Sign in to follow this  
Liibaan

Madaxweynaha AwdalState Rashiid oo KaSoo Degaya Jigjiga,ETHIOPIA,KunaSoo Jeeda AwdalState of Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

Ramaas (Somalidiid website):

 

Madaxweynaha Awdal State Rashiid Aw Nuur oo Ka Soo Degaya Jigjiga Ee Dalka ETHIOPIA, Kuna Soo Jeeda Awdal State of Somalia

 

5df34af2455770f7994d0625ff582c27_M.jpg?j

 

 

 

 

Jigjiga Jan, 22, 2012 – Hogaamiyaha maamulka dibed wareega ah ee Awdal State Rashiid Aw Nuur oo toddobaayadii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa maalmaha fooda inagu soo haya qorshaynaya in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ee ETHIOPIA, waxaana uu doonayaa in uu dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabo gudaha Somaliland gaar ahaan deegaamada gobolka Awdal oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

 

 

 

Wararka laga helayo masuuliyiinta kooxda Awdal State, ayaa sheegaya in hogaamiyahoodu uu madaxda dalka ETHIOPIA, u bandhigay safarka uu ku tagayo dalkooda, isaga oo ballan qaaday in kooxdiisu aanay halis ku noqon doonin masaaliixda ETHIOPIA ee gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay si dhaw ula shaqayn doonaan.

 

Laakiin lama sheegin jawaabta ETHIOPIA ka bixisay codsi ka yimid kooxda gooni u goosatada ah, inkastoo hogaaankooda loo ogalaaday in uu ka soo dego Magaalada Jigjiga, isla markaana uu u gudbi karo meesha uu beegsanayo, hase yeeshe waxa jira cilaaqaad hoose oo labada dhinac dhexmaray bilihii ugu dambeeyay.

 

Xidhiidhka ETHIOPIA iyo Awdal State,ayaa waxa gacan ka gasytay ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya Augustine Mahiga, oo sannadkii hore madaxda kooxdaas kula kulmay dalka CANADA, waxaana uu wakhtigaas u muujiyay taageero siyaasadeed, isaga oo is hoose ugu sheegay in uu fariintooda gaadhsiin doono hogaamiyayaasha dalalka Geeska Afrika ee saamaynta ku leh arrimaha Soomaalida. Iyada oo wixii xilligaas ka dambeeyayna saraakiisha Awdal State ay shirar la yeesheen safiirada ETHIOPIA u fadhiya wadamada Maraykanka iyo CANADA.

 

ETHIOPIA , ayaa bishan January gaadiid milatari ku galbisay Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah maskaxda ka dambaysay aas-aaska maamulka Khaatumo State of Somalia oo lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool, kaasoo ka soo degay dalkeeda , isla markaana gacan saar la leh masuuliyiinta sare.

 

Xukuumada Ra iisal wasaare Meles Zenawi, ayaa markii ay talada la wareegtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo dabayaaqadii sannadkii 2010-kii , shakigelisay mawqifka Somaliland ka taagan tahay la dagaalanka argagixisada oo udub dhexaad u ahaa cilaaqaadkii ay la lahaayeen maamulkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyada oo isla sannadkaas ay xeebaha degaamada gobolka Selal ka soo dageen dagaaliyano ka tirsan jabhada ONLF ,kuwaasoo ka gudbay xuduuda labada dal, laakiin xidhiidhka labada dawladood ayaa diciifay markii ay dhawaan wasiiro ka tirsan xukuumad Somaliland booqasho ku tageen wadanka Masar oo dagaal siyaasadeed oo la xidhiidha muranka biyaha Webiga Nile ka dhexeeyo ETHIOPIA.

 

Dad badan oo dhuun daloola siyaasada Somaliland ayaa aaminsan in ETHIOPIA ay ka cabsi ka qabto in Masar ay saamayn dhan kasta leh ku yeelato xulafadeedii hore, sidaas darteedna , waxa ay ku dadaalaysaa sidii ay abuuri lahayd kooxo u daacada oo ka shaqeeya Somaliland.

