Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mahiga on Somaliland

Recommended Posts

Augustine Mahiga ayaa wuxuu Beesha Caalamka uu ugu baaqay inay aqoonsato Xukuumadda Somaliland oo dooneysa in la-aqoonsado, isagoo sheegay in Somaliland ay heysato wax walba oo wanaag ah.

 

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Somaliya Dr Augustine Mahiga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Somaliland ay u qalanto in loo-aqoonsado Dowlad gaar ah.

 

Dr Augustine Mahiga ayaa wuxuu tilmaamay in Somaliland ay ka jirto nabad iyo kala dambeen, ayna Somaliland tahay Dowlad ku dhisan cadaalad iyo kala dambeen, isagoo tilmaamay inay mudan tahay inay noqoto Dowlad madax banaan.

 

Hadalkaan ayaa wuxuu Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Somaliya Dr Augustine Mahiga uu ka jeediyay, shir looga hadlaaya Xoojinta Ammaanka Somaliland, oo ay ka soo qeyb galleen ururo kala duwan sida, Qaramada Midoobe, Midowga Afrika iyo kuwo kaloo badan.

 

Caalamka ayaa wuxuu ugu baaqay in Somaliland laga taageero wax walba oo ay dooneyso, isagoo intaasi ku daray in maanta nabadda Somaliland ka jirto ay tahay mid aad u wanaagsan, oo ay dadka oo dhan u riyaaqeyn, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Hadaba hadalkaan ka soo yeeray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Somaliya Dr Augustine Mahiga, oo u muuqda mid xasaasi ah, ayaysan weli ka hadlin Dowladda Somaliya.

 

 

Bacaaac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaano si kulul u cambaareeyay Mahiga

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay si aad ah ugu cambaareeyeen hadal shalay kasoo baxay Ambassador Augustine Mahiga oo ku aadan in Somaliland ay mudantahay in la aqoonsado.

 

Xildhibaanadaani ayaa waxa ay tilmaameen in Mahiga uu yahay mid xilligaani kala qo qob siyaasadeed ka wada dalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Xukuumadda KMG Soomaaliya si deg deg ah looga baahanyahay inay qaadato go’aan ka dhan ah Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

 

Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo kulanka kasoo jeediyay qudbad xasaasi ah ayaa waxaa uu sheegay inay si aad ah u cambaareynayaan hadalkii shalay kasoo baxay Augustine Mahiga xilli uu qudbad ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Hargaysa, isagoo tilmaamay in uu yahay cadowga Umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

Xildhibaan Cabdi Xaashi oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in go’aan laga qaato Augustine Mahiga, isagoo ku tilmaamay in Mahiga uu yahay mid caqabad ku ah dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn Xildhibaanadii kale ee ka hadlay kulanka ayaa gabi ahaantooduba waxaa ay isku raaceen in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah oo lama taabtaan ah, iyagoo tilmaamay in Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah looga baahanyahay iyo shacabka Soomaaliyeed inay ilaaaliyaan midnimadaasi ayna ka shaqeeyaan sidii la’isugu keeni lahaa dhinacyada Soomaaliyeed.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Somali, Both the video and the audio have been edited. Carefully watch and listen to it specially 0:50.

 

Mahiga oo Garowe tagay isagoo Hargeysa ka baaqsaday

 

 

Kn: Wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Hargeysa shalay laga filayay kulan amaanka looga hadlayay ayaa ka dagay Garoowe.

 

Kulanka Hargeysa ka dhacay ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Somaliland iyo saraakiisha ciidanka Somaliland, erga ka socotey IGAD iyo Qaramada Midoobey, laakiin Danjiro Augustina Mahiga oo ay ahayd in uu shirkaasi furi ayaanan halkaasi tagin sababo aanan la sharixin dartood.

 

Hargeysa badalkeeda waxa uu ka dagay Garoowe halkaasi oo uu kulan la yeeshey madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

 

Waxyaabihii ay ka wadahadleen waxaan ka mid ah xiliga la qabanayo shirka Tubta Toosan (Road Map), kaasoo lagu heshiiyey in la qabanayo 15-ka bishan December.

 

Waxaa jira isfaham waa u dhaxeeya Somaliland iyo Mahiga oo la xiriira arimo badan oo ku saabsan siyaasadda guud ee Soomaaliya.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Thanks Zack, I know secessionists are desperate, but also this Mahiga is very bad for Somalia, and must be stopped.

 

Sidi maqaaxi u leyahay buu meesha u maamulaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Som@li;763390 wrote:
Thanks Zack, I know secessionists are desperate, but also this Mahiga is very bad for Somalia, and must be stopped.

 

Sidi maqaaxi u leyahay buu meesha u maamulaa...

Agree bro, the man aint in it for the good of Somalia but he is not that ****** to utter such non-sense.

 

Xaaji DHagax, whatever message you are trying to send through we can't see it. the link you posted is broken.

Share this post


Link to post
Share on other sites

dee warku wu jira the man said Somaliland way u qalanta in la aqoonsado wa waxa xildhibaanada TFG ay u qeylinayan

 

Mahiga is just a minor factor wax ka sugidisa wax micno weyn noogu ma fadhido nerveless waxanu so dhaaweyneyna ciidi tegeereysa madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this