Sign in to follow this  
NASSIR

Banaanbax looga soo horjeedo Somaliland iyo xasuuqa ay ka wado Sool oo ka dhacay Badhan, Sanaag

Recommended Posts

NASSIR   

Banaanbax looga soo horjeedo Somaliland iyo xasuuqa ay ka wado Sool oo ka dhacay Badhan, Sanaag

Posted by Webmaster01 on January 24, 2012 in Warar | 0 Comment

Saaka ayaa waxaa gebi ahaanba la xirey meheradihii, iskooladii iyo dhamaan goobihii hawlaha guud iyadoo dadka Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ay u dareereen banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Somaliland isku magcaabay iyo xasuuqa uu ka wado Gobolka Sool gaar ahaan caasimada gobolkaasi ee Laascaanood.

 

Dadweynaha isu soo baxay ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo lagu diidan yahay kala go’a umada Soomaaliyeed iyo maamulka jabhada Soomaali diidka ee Gobolada Waqooyi Galbeed ee fadhigeedu yahaya Hargeysa.

 

Dadka ayaa waxay ku cel celinayeen erayooyin ay ka mid yihiin “Dooni mayno maato laaye, Dooni mano Soomaali diidka, Dooni mayno Dollar qaate ” iyadoo dadka wajigooda uu ka muuqday caro iyo diidmo ku aadan xasuuqa ay Somaliland ka wado magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

Waxaa iyaduna intaa dheer in Dadweynuhu ay siteen calanka Soomaaliya iyo kan maamul Goboleedka Puntland isla markaana ay taageero ku muujinayeen sida ay u taageersanyihiin midowga Soomaaliya iyo maamulka Puntland waxaana ka mid ahaa hal ku dhegyada ay ku cel celinayeen ” Puntland ha noolaato, Cadowgeedu ha dhaco, Soomaaliya ha is raacdo, iyo midnimada Soomaaliya waa muqaddas”

 

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galey isu soo baxaan Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabeyl isagoo goobta isu soo baxa kasoo jeediyey khudbado uu ku muujinayo dhibka ay Wado maamulka la magac baxay Somaliland.

 

Waxaa xusid mudan in Wasiirka Difaaca Somaliland uu habeen hore usoo galey Magaalada Badhan isagoo la socday Gaariga Suldaan Saciid isla markaana dejiyey Gurigiisa uu ku leeyahay Degmada Badhan oo ay ciidamada Puntland ku go’doomiyeen isla markaana wada hadal kadib la fasaxay in Wasiirka uu ka baxo magaalad Badhan oo uu aadey Magaalada Hadaaftimo ee fadhiga Suldaan Saciid.

 

LaasqorayNET- Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Boosaaso[RBC Radio] Xubno Sarsare oo ka socday Maamulka la magacbaxay Somaliland oo uu kamid yahay Wasiirka Deegaanka iyo Reer Miyiga ee Somaliland Maxamuud Siciid Madaxey,waxaana jira xubno kale oo iyaa gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Climi.

 

Wefdiga u hoggaaminyey Wasiirka Deegaanka iyo Reer Miyiga ee Somaliland Maxamuud Siciid Madaxey ayaa waxaa kusoo dhaweeyey magaalada boqolaal dadweyne oo ruxayey caleemo qoyan kuwaas oo watay boorar ay ku xardhanaayeen hal ku dhigyo lagu taageerayey Wafdigaas,waxaana jirin intii ay socotay soo dhaweyntu wax rabshado ah oo ay kala kulmeen dadka deegaanka kuwaas oo si xarago leh usoo dhaweeyey.

 

Wasiirka Deegaanka iyo Reer Miyiga ee Somaliland Maxamuud Siciid Madaxey oo kula hadlay goob fagaare ah dadkii soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay in ka shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo difaacida Xuduudaha taas oo aan Puntland loo ogaan haba yaraatee in ay ka arrimiso.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in imaatinka Wasiirka iyo xubnaha uu hoggaaminayo aysan ku shuqul lahayn arrimo siyaasadeed,wuxuuna xusay in uu yahay muwaadin kasoo jeeda deegaanka xaqna uu u leeyahay in mar kasta oo u baahdo uu imaan karo.

 

Banaabaxa magaalada Badhan.

 

Dhanka Banaanbax looga soo horjeedo imaatinka mas’uuliyiintaas ka socda Maamula la magac baxay Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ee Puntland.

