Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Professor cali khalif galaydh we are willing to talk with Somaliland

Recommended Posts

Liibaan   

Cali-Khaliif-Galayr-bidix-oo-ku-dhawaaqa

Prof. Cali Khaliif oo Xidhan Calanka Soomaaliya, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

 

Boocameonline.com

 

Xafladii Khaatumo State of Somalia, January 2012

 

Daawo : Khudbaddii Professor Cali Khaliif Oo U Jeedayay Jaaliyadda SSC iyo Jaaliyadda Soomaalidda MN

 

Fadlan Nala Daawadda Qudbaddii uu Professor : Cali Khaliif u Jeediyay Jaaliyadda SSC Iyo Soomaaliwaynta Gobolka Minnesota oo kula Hadlay Qadka Telefoonka, Professor Cali Khaaliif oo Sugan Magaaladda Taleex Ee Gobolka Sool Soomaaliya, Ayaa Wuxuu Dad Waynaha Degaanadda SSC Ee Gobolka Minnesota kala Hadlay Sidda Uu Socda SHirka Khaatumo oo Uu SHeegey in Si habsami ah uu U Socda Shirku, Professor:

 

Cali Khaaliif ayaa Wuxuu Sheegey in Ergooyinka Ka Soo qayb galay SHirka ay u Dhaqmayeen Si sharaf leh, Cali Ayaa Wuxuu ka Hadlay in Dadkani Ay Doonayaan in Arimahoodda Gacanta Ku Qabsaddaan, Cali ayaa Wuxuu intaas Raaciyay in Dadkani ay doonayaan in ay nabad galyo ku Wada Noolaadaan, dadka kalana ay si nabad gal ah kula noolaadaan ( Cali ayaa Hadkan Jeediyay intuusan Bilaaban dagaalka Gobolka Cayn) Wuxuu Qudbaddan Jeediyay Habeenimaddii Sabtidda ahayd, in yarka dib Ayaa Waxaa naloo Sheegey anagga oo aa goobtii ka tagin,in Malayshiyadda SNM ay Weerar gaadma ah ku Soo qaadeen Magaaladda Buhuudle.

 

Professor: Cali Khaalif Ayaa Wuxuu U Sheegey Jaaliyadda Soomaalidda iyo Dadka Reer SSC in Ay Maamul Ku dhawaaqeen Maamul Goboleed Balse Arintani Aad ayay U Adag Tahay, Wuxuuna u Sheegey Dadka Reer SSC in ay Iyagu Xil ka Saaran Yahay in Ay Maamulkooda Garab Galaan.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

_______________________________________

 

 

 

Cali_Kh_Galeydh400.jpg

Prof. Cali Khaliif, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

Hiiraan Online

 

Dr. Cali Khaliif Galeyr: Waagaa Baryey Nin Gacan Weyn iyo Nin Gacan Yar Toona Ma Qarin Karo

 

DR. CALI KHALIIF GALEYR: “Cidda Oraneysa Afraad Baa Ku Shireysa Taleex Waa Ka Been Sheegeysaa xaqiiqda, waagaa baryayna nin gacan weyn iyo nin gacan yar toona ma qarin karo”

 

Axad, January 15, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr oo Degmada Taleex ee gobolka Sool uga qeybgelaya Shirka Khaatumo II ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da (Halkaan ka dhageyso) waxaa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirkaas Taleex iyo sida uu u arkayo fal-celin uu shirkaas ka keenay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sheegay in ay shirkaas ka qeybgaleen afraad fidno-wadayaal ah.

 

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sida uu u yiri Axmed Siilaanyo uu sheegay in ay Taleex ku shireen afraad ama shakhsiyaad, wuxuuna caddeeyay in ay shirkaas qabsadeen dadka u dhashay Sool, Sanaag iyo Cayn “Waxaa nasiib darro ah in Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo diidanaa xukunka xukuumaddii hore oo lahaa xuquuqda dadkeyga ayaa lagu xad-gudbayaa in uu maanta yiraahdo waan diidanahay dadka Sool, Sanaag iyo Cayn in ay aayahooda ka tashadaan”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo caddeeyay in ay si weyn u raddinayaan hadalka uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Waxaa la weydiiyay hadalkiisa in uu u dhacayo in Beesha degta Sool oo shirkii gooni-isu-taagga Somaliland ka qeybgashay ay haatan gebi ahaanba ka baxday heshiiskii lagu dhisay Somaliland, wuxuuna sheegay in uu isago Cali Khaliif ahaan ka qeybgalay labo shir oo arrimhaas looga hadlayay, “Shirarkii 1991 (Burco) iyo 1993-kii (Boorama) labadaba waan ka qeybgalay aniga Cali ahaan, markii hore ee 1991-kii caqli badan in uu meesha yaallo nooma muuqan, waxaa noo muuqatay in hub badan oo Qaranka hubkiisii ahaa in uu gacanta u galay SNM, markaa waxaa noo muuqatay in iyadoo la siman yahay oo cidina aysan cid qasbaneynin wax la xalilo, waxaanu dan moodnay in loo talo badsado, arrin soo jireen ah ma ahayn, arrin ugub ah ayay ahayd, waddanka ayaa la kala goynayaa markaas kuma qanacsaneyn, 20-kii sano kuma qanacsaneyn, maantana kuma qanacsanin”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in dadka Sool, Sanaag iyo Cayn u dhashay aysan ogoleyn in dalka Soomaaliya la kala gooyo.

