Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso District Government Opens New Irrigation System At Riyi Heshay. Pics

Recommended Posts

Dr_Osman   

Maamulka degmada Boosaaso oo xariga ka jaray Mashruuc ay Hay’adda CEFA ka fulisey deegaanka Riyi-heshay [sawiro]

 

Updated:- 30 mins ago| 0 Commnets

 

Waxaa maanta xariga laga jaray Mashruuc ay in mudo ah soo wadey Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA kaas oo Kanaalo biyuhu maraan loogu sameynayey qaar kamid ah deegaamada Beeraha leh ee gobolka Bari.

 

Mashruucaas oo ahaa mid ay fulinaysay Hay’adda CEFA oo taageero dhaqaale ka heleysa midowga Yurub ayaa waxaa laga hirgeliyey deegaanka (Riyi-heshay) oo qiyaastii 10-km dhinaca koonfureed magaalada Boosaaso kaga beegan.

 

Munaasabadii maanta Mashruucaas xariga looga jarayey oo ka dhacday isla deegaanka (Riyi-heshay) oo ku yaala togga Baalade ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo madax kale oo ka socotey Wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland iyo Hay’dda CEFA.

 

Mas’uuliyiintii maanta halkaas joogeyna waxaa kamid ahaa ku-xigeenka duqa degmada Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada.

 

Sidoo kale waxaa iyana goobta Mashruucaas lagu soo xirayey goob joog ahaa Mas’uuliyiin ka socdey Hay’adda CEFA oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska xiriirka iyo maaliyada Bashiir Siciid Ismaaciil, Madaxa tababarada Cabdiqaadir Barre Daalib iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo ah khabiir ku takhasusay beerashada timirta kana tirsan Hay’adda CEFA.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay ku-xigeenka duqa degmada Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed wuxuuna u mahad celiyey Hay’adda CEFA isagoo sheegay in Mashruucani uu yahay mid aad u qiima badan bulshada deegaanka (Riyi-heshayna) wax ku ool u ah.

 

Siciid Maxamed wuxuu intaas raaciyey in loo baahan yahay in Beeraleydu ay isku duubni muujiyaan si ay wax qabad muuqda ula yimaadaan dowladuna ay diyaar u tahay in wixii awoodeeda ah ay ku taageerto si loo kordhiyo wax soo saarka dalka.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland Cabdirashiid Maxamed Siciid oo isna halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay Beeraleyda deegaanka (Riyi-heshay) inay ka faa’iideystaan biyaha uu eebe deegaankooda ku mineystay.

 

Agaasimuhu wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata xusay in loo baahan yahay in Beeralaydu ay kordhiyaan tacabkooda wasaaraduna ay ku dadaaleyso sidii ay uga taageeri lahayd dhinacyada ay u baahan yihiin in wax lagala qabto.

 

Intaas kadib waxaa Hay’ada CEFA mas’uuliyada kanaalkaas cusub ku wareejisey Guddiga Beeraleyda ee (Riyi-heshay) oo uu metelayey Xareed Maxamuud Aadan wuxuuna sheegay in ay xil iska saarayaan sidii ay u dhowri lahaayeen una dayac tiran lahaayeen hadiiba ay waxyeelo ku timaado.

 

Xareed Maxamuud ayaa docda kale codsaday in qayb kamid ah Kanaalka isha biyaha ee (Riyi-heshay) kasoo baxa oo aan dhisneyn loo dhiso iyo weliba in loo sameeyo Berked weyn oo ay biyaha qul qulaya ku kaydsadaan.

 

Hirgelintan kanaalkan oo dhererkiisu yahay 1.2km haseyeeshee 600m oo ka mid ah ay Hay’ada CEFA dhistay ayaa qayb ka ah Mashruuc lagu horumariyo Beeraha gobolka Bari korna loogu qaadayo tabcashada beeraha iyo tayada wax soo saarka dalka kaas oo ay in mudo ah soo wadey Hay’adda CEFA soona bilowday July/2010 kuna eg June/2013.

 

Maalin nimadii jimcaha ee lasoo dhaafay ayeyna hayd markii sidan oo kale ay Hay’adda CEFA labo kanaal oo dhererkoodu kala ahaa 230m iyo 520m ay ugu wareejisey Beeraleyda degmada isku shuban Mashruucaas oo ay isgana maalgelisey Hay’ada cunada aduunka ee FAO.

 

Maxamed Salaad Xaajir Dirir

 

Horseed Media

 

Boosaaso

 

radiohorseed@horseedmedia.net

 

CEAF-1-1.jpg

CEAF-1-2.jpg

CEAF-1-3.jpg

CEAF-1-4.jpg

CEFA-2-1.jpg

CEFA-2-5.jpg

CEFA-3-2.jpg

CEFA-4-2.jpg

CEFA-4-3.jpg

CEFA-4-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Good to see and I know this project included irrigation systems for karkaar and nugaal region!!! looking forward to their opening. Ku dayo puntland ku dayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

Lol Doctor, the puntlanders here don't like to brag, like our brothers next door. That's why we don't flood any thread with Puntland in the title.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Impressive irrigation system. Maanshallah, well done.

 

Hope all tuulo's in the Somali penisula copy that, even those that are jelous.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this