Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Will the real Gaandi stand up baliis?

Recommended Posts

BAAQ NABADDOON

 

Shir ay isugu yimaaddeen xubnaha ka tirsan ururka "Kooxda u

Hawlgalka Nabadda iyo Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Yurub"

bishan Juun 1-3, 1994, waxay soo jeedinayaan baaqan nabadeed ee

hoos ku qoran:

 

Gogol dhig:

 

Muddu hadda afar sano ku dhawaad ah, ummadda soomaaliyeed waxay ku

sugantahay xaalad lagu tilmaami karo, hoog iyo haantaawilif, ama

haad geed waayey; boqollaal kun baa la laayey, boqollaal kun baa

cudur iyo dan darro u dhimatay, hal iyo bar ilaa laba malyan dad

lagu qiyaasay, ayaa dalka ka firdhaday kuna kala baahsan maanta

adduunka afartiisa geesood, dhibaatooyinka haystana aan qoraal iyo

hadal midna lagu soo koobi karin. Kumaankun kalana meel ay ku

suganyihiin lama yaqaan.

 

Qarankii Soomaaliyeed waa burburay, xeer dawladeed, mid diineed, iyo

mid dhaqanba waa laga tillaabsaday, dalkiina wuxuu gacanta u galay koox

intaba caydh ka ah. Dadkii soomaaliyeedna inta dalkii ku hartay, iyaga

ayaa cudhaadh u haysta; dhaqaalihii dalka mid dawladeed, iyo mid dad

weynaba waa la baabi'yey Warshado, Maashaariic iyo Beero, Dugsiyo,

Xafiisyo iyo is gaadhsiin, dhismo caafimaad, taallooyin qaran iyo goobo

taariikhi ahba, kayd qoraal cilmi ah iyo cajalado dhaqan iyo taariikh;

intaaba maanta waxba kama noola. Qarankii soomaaliyeedna maanta

jiritaankiisii baa halis ku jira.

 

Beelihii soomaaliyeed waxaa laysugu diray Koox Koox, Reer Reer iyo Qof Qof;

waxaana maanta in badan oo ka mid ah la gaarsiiyey heer wax xira iyo wax ay

ka caagganyihiin midna aysan jirin. Waa dhaqan guur aad u qoto dheer, waana

dhibaatada ugu weyn ee shacbi ku imaan karta.

 

Inkasta oo dhibaatadaa aan kor ku soo xusnay ay shacbiga soomaaliyeed ku

habsatay, haddana ma yarayn dadaalka la sameeyey dalka gudihiisa iyo

dibaddiisaba, si xal meel mar ah loogu helo dhibaatadaas.

 

Dalka gudihiisa:

 

Waxaa si joogta ah intaas uga socday dalka gudihiisa shirar iyo kulammo

xal nabadeed lagu raadinayay, haba ku dhisnaadeen badanaaba qaab qabiile,

waxaana ka mid ahaa:

 

- Berbera 1992.

- Boorama 1993.

- Kismaanyo 1993 iyo 1994. - Garoowe 1994.

- Xamar 1994.

- Boonkay 1994.

 

Dalka dibaddiisa:

 

Waxaa la dhisay ururro dalka dibaddiisa ka jira

oo aan kooxna ku tiirsanayn kuna shaqaynaya fikrad iyo mabaadi' Qarannimo

in badanna isku hawlay xal u helidda dhibaatadaas; Ururradaas dibdjoogta ah waxaa ka mid ah: - Kooxda u hawlgalka nabadda iyo dib u

heshiisiinta Soomaaliya - Yurub (Groupe d'action pour la paix et la

rconciliation en Somalie - Europe), 1992. - Ergo - North America, 1992.

- The somali challenge: Peace, Resources, and Reconstruction, 1992, Geneva

iyo U.S.A. - Somali Canadian Youth Society, 1992, Ottawa, Canada. - Golaha

wax Garadka Soomaaliyeed (Somali Intellectuals Forum) 1993, Addis Ababa,

Ethiopia - Guddiga isku dubba ridka ururrada soomaaliyeed ee jarmalka

(Coordination committee of somali organization in Germany) 1993, Bonn,

Germany.

