Sign in to follow this  
Siciid1986

Kullan Balaadhan oo Ardeyda Reer Hargeysa ee Ku Xidhan( .solagroups.com) ay uqabteen C/naasir Solla.

Recommended Posts

Kullan Balaadhan oo Ardeyda Reer Hargeysa ee Ku Xidhan (www.solagroups.com) ay uqabteen C/naasir Solla.

 

 

 

 

Hargeysa: Kulan aad u balaadhan oo ay u qabteen qaar ka mid ah Ardayda reer Hargeysa ee sida tooska ah ugu xidhnaa Macalinka IT-ga ee Abdinasir Ismail Sola oo iska leh Shabakada Barashada Cilmiga Technology-ga (www.solagroups.com) ayaa laguq abtay Hoteelka Maansoor oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

 

Cabdinasir Ismaciil waxa uu caan ku ahaa sanadihii ugu dambeeyay inuu si taba ruca usiiyo Ardyada kuguda jirta Waxbarashada Cilmiga IT-ga si Free ah Barta Internet-ka Coursooyinka ku saabsan Guud ahaan cilmiga IT-ga sida (Networking-ka, Programming-ka, Troubleshoot –ka, & Web Design-ka iwm) Ardaydaas oo ku kala nool Aduunka daafihiisa.

 

Cabdinasir Iscmacill oo dhawaan soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa hebaankii xalay waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee uu si toos ah ula qaato qaarka mid ah Ardeyda reer Hargeysa kuwaas oo kulan aad u qurux badan ugu sameeyay Hotel Maansoor, kulankaas oo Macalinku ardaydiisa ugu mahad naqay tan iyo imaanshihiisa Hargeysa oo si qiimo leh loogu soo dhaweeyay Magaalada hargeysa oo ah markii ugu horeysay ee uu yimaado.

 

Furitaankii Munaasibada ayaa Macalinku aad ugu mahad naqay sida qiimaha leh ee Ardeydiisu isku soo Abaabuleen, gaar ahaan Siciid Mire & Adnaan Suldan Hassan oo ka mid ah Ardeyda soo abaabushay kulankan.

 

Waxaana Macalinku kulankaas arday ku siiyay Lecture ay aad ula dhaceen ardaydiisu oo ku saabsanaa Guud ahaan Faa’iida ay lee dahay Aqoonta IT-gu, Lecture-kaas oo uu macalinku waday mudo 3saacadood ah, ayaa gabagabadii ardeydu macalinka halkaas ku waydiiyeen su’aalo kala gedisan oo ku saabsanaa It-ga.

 

Cabdinasir Ismail ayaa si qoto dheer uga hadlay Casrigan iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Aqoonta IT-ga, isagoo sheegay in waliba si xawli ah ku socdo horumarka IT-gu oo maalin walba wax cusub soo baxaan.

 

Intii kulankani socday waxa uu Macalinku si weyn ugu soo bandhigay faa’iidooyinka cilmiga IT-ga iyo sida uu u noqday baahiyaha lama huraanka ah ee adduunka iyo heerka uu isticmaalkiisu ka taagan yahay maanta Somaliland inuu aad u hooseeyo loona baahan yahay, halkii halkaas looga Ardyadu uga sii amba qaadi lahaayeen.

 

Waxa kale oo Cabdinasir kula dardaarmay ardadiisa inaanay marnaba ka daalin ama ka caajisin barashada cilmiga IT-ga, waxanuu tusaale ugu soo qaatay oo uu yidhi, aniguba waxaan hada lee yahay macalin Jasaa’iri ah oo la yidhaa Abdul Malig, sidaas darted marna haka caajisina inaad maliin walba wax korodhsataan.

 

Ardeyda ayaa aad ugu dhagtaageysey Macalinka oo ay u ahayd markii ugu horeysay ee ay si toos ah u soo hor istaago oo muuqiisa & maqalkiisaba ay arkeen, iyagoo awel macalinka codkiisa uun barta Internetka si toos ah ugala osocon jiray.

 

Waxaana Macalinku Ardaydiisa halkaas ku siiyay inka badan data gaadhayso 1TB oo isagu jirta casharo & Software uu hadyad ahaan ugu soo talo galay Ardeyda reer Hargeysa.

 

Waxaana Gabagabadii Xafladaas ay Ardeyda ka soo qayb gashay ay sawiro la galeen macalinkooda oo aad ka dareemaysey xiiso aad u weyn oo ay u ahyeen macalinkooda, iyagoo oo kala boobayey inuu ardey walba uu doonayey inuu sawir lagalo Macalinkiisa.

 

 

DSC01516.JPG

 

 

383851_2599772915522_1290756382_3003065_

 

380254_2599747794894_1290756382_3003036_

375341_2611284083294_1290756382_3008603_

 

 

389096_2628043422267_1290756382_3016147_

 

377500_2628028261888_1290756382_3016131_

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this