Sign in to follow this  
Gabbal

Gedo region on the verge of becoming the first southern region totally liberated from Shabab menace.

Recommended Posts

Gabbal   

The last stronghold of Baardheere is now within viewing distance by the anti-Shabab forces in the region. To think Shabab put up the resistance we witnessed in Beled Hawo and now last town of Baardheere on the verge of leaving their control while not even being able to muster their infamous hit and run in the other 5 of the six districts in the region out of their hands is a tremendous achievement. The effects of the rainy season have subsided and the march is on.

 

Next for the region will be a real alternative of state governance first of its kind since 1991 agreed upon in the Dollow deliberations which should strengthen the region's position in the forming Jubbaland as well as the contest of autonomous entity sure to break out in post-transition formula. The climax comes at a most opportune moment. May the Shabab resistance in Baardheere be as minimal as possible.

 

Gedo: Al Shabaab oo dagaal looga qabsaday deegaano badan

 

Ceel-cadde: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya ayaa la sheegay inay dagaal ay ku qabsadeen deegaano badan oo ay ka talin jireen Al Shabaab ee gobolka ee Koofurta Soomaaliya.

 

Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo, waxaa maanta Ciidamada Milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay la wareegeen deegaano badan oo ka tirsan Gedo oo ay horey gacanta ugu hayeen Xarakada Al Shabaab.

 

Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo isku dhaf ah ayaa lagu soo waramayaa in dagaal xoogan oo qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen fariisimo badan oo ay Gedo ku laheyeen Ciidamada Al Shabaab.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay sheegay inay gacanta ku dhigeen deegaanada Takoora, Bay-jamaal, Dhegalaab, Jungal, Makooley, Ceel-cadde iyo Ceel-gaduud kuwaasi oo guud ahaantoodu ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaana Madaafiic ay is weedaarsaneyeen labadaasi dhinac mid ka mid ah uu ku dhacay Tuulada Dhegalaab, halkaasi oo la sheegay inay ku dhinteen qoys la sheegay in uu ku habsaday Madfac.

 

Sidoo kale dagaal ayaa isna waxaa uu ka dhacay nawaaxiga degaanada Qooqaani iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose kadib markii ay iska hor yimaadeen Ciidamo ka kala tirsan Milatariga Kenya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

 

Halkaasi waxaa la tilmaamay in uu ka dhashay qasaaro, waxaana dagaaladaani la tilmamay in xoogoodii uu ka dhacay deegaanada gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah.

 

Ugu dambeyn majiro waxa war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab oo ku aadan deegaanada la tilmaamay in lagala wareegay, hase ahaatee xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa waxaa lasoo warinayaa in wali ay tahay mid kacsan islamarkaana wali dagaalada ay ka socdaan.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalo ka dhacay Gedo

 

Ceel-gaduud: (Sh. M. Network) Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa dagaal galinkii dambe ee shalay deegaano ka mid ah gobolka Gedo uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalka oo la tilmaamay in markiisa hore uu bilowday markii cutubyo ka mid ah Ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah ay weerar ku qaadeen goobo Al Shabaab ay kaga sugnaayeen gobolka Gedo ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 3-ruux oo ka kala tirsanaa labadii dhinac ee dagaalamay halka tiro intaasi ka badnna ay ku dhaawacmeen.

 

Inta badan waxaa maqan isgaarsiintii deeganada Ceel-cadde iyo Ceel-gaduud oo ah deegaanada ay sida wayn ugu dagaalameen, Ciidamada Kenya oo garabsanaya kuwa dowladda iyo Xarakada Al Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda sida rasmiga ah gacanta ugu hayso deegaanadaasi.

 

Gaashaanle dhexe Aadan Axmed Xirse Rufle afhayeenka Ciidamada dowladda ee Gedo oo la hadlay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab, isagoo tilmaamay in kaabiga ay ku hayaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaaladii shalay iyo hadalka Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo ayaa imaanaya xilli dowladda KMG ah ay shaaca ka qaaday inay bilaabeen howlgal loogu magac daray soo celinta Xasiloonida dalka Soomaaliya taasi oo ay iska kaashanayaan dowladda KMG ah iyo waliba wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo kulaalaya Degmada Baardheere ee gobolka Gedo

 

Baardheere(Allpuntland)Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Dowladda Kenya ayaa ku sii siqaya degaano ku dhow dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Warfaa Sheekh oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Kenya haatan ay ku dhow yihiin magaalada Baardheere isagoona tilmaamay in ay u muuqato magaalada.

 

Ciidamada Shabaabka ee jooga Baaardheere ayaa soo dhoobtay dhanka weerarka uga soo fool leeyahay ka dib markii ay ka warheleen hugan ku soo wajahan.

 

Dadka Baardheere ayaa walaac ka muujinaya in magaalada dagaal xoog leh uu ku dhaxmaro ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda oo iskaashanaya iyo kuwa Shabaab oo u muuqda kuwa dagaal u diyaar garoobay.

 

Ka dib markii degaanada Gobolka Gedo iyo Jubooyinka ay qalaleen oo laga gudbay xili roobaadkii ayaa ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya waxa ay bilaabeen in ay weerar qaadaan iyadoona shalay dagaalo gobolada Gedo iyo Jubada Hoose kula galay ciidamada Shabaab ah.

 

xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

http://www.allpuntland.com/article/anmviewer.asp?a=12396&z=2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabbal sxb now the shabaab is about to be removed from their last stronghold baardhere who is going to rule the place I am sure azania is not welcome in gedo. What's the alternative there in the gedo region gabbal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I thought Gabal was against the involvement of the Kenyan forces in this battle against Alshabaab or has it become fine when eradicating them from Gedo but traitorous when the Kenyan forces do the same in Dhobley, Afmadow and Jubada Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Good news. Once Al Shabaab is removed the real challenge starts to adress the dissatisfactions of Gedo folks that led them to Al Sbabaab in the first place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this