 

Waxaa uu xusay Dr. Cali Khaliif Galeyr in shirka Khaatumo II looga hadlayay arrimaha dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isla markaana ugu dambeynta laga soo saari doono maamul madax bannaan oo ay dadka gobolladaas yeeshaan”Arrimaha maamulkaas ku dhawaaqiddiisa gacanta ayaa lagu hayaa, dhaqsina waa loogu dhawaaqi doonaa, cid ka hor-imaan karta oo waagaa baryay iyo qorraxdaa soo baxday gacanta ku celinta kartana ma jirto”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

 

Deegaannada uu maamulka lagu dhisayo Taleex ka talin doono haddii lagu dhawaaqo ayaa la weydiiyay Dr. Cali Khaliif Galeyr, wuxuuna sheegay in dhulka uu ka talin doono ay yihiin Sool, Sanaag iyo Cayn, “ Dhulka ay dadkan leeyihiin waa la yaqaan, meelaha la wada degan yahayna waa la yaqaan, u maleyn maayo Siilaanyo in uu Laascaanood ku murmayo ama dhulka SSC ee aan taariikhiyan leenahay, haddii uu taas ka murmana dee isagaa cirka roob ku og” ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

 

Deegaannadaas oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland sida ay qorsheynayaan in ay ku soo ceshadaan ayaa la sii weydiiyay Dr. Galeyr, wuxuuna ku jawaabay “Annaga waxaan u dhabar adeegeynaa in si nabadgelyo ah arrimahaas ku dhammaadaan ku dhamaadaan, ciidamada Somaliland ee halkaas joogana ay meesha ka baxaan, iyadoo aanan la is-qasbeynin, iyadoo aan ognahay in ay jiraan waxyaabo badan oo aan wada leenahay taariikhiyan, haddana aan diyaar u nahay in wixii aan wada leenahay wada hadal lagu galo”.

 

Waxaa la weydiiyay Dr. Galeyr sida ay u arkayaan dadka ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland, wuxuuna sheegay in dadkaas ay u arkayaan sida uu maamulka Somaliland u arkayo dadka Hargeysa u dhashay ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay.

 

“Cidda oraneysa afraad baan ku shireysa Taleex waa ka been sheegeysaa xaqiiqda, waayo halkan (Taleex) waxaa isugu yimid dhammaan dadka u dhashay dhulkan oo Isimadii, Cuqaashii, Culumaa’udiinkii, Siyaasiyiintii, Ganacsatadii, Haweenkii iyo cid walba ah, cidda caga jugleyneysana u suurtagelimeyso waxa ay dooneyso”ayuu Dr. Cali Khaliif Galeyr.

 

“Maamullada Somaliland iyo Puntland waa ay diidan yihiin maamulka laga filayo Shirka Khaatumo II, markaas waa tee cidda aad isku halleyneysaan ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Dr. Cali Khaliif Galeyr, “taageerada aan heysanno waa tan dadkeena, 100% dadku meel ayay uga soo wada jeedaan, awooddeena baana ku tashaneynaa”ayuu yiri Dr. Galeyr.

 

Haddii colaad uu horseedo shirkan Taleex oo deegaanno nabad ah ay colaad ka dhacdo cidda mas’uuliyaddaas qaadeysa ayaa la weydiiyay Dr. Galeyr, wuxuuna sheegay in aysan jirin nabad taalla Sool, Sanaag iyo Cayn, “Ma Laascaanood baa nabadi taallaa, bandow baa ka jira, 5ta galabnimo ayaa la xiraa, Ardaydii baa la leynayaa, ma ogolin dhaqan-xumada lagu hayo Laascaanood, ma ogolin wixii ka dhacay Kalshaale iyo Hoodaale”ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in aysan weerar ku ahayn Burco, Berbera iyo Hargeysa.