 

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweynaha Awdal State oo Si Heer Sara ah Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada JIG-JIGA

 

 

JIG-JIGA…Wararka caawa naga soo gaadhaya magaalada Jig jiga ayaa sheegaya in Mudane Rashiid Aw Nuur oo toddobaayadii dambe ku sugnaa Caasimada Soomaliya ee Muqdisho oo hawl la xidhiidha xaga maamulka awdal laga tashanayay ayaa maalmaha fooda inagu soo haya qorshaynaya in uu ka soo dego Caasimada Maamulka Awdal Boorame

Waxaa naloo xaqiijiyay in maanta wafti uu hogaaminyay M/X Rashid Aw Nuur uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida etoobiya, halkaas oo looga soo dhoweeyay si diiran oo heer sare.

 

Wararka laga helayo masuuliyiinta Maamulka Awdal State, ayaa sheegaya in M/x Rashid Aw nur uu madaxda Jig-Jiga kala hadlay arimaha amaanka iyo iskaashi cusub pp ka dhaxeeya Awdal iyo Etoobiya, isaga oo ballan qaaday in maamulka Awdal aanay halis ku noqon doonin masaaliixda guud ee Geeska Afrika, isla markaana ay si dhaw ula shaqayn doonaan xukuumada ka jirta Jiga-Jiga.

 

Widhwidh online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweynaha Awdal State Garyaqan Rashiid Aw Nuur Hirsi Iyo Warsiirka ArimahaDibada Col Xasan Xusen Riiraash Oo Guulo Lamatabtan Ah

January 24, 2012

 

muqdisho somaliya (Giriyaadnews) waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha awdal state garyaqan rashiid aw nuur hirsi iyo wasiirka atrimaha dibada awdal state col xasan huseen riiraash ayaa waxay safarkoodii kagaadhiin guulo lama tabtaan ah waftigan oo in muda ahba kusugnaa xarunta dalka somaliya ee muqdisho ayaa waxay shirar iyo kulamo laqadanayeen madaxda dawlada kmg ah ee somaliya waftigan ayaa madaxda aay lakulmeen waxaa kamida wasiirka arimaha gudaha wasiirka amniga qaranka wasiirka gashaandhiga wasiirka madaxta iyo biyaha wasiirka qorshaynta wasiiru dawlaha arimahada dibada raysalwasaaraha iyo madaxweynaha dalka somaliya mudane shariif sheekh ahmed waftigan ayaa madaxdii aay lakulmeen dhamaantood waxay umuujiyeen kalsooni iyada oo dhankakale dawlada fadaraalka somaliya aay awdal state siisay aqoonsi siyaasadeed oo buuxa

 

dhankakale dawlada fadaraalka somaliya ayaa waxay balan qaaday inay kacawindoonti awdal state dhanka ciidamada aminiga nabadgalyada dhismaha wasiirka waxbarashada dawlada fadaraalka somaliya ayaa sidookale balan qaaday in scoler shiipyada aay hesho dawlada kumeel gaadhka ahi aay xaqooda kahelidoonaan maamulka awdal state waa sida uu hadalka u dhigaye dhankakale ila wareedyo ku dhawdhaw xafiiska madaxtooyada awdal state ayaa sheegaya in waftiga madaxweynaha awdal state aay wehelinayeen xubno ka socda UN ka oo madaxda dawlada kmg ah sigaara ugala hadlay qadiyada awdal state xubnahan golaha amaanka qaramada midoobay katirsan ayaa lasheegayaa inay uduuleen dhanka dalka itobiya halkaasi oo aay usii gogol xaadhayaan waftiga madaxweynaha awdal state oo dhawaan laguwado inuu kadago dalka itobiya

 

iskusoo wadaduuboo waftiganb ayaa guulo lkataaban karo kagaadhay safarkoodii afrika iyaga oo kulankoodii u horeeyay magalada nayrobi kula qaatay saraakiisha qaramada midoobay iyo safarada somaliya ee kinya halkaana aay qaramada midoobay ugadiyaariyeen safarkiisa inay usii gogol xadhaan una fudaydiyaan safaradiisa uu kumari doono dalalka IGAD waftigan madaxweynaha awdal state garyaqaan rashiid aw nuur xirsi ayaa laguwadaa inuu soo maro dalal dhawr ah oo ka tirsan urur goboleedka IGAD dhanka kale sarakiisha qaramada midoobay ee ku sugan dalalka IGAD ayaa si hagar la aan ah uga hawgalaya fudaydinta hawlaha maamul goboleedka awdal state iyo inay kadhex abuuraan dalalka IGAD iyo awdal state wada shaqayn buuxda awdal state ayaa noqotay cadceed duhur joogta halka maamulka hargaysa uu noqday gabal dhacay

 

Giriyaadnews awdalstate muqdisho somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this