Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government solves blood feuds in the Sanaag region all Communities in agreement.

Recommended Posts

A_Khadar   

burahadeer;757454 wrote:
Minnesota is a divided city,very soon some will claim.Alla yaa u sheega maraykanka.

Minnesota isn't a city... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Beesha Koonfurta Ceerigaabo oo Iclaamisay nabadgelyo iyo kulan ay yeesheen weftigii Xukuumadda

Both sides will spin this story in a way that favors their agenda. Secessionists will no doubt try and sweep it under the carpet and claim that peace has already been achieved. But one thing is clear, South Ceergaabo has issue's with security. Which in turn dispels the notion that NW Somalia is an oasis of so called peace or immune to the problems facing other area's of Somalia.

 

Who can actually say that these so-called security forces do not resemble a militia?

 

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=zMm_YcMLaQs#!" frameborder="0" allowfullscreen>

 

The TFG looks more professional.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;757726 wrote:

Writing in Caps lock, with red font won't make any difference. lol As for this Cali-Baashe you hold so closely to your heart, he means nothing, I repeat NOTHING to SSC. He doesn't represent us, he is simply doing what he's professionally good at and that's making money from the SNM, by saying things that favor them.

 

South and East Ceerigaabo, home sweet home !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaannu Leenahay Miisaaniyad u Gaar ah Nabadaynta ee Ma aha Wax Aannu Baryeyno Xukuumadda’

 

Fri 11th Nov,2011

Ergo nabadeed Guurtidu u dirayso Ceerigaabo oo Sabtida ka baxaya Hargeysa iyo waxa ka jira wararka sheegaya inay ilaa hadda u xanniban yihiin Wasaaradda Maaliyadda

 

“Waa run oo waa doorkayagii horena in aannu u tagno Ceerigaabo way ahayd, laakiin Ilaahay ayuun baan qadarin”

 

“Macno badan ma samaynayso in shaqadayadii cid kale qabato, wixii la qabtaana waa shaqo qaran oo la qabtay”

 

Waraysi khaas ah - Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah ergada Guurtida u baxaya Ceerigaabo

 

Hargeysa (Jam)- Ergo nabadeed oo ka kooban 11 xubnood oo Golaha Guurtida Somaliland u dirayo magaalada Ceerigaabo si ay uga qaybqaataan dedaallada nabadeed ee lagu qaboojinayo xiisadda dagaal ee ka oogan halkaas, ayaa la filayaa inay Sabtida berri ka ambabaxaan caasimadda Hargeysa.

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ah ergada Golaha Guurtida ee nabadaynta ugu baxaya magaalada Ceerigaabo oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay xalay, waxa uu sheegay in shirguddoonka golahoodu ku hawlan yahay ambabaxooda, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in ergadaasi Hargeysa ugu xanniban tahay dhaqaalihii safarkooda oo aan ilaa hadda ka soo dhammaan dhinaca Wasaaradda Maaliyadda.

 

Sida lagu faafiyey shabakadda wararka ee Ramaasnews, ergada Guurtida ee u baxay dhinaca Ceerigaabo waxay ilaa hadda u xanniban yihiin Wasaaradda Maaliyadda oo aan u oggolaan kharashka socdaalka.

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Jamhuuriya weydiiyey shalay waxa ka jira arritnaasi iyo xilliga ay u baxayaan Ceerigaabo, waxa uu ku jawaabay; “Horta sidaad sheegtay Golaha Guurtidu wuxuu go’aan ku gaadhay in ergo nabadeed loo diro magaalada Ceerigaabo oo shaqaaqooyin khasaare keenay ka dhaceen, shirguddoonka ayaana ku shaqo leh intay soo magacaabayaan iyo dhaqaalaha ay guddidaasi ku baxaysaba, hay’addan kalee xukuumadda (wasaaradda maaliyadda) ee aad leedahay waxbaa idin kaga xanniban.

 

Waxaannu nahay hay’ado wadashaqayn ka dhexayso oo isku dawlad ah, sabab iyo caqabad ergadayada loo horistaagaa ma taal, ugu dambayna waxaannu baxaynaa ilaa Sabtida, in wasaaradda maaliyadu dhaqaale noo diidayna waa dacaayad la faafiyey oo aanay waxba ka jirin, arrintuna weli waxayna ka soo dhammaan dhinaca shirguddoonkayaga, weliba waxay wadaan diyaarintii safarkayaga, wax caqab ah oo horyaallaana ma jiro,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed.

