Sign in to follow this  
Coofle

Geesigii u danbeeyay oo la Qafaashay

Recommended Posts

Coofle   

====Geesigii u danbeeyay oo la Qafaashay =====

 

"Magac bilaash uma baxo" Mudane Saif-Al Islaam oo ah Cagabaruur uu dhalay Aarkii Mucamar al Qadaafi, Ayaa maalin dhawayto Maleeshyadii Reer galbeedku Majaraha u hayeen Qafaashteen Xilli uu ku hawlanaa Dib u xoraynta Reer Liibiya.

 

Hadi iyo Jeer Hogaamiyuhu Waxa uu muraayad u yahay dadka uu u taliyo, Hadii Mucamar iyo Wiilkiisu Xunyihiin Macnaheegu waa Dadka ayaa xun, Hadii ay wanaagsanyihiina Dadka ayaa Wanaagsan.

 

Reer Liibiya dhaayahaygu ma arag, Dhudhunkana ma saarin arladaas, Laakiin sidaan ku tiri ku teen ku maqlay waa Dadyaw geesinmada iyo kartida u ah bu' ay ka burqato. Waa dadyaw Eebe ku Beeray dhul aan geed gaab iyo jeerin midkoodna ka bixin, Waa dhul nin La Inkaaray oo karaahi la liicliicaya la geeyo. Dadkaasu dhulka Caynkan ah ayay boqolaal sano ku noolaayeen una carbiyeen sidii Dibi beer lagu qodi rabo.

 

Dadka noocaas ah ayaa waxa uu soo baxay If Xilli ay mugdi heehaabayeen, Waxa rumawday dhalanteed ay arkayeen, wax ay hollanayeen oo laabtoodu muhanaysay ayay arkeen. Mucamar Al Qadaafi ayaa noqday naakhuudyihii reer Liibiya badwaynta jahwareerka ka saari lahaa una Gudbin lahaa dhinacaa iyo Xeeliga horumarka.

 

Mucamar Shinni Daahira ayuu arladan dhigay, Waa saif al islaam oo isagu xambaaray magaca baaxadaas leh, Waa nin Hadii aqoon la sheego isagu kasbaday furayaasheeda, Hadii geesinimo la sheego Waa nin indhihiisa raggu ka gariiran, Nasabna waa nin uu dhalay Mudane Mucamar Al qadaafi.....

 

LA soco qaybta danbe.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this