Sign in to follow this  
The Hermet

Governer of Sool Province talks about La canod Demonstrations

Recommended Posts

Maayarka Laas-caanood oo ka hadlay Mudaharaadkii ka dhacay magaaladaas

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali (Jeeni yare) ayaa cadeeyay in dumar iyo caruur ujeedooyin khaldan la soo fahamsiiyay ay maanta isu soo bax khasaare kala duwan sababay ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood.

 

Siday faafisay Idaacada dawlada ee Radio Hargeysa, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin in mudaharaadkaas ay dad ku dhinteen hasa yeeshee waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen laba iyo toban ruux isla markaana ay burburiyeen meheradihii ganacsi.

 

Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali (Jeeni yare) waxa uu sheegay in dadka rabshadaha ka abuuray Magaalada Laascaanood ay ahaayeen kuwo la soo abaabulay si gobolka waxaaanu ku dooday in la doonayay in magaalada laga abuuro wax uu ugu yeeedhay falal amni daro.

 

Mr. Jeeni-yare waxaanu intaas ku daray in xaalada magaaladu ay wanaagsan tahay isla markaana dib loo furay meheradihii ganacsi iyadoo ay noloshuna sideedii ku soo noqotay.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada ,waxaana dib loo furay meheradihii Ganacsiga ee saaka albaabada loo xidhay markii rabshaduhu ka bilaabmeen.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this