 

Shirka ay abaabuleen ururrada dibadjoogta ah:

 

Ururradaasi waxay abaabuleen kulammo shirar, doodo meelo kala duwanna

lagu kala qabtay, kullina loogu gogol xaarayey xal u helidda dhibaatada

soomaaliyeed, shirarkaas iyo kulammadaas waxaa ka mid ah: - Kulankii Roma,

15-19 Febraayo 1991,( Forum Roma 1991). - Kulankii Paris "Dagaalka sokeeye

ee soomaaliya: goorma? sidee? maxaa keenay?" Paris 7-8 Abriil 1992,

(Forum Palis 1992) . - The Somali Challenge: Peace, Resources, and

Reconstruction, Geneva 10-14 Luuliyo 1992. - Kulankii nabadda iyo dib

u dhiska soomaaliya, Paris, 15-17 Abriil 1993, (Fol~um Paris 1993). The role of the United Nation in Somalia, present crisis and possible solutions"; Ottawa, 13-14 Agosto 1993. - "Somali studies",

SOAS London, 23-25 Sebtembar 1993. - "Somali studies", Worcester &

Boston, Disembar 1993. - Somali contribution to peace and Reconstruction,

Bonn, 11-14 Maarso 1994.

 

Ururrada caalamiga ah iyo waddamada saaxiibka la yahay:

 

Ururrada caalamiga ah iyo dawladaha saaxiibka la yahay waxay iyaguna

xil weyn iska saareen xal u laadinta dhibaatada soomaaliyeed; waxaa

ka mid UruIka Qarammada Midoobay, Ulurka Midowga Afrika, Kulanka

Islaamka, Suuqa Baayac mushtariga reer Yurub, Dawladaha Djibouti,

Etoobiya, Keenya, Masar, Maraykanka iyo Talyaaniga, kuwaasoo

abaabulay shirar iyo kulammo ay ka mid yihiin:

 

- Jabuuti, jJuun iyo Luuliyo 1991.

- Seychelles, 1992. - Addis Abeba, Jannaayo, Maarso iyo Nofeember 1993.

- Qaahira, Abriil 1994. - Nairobi, May iyo Juun 1994.

 

Intaas oo dadaal ah oo la sameeyey haddana weli nabad waa la xasilin

la'yahay; waxaana laga xasilin la'yahay Koox yar oo hubaysan, dan

dhaaqaalo iyo mid siyaasana ugu jirto in dagaalku waaro haddaan

xukunku gacantooda gelin.

 

Xaaladdan oo kalana, murtiyo soomaaliyeed ayaa ku soo arooray, waxaana

ka mid ah Maahmaahdan afarreyda ah:

 

"Colaad waa mahtalako

waanwaan baa u miciin ah

nabad baa ka macaan

waxaynase waxba ugu fillayn nin dhagar galay"

(Mursal Saddexle)

 

Arintaa raagtay oo xal degdeg ah u baahan, qaabka ay tahayna ku buuxda

maahmaahda soomaaliyeed ee odhanaysa ®Ceelna uma qodna cidna uma maqna,"

shirar dhaqan, codsiyo la baahsho, iyo tuugmo shisheeye wax yar bey ka

tari karaan; sidaas awgeed waa in dadka soomaaliyeed ee wax garadka ah

ay la wareegaan xilkooda, si toos ah oo nafti huridnimo ahna ugu

istaagaan badbaadinta dalkooda iyo wixii ka haray dadkooda. Haddaba

su'aasha imanaysa waxaa weeye: Soomaaliya maxay maanta u baahantahay?

Jawaabta kooban ee su'aashaas waxay noqonaysaa:

 

- Xasilin hadda ah .

- Badbaado .

- Dhismo nabad gelyo.

- Is afgarad heer qaran.

- Dhismo hay'ad "Ku meel gaar ah" ee maamul iyada oo laysla oggolaaday

dhawr mabda' oo guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mabaadi'daas guud waxaa ka mid ah:

 

-1) In aan garwaaqsanno in ay soomaalidu, dibedda iyo gudahaba ay u soo

jeedsato ayna toos ugu hawlgasho badbaadada dalkeeda; iyo taabbo gelin

nabad waarta.

-2) La noqoshada ciidammadii qal biga (Reer galbeedka), waxay inoo

muujinaysaa in Soomaaliya iyo Geeska Afrika toona ayan culays ku lahayn,

halbeegyada istaraatiijiga ama dhaqaalaha dalalka hora u maray, sidaas

awgeed, waxgaradka soomaaliyeed meel kastuu joogaba waa in dhab uu u

fahmaa khatarta ay dalkiisa iyo qarannimadiisuba kaabiga u saaranyihiin.

 

Tillaabooyinka degdegga ah ee loo baahanyahay:

Marka tan hore si fiican loo garto waxaa ka mid ah:

 

-1) In ururrada dibed joogta ah ee kor ku xusan ay meel isugu biyo

shubtaan, si ay u yeeshaan cod iyo karti mid ah.