 

Su’aal kale oo la weydiiyay Dr. Galeyr ayaa ahayd cidda ay Isbaheysi la sameysan doonaan haddii ay Somaliland iyo Puntland ay dhismaha maamulkooda diidan yihiin, “Shirweynaha Soomaaliyeed ayaan xiriir la sameysaneynaa, welina kama quusan shacbiga Somaliland iyo Puntland oo dano ayaan wada leenahay, maamulladana waan aragnaa. Maamulka Somaliland waxa uu diidan yahay oo aan u cuntameynin waxaa weeye annagu waxaan rabnaa midnimada Soomaaliyeed, haddii uu maamulka Somaliland leeyahay Annaga Soomaaliya kama mid noqoneyno iyaga ayay u taallaa, waxaanse aragnay in Umadda dhulkan ku nool iyo Umadda Soomaaliyeedba guud ahaan in ay danta ku jirto in aan dalkan la kala gooyn, balse laga tashado sidii la isugu soo noqon lahaa iyo sidii wax loo qeybsan lahaa habkii ay doontaba ha noqotee”.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ i think libaaan takes Cali Galyd literally...the man is the biggest con artist in somali politics...Somaliland extended peace therefore from what i know its always better to talk of peace then kill people...I personally would shot Galayd in the face but hey...people have different methods of dealing with things...i hope peace provails for the sake of the people of Eastern Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lets not get that started..dont wanna blow my own trumpet..

 

but dervish...end of the line old man...end of the line...your top man has thrown in the towel with the likes of xagle tosiye...it seems everyone has surrendered except saaadoo calliii lol....waaaa ina lagu jihaaaaadaaa turned into walalayaal anu wada hadalno...:D

 

or in other words baaaaacaaaaaaaaaaac.....lool.

 

Walahi wilgin riwayad baad ahaydayn...haaal dagal o Somaliland add ka xog badnateen ma jiro even with africa's third largest army waa laydinka badiyay...bax bax an damanyn walahi dadkan waan ka dalay... :D

 

lakin alxamudilah ilahay wuxu na siyay cadowgi ugu litaaay wuxu aburaay... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Dervish;779284 wrote:
You won't shoot anyone your a good boy living in hoyos basement.

Looool,and the only weapon he got is his keyboard.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Today, January 24, 2012

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh " Waxa ee Shacabka SSC rabaan waa Cadyahay, Waana Khaatumo State of Somalia. Waxaan taageersanahay Nabada iyo Wadahadal, Lakiin waa in loo wada hadlaa sidii Maamulo Siman oo Daris Wanaag Ka dhaxeeyo. Xaqmaaha hanjabaada ee Maamulka Somaliland ku hayaan shacabka SSC, ma soconaso, waa in la joojiyaa. Kooxda Siilaanyo ee Hargeisa joogta waxaan ku tilmaaami lahaa ISKA HADLOW INA IGGARE. Hadii ee la dagaalameen Dowladii Soomaaliyeed ee Siyaad Barre oo diidaan Midnimada Soomaaliya. Hadaanu nahay Shacabka Khaatumo/SSC waanu diidnay midnimada beenta ee kooxda Hargeisa wadato. Waxaanu Taageersanahay Midnimada Soomaaliya ee Xalaasha ah. Dagaal baa naga xiga Inuunu difaacno Dalkeena Somalia, Dhulkeena Khaatumo/SSC, Dadkeena, Maamulkeena Khaatumo, iyo Magaalooyinkeena"

 

 

--- Halkan Ka Daawo Dr. Cali Khaliif, Dr. Cali Ciise Cabdi, Garaad Jaamac G. Cali, iyo Madaxda Maamulka Cusub ee Khaatumo State of Somalia

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

201.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi oo Xidhan Calanka Soomaaliya, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

 

 

Dr-Cali-Khaliif-Galayr-oo-madasha-shirka

Dr. Cali Khaliif oo Xidhan Calanka Soomaaliya, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

 

IMG_0101.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi, Dr. Cali Khaliif, Garaad Jaamac G. Cali, Madasha ShirWeynaha Khaatumo, Magaalada Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

 

139.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi, Dr. Cali Khaliif, Garaad Jaamac G. Cali, Madaxweynaha Khaatumo State of Somalia Ahmed Karaash, iyo Madaxda Maamul-Goboleedka Cusub ee Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

cid3%20soo%20gostay%20jan%2023.jpg

President of Khaatumo State of Somalia, Hon. Ahmed Karaash, Khaatumo Presidential Palace, Taleex City, Khaatumo State of Somalia

 

 

kh2%20tal%20g6%20jan23.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi, & Dr. Cali Khaliif visiting Khaatumo Presidential Palace, Taleex City, Khaatumo State of Somalia

 

 

cidan1so%20gos%20jan23.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi, & Dr. Cali Khaliif visiting Khaatumo Presidential Palace, Taleex City, Khaatumo State of Somalia

 

