Sign in to follow this  
Duufaan

Jabhada SNM iyo Dawlada Labo Shariif oo Shir Mu’aamaradeysani Qaahira uga Socdo (xog hoose)

Recommended Posts

Duufaan   

Niman uu horkacayo Wiilka dhaqan celiska ah ee ay SNM-tu ku sheegto inuu arimaha dibada u qaabilsanyahay Mohamed Bajaaj iyo kuwo kale oo looga darey Hargeysa iyo dad ka tirsan hayadaha kala duwan ee Dowladda Federalka KMG ayaa shir qarsoodiya uga furmay Magaaladda Qaahira ee dalka Masar sida laga soo xigtey xubno ku sugan magaalada muqdisho una dhuun daloola arima dawlada tamarta daran ee xamar ku sugan.

 

Ergada dawlada Labada Shariif ayaa la xaqiijiyey inuu horkacayo xildhibaan Mohamed Omar Dalxa Dhaqancelis, halka Mohamed Bajaajna uu kulanka qarsoodiga ku wehliyo ninka madaxtooyada u qaabilsan Siilaanyo ee lagu magacaabo Xersi Xaaji Cali.

 

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegayaa sida dadka loogu sheegey inay uga wada hadlayaan shirka Magaaladda London ka dhici doono 23 Febaury 2012 ee Dowladda Ingiriiska ku casuuntay garabyadda maamulada ka jira wadanka Somalia, waxaase laga yaabaa iney jiraan ajendayaal qarsoon oo loogu adeegayo kala gooynta wadanka.

Shirkan qarsoodiga ah ee Dowladda labada Shariif iyo ergada SNM-tu ku leeyihiin Qaahira ayaa la rumeeysan yahay inuu qeyb ka yahay hindisaha cusub ee Dowladda Ingiriiska ku dooneyso in ay garabyada soomaalida ku qanciso in beesha Isaaqa dawlad loogu citiraafo dhul beelo kale oo soomaaliyeed leeyihiin.

ninka sheegta gudoomiyenimada waxa ay ugu yeedhaan xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Dhiigyacab Ina Kaahin ayaa lagu wadaa inay maalinta sabtida (berito) ku biiraan ergada Jabhada SNM-ta uga qeybgeleysa shirkaa qaahira ka socda.

Muuse Biixi iyo dhiigyacab Ina Kaahin iyo dhamaan dadka u xamaasadeysan qadiyada cunsiriyada iyo naceybka ku dhisan ee SNM-ta madaxmartey ee ah dhul aysan lahayn goosaho ku qarwidiisa ayaa la sheegey iney ka careeysan yihiin hadalkii dhawaan Ismaciil Cumar Geelle uga hadlay qadiyadda goosasho ku qarawda ah, mar uu wareysi siinayey wargeys dalka Faransiiska kasoo baxa, ayaa ka dhoofay Magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia halka ay hore uga dhoofi jireen dalka Djibouti.

Madaxweynaha Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wargeyskaa u sheegay in Somaliland horaantiiba qaldantay oo Calan iyo lacag sameeysatay iyadoo aan ictiraaf Caalamiya heysan taas oo ka dhigan sida uu sheegay: “Inay gaadhiga iyo dameerkii jiidi lahaa isweydaariyeen, oo gaadhigii ka hormariyeen Dameerkii la rabay inuu jiido gadhiga”

 

Allssc newsdesk.

 

London

 

allssc@hotmail.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=19270

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Weftigii Wasiirka Arr. dibadda oo Caawa ka ambo-baxay Nairobi una Kicitimay dalka Masar

December 23rd, 2011 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ee uu weheliyay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Kenya, ayaa caawa ka dhoofay Magaaladda Nairobi una kicitimay dalka Masar oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah dawladda dalkaasi.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo caawa intii aanay ka dhoofin madaarka Nairobi khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org,waxaanu ka waramay kulan balaadhan oo maanta si wada jir ah magaalada Nairobi kula yeesheen Safiirradda wadamada reer galbeedka u fadhiya Kenya kuwaasi oo ay ku jiraan safiirradda dalalkoodu Somaliland ka taageeraan horumarinta dimuqraadiyadda.