-2) In laysku tashado siyaaso iyo dhaqaalaba.

-3) In la garawsado tanaasulaad kasta oo lagama maarmaan noqda si nabad

iyo heshiis waara loo gaadho.

-4) In ay laba halhays marwalba qof kasta oo soomaaliyeed ay maskaxdiisa

ku jiraan, "Haddaan adiga ku waayey anna lumay" iyo "Waxaad rabto

haddaad weydo waxaad ka badin weydaa la yeelaa".

-5) Heerka la marayo maanta waxaa lagama maarmaan ah in si camali ah loo

dhaqmo - camali waxaa ah in aan is ururinno, beenta, jactadka iyo qar

iska tuurka daynno. In kastoo wax isku kaanna khasbikaraa aanu jirin

haddana dalkeennu waa nagu filanyahay, danteennuna ma kala bixi karto.

-6) Dagaalka sokeeye wuxuu keenay kala firir dad iyo mid aragtiyeedba,

taasoo keentay in naloo arko ummad aan garasho iyo garawshi midna lahayn,

si fiicanna loo xidid siibi karo.

-7) Waxaa loo baahanyahay in wax garadku isku noqdo, islana meel dhigo

inaan jiriddoonno iyo in, sidii baadi aan cidi lahayn, naloo qaybsado.

 

Waxaan soo jeedinaynnaa, in ururrada dibed joogta- ah dad ka matilaya,

degdeg ay isugu yimaaddaan (ugu dambays 30 ka luuliyo 1994), meel alla

meeshii la filayo in laga helayo tas-hiilaadka loo baahanyahay.

Shirka ergooyinkaasi isugu imaanayaan waa in lagaga gun gaadho afar

arrimood:

 

-1) Habkii iyo magacii guud ee ururradaasi wadajir ugu hawl geli lahaayeen.

-2) Sidii loo samayn lahaa dawlad, ama maamul dhexe, ee ku meel gaadh ah.

-3) Sidii ugu habboon ee loo adeegsan karo siyaasadda Qarammada Midoobay

ee soomaaliya ku wajahan iyo ciidammadooda dalka jooga.

-4) Sidii ururkaasi u samaysan lahaa saldhig dhaqaale uu ku hawl galo

(dhigaal, qaaraan, hagbad iyo deeq).

 

Jawaab degdeg ah. Intaa iyo tu san.

 

Fiiro gaar ah:

Baaqani waa u fidsanyahay guud ahaan waxgaradka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Xiriiriye

 

Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)

 

3, rue du Languedoc,

Appartemnt 016,

25000 Besanon, France

tl: 81-52-34-96

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;764186 wrote:
BAAQ NABADDOON

 

 

Dalka gudihiisa
:

 

Waxaa si joogta ah intaas uga socday dalka gudihiisa shirar iyo kulammo

xal nabadeed lagu raadinayay, haba ku dhisnaadeen badanaaba qaab qabiile,

waxaana ka mid ahaa:

 

- Berbera 1992.

- Boorama 1993.

- Kismaanyo 1993 iyo 1994. - Garoowe 1994.

- Xamar 1994.

- Boonkay 1994.

 

Dalka dibaddiisa
:

 

Waxaa la dhisay ururro dalka dibaddiisa ka jira

oo aan kooxna ku tiirsanayn kuna shaqaynaya fikrad iyo mabaadi' Qarannimo

in badanna isku hawlay xal u helidda dhibaatadaas; Ururradaas dibdjoogta ah waxaa ka mid ah: - Kooxda u hawlgalka nabadda iyo dib u

heshiisiinta Soomaaliya - Yurub (Groupe d'action pour la paix et la

r‚conciliation en Somalie - Europe), 1992. - Ergo - North America, 1992.

- The somali challenge: Peace, Resources, and Reconstruction, 1992, Geneva

iyo U.S.A. - Somali Canadian Youth Society, 1992, Ottawa, Canada. - Golaha

wax Garadka Soomaaliyeed (Somali Intellectuals Forum) 1993, Addis Ababa,

Ethiopia - Guddiga isku dubba ridka ururrada soomaaliyeed ee jarmalka

(Coordination committee of somali organization in Germany) 1993, Bonn,

Germany.

They left out the Mother of all Peace Conferences, Burco May 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Is this the same Ghaandi as the one leading Azania?

 

So he had his own peace caravaan back in 1994 and now he is the President of Azania. There is stil hope for Xiin then. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this