Sign in to follow this  
Cawaale

Muslim Somali women to divorce their husbands( Infidel Alliesaka TFG officials)..

Recommended Posts

Cawaale   

Qaar kamid ah haweenka Muslimaadka ah ee ku nool wilaayada Bay iyo Bakool ayaa bilaabay in ay ka baraa'a qaataan Raggii qabay oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee gaalada la shaqeyso.

 

Taariikh cusub ayay soo hooyeen Haweenka Muslimaadka ah ee Bay iyo Bakool kadib markii ay cadeysteen in ay kala diin yihiin Raggii qabay oo Itoobiya iyo Mareykanka u shaqeeya.

 

Inkabadan 12 Haween Muslimaad ah ayaa maanta Maxkamadda wilaayada Bay iyo Bakool iska xaadiriyay kadibna waxay ku dhawaaqeen in ay iska fasaqeen Raggii ay muddo sanada ah u dhaxayeen.

 

Xaaskii uu qabay Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa magaalada Diinsoor ka sheegtay in ay iska fasaqday Ninkeedi oo ay markii hore walaalo wada nool ku ahaayeen diinta islaamka markii uu safka cadawga ku biirayna ay laba xayndaab kala naqdeen.

 

Yaasmiin Xasan Warsame ayaa muddo 34 sana ah u dhaxaysay Madoobe waxayna u dhashay carruur isugu Gabdho iyo wiilal balse maanta ayay soo afjartay la noolaashiyihii Madoobe.

 

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Intabadan carruurta Madoobe ay kamid yihiin ciidamada Mujaahidiinta waqti horana ay ka baraa'a qaateen Aabahood oo ay wax wada cunaan Ilma Doofaar iyo Ilma Daanyeer.

 

"Kadib markii aan fahmay diinteena Islaamka waxaa waajib igu noqotay in aan ka Baraa'aqaato Madoobe Nuunow oo aan xaas u ahaa 34 sano ilmana aan u dhalay, waxaan maxkamadda islaamka horteeda ka cadeynayaa in aan ka fasaqday Madoobe" ayay tiri Yaasmiin.

 

Shamso Cabdullaahi ayaa iyana kamid aheyd haweenkii maanta ku dhawaaqay in ay iska fasaqeen raggii qabay ee katirsan DKMG ah, haweenkii maanta iclaamiyay in ay iska fasaqeen xildhibaano,wasiiro iyo saraakiil DKMG ah katirsan waxay gaarayeen 13 haween ah.

 

Dowrooyinka diiniga ah iyo dacwada ay ducaadda islaamka u qabtaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sababtay in dad badan fahmaan diintooda islaamka ayna qaataan waxyaabaha awaamirta ah kana tagaan waxa alle ka reebay.

 

Source:http://somalimemo.net/index.php/component/content/article/1-warar/362-madoobe-nuunow-iyo-xildhibaano-kale-oo-xaasaskii-ay-qabeen-ay-ka-fasaqdeen-maxay-tahay-sababtu-warbixin

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Waa shoqol Taliban. Now watch as the leaders of Al Shabab pick out the prettiest flowers amongst these 'divorced' women. Da wala fi al aflaam ya 3am. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Gotta love taliban and their love/hate relationship with women. If Sigmund Freud was alive today, he would definitely have them examined. Too bad for them he is not around and nobody else would except such impatient patients :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this