 

“Waxaanu Nairobi kula yeelanay kulan balaadhan oo wada jir ah safiirradda iyo dublamaasiyiinta dalalka reer galbeedka u fadhiya dalka Kenya, waxaanay u badnaayeen dalalka Somaliland ka taageera Gedi-socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, waxaanu uga waranay xaalada guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyadda,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inay arrimihii ay kala hadleen safiirraddaasi ay ka mid ahaayeen sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamadooda.

“Waxaanu uga waranaysida Somaliland uga go’an tahay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto horaanta sanadka fooda inagu soo haya ee 2012-ka,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

 

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu sheegay inay kulan la yeesheen qurbo jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya, waxaanu xusay inay warbixin dheer ka siiyeen xaaladda dalka, iyagana ka dhegaysteen tallooyinkooda la xidhiidha dhismaha qaranimadda Somaliland waxaanu carabka ku dhuftay inay u gudbin doonaan xukuumadda.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo aanu weydiinay inay magacaabeen Wakiilkii cusbaa ee dalka Kenya, waxa uu sheegay inaan wali qof cusub loo magacaabin jagadii uu baneeyay Marxuum Maxamed Indhobuur oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya,waxase uu xusay in Ku xigeenkiisii uu sii wado shaqadii xafiiska Somaliland.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Duufaan;767216 wrote:
Niman uu horkacayo
Wiilka dhaqan celiska ah ee ay SNM-tu ku sheegto inuu arimaha dibada u qaabilsanyahay
Mohamed Bajaaj iyo kuwo kale oo looga darey Hargeysa iyo dad ka tirsan hayadaha kala duwan ee Dowladda Federalka KMG ayaa shir qarsoodiya uga furmay Magaaladda Qaahira ee dalka Masar sida laga soo xigtey xubno ku sugan magaalada muqdisho una dhuun daloola arima dawlada tamarta daran ee xamar ku sugan.

 

Ergada dawlada Labada Shariif ayaa la xaqiijiyey inuu horkacayo xildhibaan Mohamed Omar Dalxa Dhaqancelis, halka Mohamed Bajaajna uu kulanka qarsoodiga ku wehliyo ninka madaxtooyada u qaabilsan Siilaanyo ee lagu magacaabo Xersi Xaaji Cali.

 

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegayaa sida dadka loogu sheegey inay uga wada hadlayaan shirka Magaaladda London ka dhici doono 23 Febaury 2012 ee Dowladda Ingiriiska ku casuuntay garabyadda maamulada ka jira wadanka Somalia, waxaase laga yaabaa iney jiraan ajendayaal qarsoon oo loogu adeegayo kala gooynta wadanka.

Shirkan qarsoodiga ah ee Dowladda labada Shariif iyo
ergada SNM-tu ku
leeyihiin Qaahira ayaa la rumeeysan yahay inuu qeyb ka yahay hindisaha cusub ee Dowladda Ingiriiska ku dooneyso in ay garabyada soomaalida ku qanciso in
beesha Isaaqa dawlad loogu citiraafo dhul beelo kale oo soomaaliyeed leeyihiin.

ninka sheegta gudoomiyenimada
waxa ay ugu yeedhaan xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo
Dhiigyacab
Ina Kaahin ayaa lagu wadaa inay maalinta sabtida (berito) ku biiraan ergada
Jabhada SNM-ta
uga qeybgeleysa shirkaa qaahira ka socda.

Muuse Biixi iyo
dhiigyacab
Ina Kaahin iyo dhamaan dadka u xamaasadeysan
qadiyada cunsiriyada iyo naceybka ku dhisan ee SNM-ta madaxmartey
ee ah dhul aysan lahayn goosaho ku qarwidiisa ayaa la sheegey iney ka careeysan yihiin hadalkii dhawaan Ismaciil Cumar Geelle uga hadlay qadiyadda goosasho ku qarawda ah, mar uu wareysi siinayey wargeys dalka Faransiiska kasoo baxa, ayaa ka dhoofay Magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia halka ay hore uga dhoofi jireen dalka Djibouti.

Madaxweynaha Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wargeyskaa u sheegay in Somaliland horaantiiba qaldantay oo Calan iyo lacag sameeysatay iyadoo aan ictiraaf Caalamiya heysan taas oo ka dhigan sida uu sheegay: “Inay gaadhiga iyo dameerkii jiidi lahaa isweydaariyeen, oo gaadhigii ka hormariyeen Dameerkii la rabay inuu jiido gadhiga”

 

Allssc newsdesk.

 

London

 

 

Short URL:

Duufaan, do you actually read this kind of garbage?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this