 

cid%20so%20gostay%20jan%2023%20im1.jpg

Khaatumo Presidential Palace, Taleex City, Khaatumo State of Somalia

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyihii Shirkii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Dhawaajiyay In Uu Diyaar U Yahay Wada Hadal Ay La Galaan Somaliland

 

"waxaanu soo dhawaynayna in aanu dadka walaalahayo ah ee Somaliland la hadalo oo wada hadal nabadgelyo leh la gallno” Cali Khaliif Galaydh

 

Talleex(GNS)- Cali khaliif Galydh oo hogaaminaayey ergooyin ka tirsan beesha sool oo magaalada Taleex ee gobolka Sool dhawaan kaga dhawaaqay maamul goboleed la yidhaahdo Khaatumo State of Somalia ayaa markii ugu horaysay wuxuu shaaca ka qaaday in ay dhinacooda ergooyinkaasi shirka Taleex ku qabtay ay diyaar u yahiin inay la hadlaan Dawladda Somaliland.

 

Cali Khaliif Galaydh isagoo la hadlaayey Telefishanka caalamiga ah ee HCTV shallay isagoo jooga magaalada Taleex wuxuu yidhi “waan ogahay in dadka aanu walaalaha nahay aanu nahay dad is dhallay, isku dhiig ah, ilaahay bugcad naga wada beeray iyaguna aanay meelna uga guurayn dhulkaasi anaguna aanan meelna uga guurayn waxaanu soo dhawaynayna in aanu dadka walaalahayo ah ee Somaliland la hadalo oo wada hadal nabadgelyo leh la gallo” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh

 

Cali Khaliif Galaydh wuxuu shuruud ku xidhay qaabka wada hadalo ay la yeeshaan Somaliland ku dhici karaan wuxuuna yidhi “wada-hadaladaasi waxaa keliya ee ay ku dhici karaan waa anagoo u wada hadala iyagoo ah Somaliland iyo anagoo ah Khaatumo State of Somalia, taasi ayuunbu ku iman kara” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

 

Hadalka ka soo baxay Mr. Galaydh ayaa ka danbeeyey ka dib markii kooxahii kaga dhawaaqay magaalada Taleex Maamulkaasi la yidhaahdo Khaatumo uu ku yimid culays aad u farabadan kaasi oo ay u suurtagal noqon wayday inay magaalada Taleex dhinacna u dhaafiyaan maamulkaasi, waxaa sidoo kale saluugay qaabkii ay maamulkaasi ugu dhawaaqeen haldoor badan oo ka soo jeeda Beelaha dhul-bahante oo ka dib markii shirkaasi dhamaaday ka huleelay iyagoo qaarkoodna wada-hadalo hoose kula jira masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in wada-hadalo khadka telefoonka ahi uu dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh laftigiisa waxaana uu Madaxweynahu ku casuumay dhinaca kale inay Wada-hadalo nabadeed ka soo qayb gallaan.

 

Cali Khaliif Galaydh iyo kooxaha iyagu shirkii Taleex qaban-qaabiyey ayaa u arka hadda jidka keliya ee u furani inuu yahay sidii ay ugu gorgortami lahaayeen miisaanka siyaasadeed ee ay xanbaarsanyahiin iyadoo laga yaabo inay ku xidhaan shuruud Somaliland inay ku soo biraan kaasi oo ah in tallada Somaliland loo qaybsado iyadoo la yahay Somaliland iyo Khaatumo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdul;779314 wrote:
Looool,and the only weapon he got is his keyboard.

As if you have an A.K. 47 on your desk and or on the front line...this very key board is more then khatumo has in comparison to Somaliland..when you said Ali Galayd was the master mind behind khatumo i knew it had no future...im not surprised why he wants to talk to Somaliland because he has no real power and will fly off tomorrow back to miniapolis to live in exile were he belongs...:D

 

khatumo...hahahaha........give me a break..:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walahi in the war of words and wars in general we havent been outdone as of yet..the views i state are entirely my own..but in terms of politics between Somaliland and all its people..Somaliland has a policy of trying to resolve every issue peacefully and not through war..if you look back even in buhoodle it never invaded until it was threatened..so peace is always better then war or conflict after all dadkan waa dad somali ah..waa dad masakin ah..being confused by Galayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi;779175 wrote:
This soft talk of Galaydh is not helping specially after the indiscriminate attacks of L.A and Buuhoodle, the secessionist need someone, a strong man to tell them to bugger off. Enough with these elites of diaspora and Professors, I think the SSC community need a crazy warlord to stop warlord Siilaanyo's aggression. Nothing short of a violent back off talk and action will get warlord Siilaanyo to smell the coffee.

 

 

Adeer qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa and the educated lot from the west, men like Galaydh, Xaglatoosiye or Abdikarim are not up to the job.

 

who's telling you not to fight? empty words as always & you win when you lose & lose & lose:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this