 

Boqolaal dadweyne ah ayaa banaabaxooda maanta ku diidanaa imaatinka degmada Badhan Wasiiro kasoo jeeda deegaanka iyo weliba Maamulka Somaliland kuwaas oo watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah xubnahaas.

 

Caaqil Xasan Faarax oo kamid ah Waxgaradka ugu caansan gobolka Sanaag oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Imaatinka gobolka ee madaxda Somaliland ay ku soo gaarayaan inta badan deegaamada gobolka Sanaag ay sabab u tahay Dawladda Puntland oo ka gaabisay mas’uuliyadeedii Maamul. ahaaneed ee gobolka.

 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka ku dhaqan gobolka Sanaag ay yihiin dad taageersan Puntland kana soo jeeda dhan walba ,waxna ka dhistay Puntland isagoona arrimaha ka taagan gobolada Sool,Sanaa iyo Cayn ay iska ilowday Puntland sida uu sheegay.

 

Si kastaba ilaa hadda kama aysan hadli Puntland Imaanshaha Wasiiradaas ka socda Maamulka Somaliland kana soo jeeda goboladaas Sanaag iyo Hayland, waxana ay hadda dadka yihiin kuwa ku kala qeybsan Puntland iyo Somaliland taas sabab ay uga dhiagayaan in Puntland ay ka gaabisay horumarkii goboladaas ayna Somaliland tahay mid baahiyaha dadka wax ka qabaneysa taas riig biyaha lagu soo saaro geysay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Shacabka Reer Badhan Oo Sameeyay Dibad-bax Puntland Abaabushay Oo Ay Ku Diidan Yihiin Maamulka Laga Iclaamiyey Shirkii Taleex Iyo Wasiir Somaliland Ah Badhan Ku Sugan.

 

05ma201.jpg

Badhan (Ramaas) Jan 24,2012 – Dadwaynaha ku dhaqan degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa maanta sameeyay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan shirka Taleex ee lagaga dhawaaqay Maamulka/

 

Mudaharaadkan oo ahaa mid laba weji leh isla-markaana shacabka Badhan ku diidan yihiin maamulka Taleex, kuna taageerayaan Maamul goboleedka Puntland, ayaa waxa ka qayb-qaatay boqolaal dadwayne ah.

 

Mudaharaadayaashan oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin kalmado shirka Taleex ku diidan yihiin ayaa waxa ka qayb-qaatay masuuliyiin Maamul goboleedka Puntland u jooga Badhan, kuwaas oo dadwaynaha u jeediyay khudbado ay eedaymo ugu jeediyeen Shirka Taleex.

 

Mudaharaadkan oo maamulka Puntland soo qaban-qaabiyey ayaa sidoo kale dadku waxay ka hordhigeen xafiisyo maamulkaasi uga furan Badhan, iyagga oo ku qaylinaya kalmado ka dhan ah shirka Taleex oo ay ku tilmaameen mid Somalida sii kala fogeynaya.

 

Maxamuud Siciid Dabayl oo maamulka Puntland ugu magacaaban Guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegay in Mudahjaraadkani uu yahay mid shacabka deegaankaasi ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan maamulka beesha *********** Taleex kaga dhawaaqday, kaas oo uu sheegay in aanu wax faa’iido ah u lahayn dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed/

 

Dhinaca kale, Mudaharaadkan ka dhacay Badhan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili uu halkaasi ku sugan yahay wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadaami, kaas oo halkaasi u tagay arimo la xidhiidha shirka Somaliland lagaga soo horjeedo qadiyada madax-banaanida Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Badhan (SPR): Magaalada Badhan ayaa waxa ka dhacay maanta mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka S/land isla markaasina lagu taageerayo midnimada Soomaaliya. Mudaahraadkan ayaa waxaa soo abaabuley madaxda maamulka Puntland ee gobolka Sanaag isla markaana ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan shaqaaqadii ay dadka ku dhinteen magaalada Laascaanood, isla markaasina ay kaga daqnanayaan. Dadkii mudaaharayay ayaa waxay wateen calamada Puntland iyo waliba calanka Soomaaliya.

 

Dhanka kale waxaa magaalada ku sugnaa Badhan Wasiirka gaashaandhiga ee maamulka S/land isagoo howlo shaqo u joogay magaaladaasi ayaa mudaaharaadkan kusoo beegmaya kadib markii uu magalada ka baxay.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this