u yihiin in ay garbo u noqdaan Kooxdan.

 

Dhammaan dadkii khudbadaha jeediyay ayaa ammaan u jeediyay Carwada Olombic iyo Dukaanka Jawle Enterprise oo ay sheegeen in la aantood aan guushan la gaarayn, ayna hawlwadeenada shirkadahan ay dhaqaalahooda iyo wakhtigooda ku baxsheen horumarka Kooxda gobolka Nugaal taas oo suurta galisay in ay Koobka qaadaan.

 

Cismaan Cawad Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Cayaaraha Puntland oo kulankan soo xiray ayaa u hamblayeeyay Kooxda gobolka Nugaal, waxaana uu sheegay in ay muujiyeen ciyaar-wanaag iyo guulo horseeday in ay Koobka qaadaan.

 

Waa markii ugu horaysay ee Kooxda Kubadda Cagta ee gobolka Nugaal ay qaadaan Koob, iyada oo 6 tartan oo la qabtay mudada ay dhisnayd maamulka Puntland lagu qabtay Caasumada Puntland ee Garoowe, waxayna Finalka yimaadeen 2 jeer.

 

Puntlandpost.com

 

k24.jpg

k25.jpg

k11.jpg

k20.jpg

k14.jpg

k8.jpg

 

 

Well done boys, Truly you guys were the best in-form team in this year's cup, Nugaal true champions lets welcome our best team in 2012 and hold them up for all Somalia to see that this region is the best team in Puntland you got something to say bring it to the field and lets settle it

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Karkaar the Runner Up Got A Huge Welcoming Back Home. Welcome Back to Qardho Boys, you might've not been champion this year but you are champion in Qardho

 

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Soo-dhaweyn-_Laacibiinta-_Karkaar_By-Bla

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this