 

Mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsan maadaama oo aanay ilaa hadda hawlaha ambabaxoodu ka soo dhammaan dhinaca shirguddoonka inuu ka warhayo in ismari-waa dhinaca dhaqaalaha ah ka dhextaagan tahay wasaaradda maaliyadda iyo shirguddoonka golahooda, waxa uu ku jawaabay; “Horta annagu (Golaha Guurtida) waxaannu nahay gole miisaaniyad leh, markaa miisaaniyadda dalka ku leenahay waxa ka mid ah hawlaha aannu qaranka u hayno ee la xidhiidha nabadaynta, waxaanuna leenahay miisaaniyad u gaar ah dhinaca nabadaynta, markaa maaha wax aannu baryeyno xukuumadda oo leenahay lacag aannu ku baxno na siiya.

 

Annaga ayaa gole ahaan is maamulayna, wax naga awood badanna weli nagumay iman, markaa in annagu aannu kharashkii diyaarsano oo waxayaga qorshaysano ayuun baa la doonayaa, dhinaca xukuumaddana ama wasaaradda maaliyaddana inay nidaam ahaan u sii marto mooyaane wax kaloo nagaga xidhanna ma jiro.

 

Dawlad ahaan hannaan wadashaqaynaya ayeynu nahay ee ma nihin kooxo ama hay’ado is baryaya, laakiin dawlad qudha oo wadashaqaynaysa ayeynu nahay, waxa na hortaagana ma jiro oo waa dacaayado la faafiyey, shirguddoonkuna shaqadiisii ayuu wataa, xukuumadduna waa u diyaar inay sideeda u fuliso wixii hawl qaran lagu qabanayo.”

 

Waxa kaloo suldaanka la weydiiyey sababta Golaha Guurtidu uga gaabiyeen inay u gurmadaan sidii loo xallin lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay Ceerigaabo ee aanay ilaa xilligan ergo ugu dirin.

 

“Waa run oo waa doorkayagii, horena in aannu u tagno Ceerigaabo way ahayd, laakiin Illaahay ayuun baan qadarin, hannaanka dawladnimo ayaanna ah marka hore ee wax dhacaan inay tagaan oo ammaanka dawladda ayaa ka masuul ah, Golaha Guurtiduna marka la dhaafo shuruucda iyo hawlaha gole ee kale waxyaabaha uu u xilsaaran yahay waxa ka mid ah xallinta khaalaafaadka soo kala dhexgala beelaha.

 

Ceerigaabo marka hore waxa ku horreysay xukuumadda oo halkaas tagay; isku mid baanuna nahay oo haddii wasiirradu khilaafka dhammeeyaan waa wax loo baahan yahay, arrintana muhiimaddeedu in la dhammeeyo ayuun bay tahay ee in guurtidu dhammayso iyo in cid kale dhammayso looma kala eegayo, macno badana ma samaynayso in shaqadayadii cid kale qabato, wixii la qabtaana waa shaqo qaran oo la qabtay uun.

 

Ergadii hore ee xukuumadda ka socotay ee Ceerigaabo tagtay Ilaahay ma qaddarin inay khilaafka xalliyaan oo arrintii way soo laba kaclaysay, iminka ayuuna Ilaahay noo qaddaray in aannu tagno oo ka qaybqaadano xalka. Weftiga wasiirrada iyo waxgaradka kale leh ee hadda Ceerigaabo jooga Ilaahay wuxuu ku guuleeyeen inay wax badan ka qabtaan nabaddii, dhinacyadiina waxay ka soo qaadeen nabad.

 

Magaaladii Ceerigaabo nabad bay ka dhaliyeen, waxa hadhayna waa xaal-xaalkii iyo ammaankii guud, taas ayaanmu annaguna gacan ka gaysan doonaa, ilaa inta khilaafku dhammaanayo ee nabadda la adkaynayana waannu joogi doonaa Ceerigaabo,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergadii Golaha Guurtidda oo Maqribkii caawa u Ambabaxaday Ceerigaabo iyo xaalada magaaladaasi oo degan

 

Hargeysa(Waaheen) Ergadii Golaha Guurtidda ee ka qayb qaadanaysay Nabadeynta shaqaaqadii Ceerigaabo dhawaan ka dhacday ayaa goor dhaweyn Maqribkii ka Ambabaxday magaaladda Hargeysa, waxaanay u sii jeedaan dhinaca Ceerigaabo.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in ay baxeen isla markaana caawa sii guurayn doonaan isagoo sheegay in ay laba iyo toban xubnood ku tageen si ay kaalin uga qaataan nabad ku soo dabaalida iyo dhex dhexaadinta Beelaha Dilalku dhex mareen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this