Sign in to follow this  
A_Khadar

Xiisad Colaadeed Oo ka Qaraxday Magaalada Ceerigaabo

Recommended Posts

A_Khadar   

Ceerigaabo,(Lasanod Online)- Wararka aanu ka helayno magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa sheegayaa in gudaha magaaladaas..

 

ay caawa ka taagantahay xiisad colaadedd oo cirka isku shareertay.

 

Xiisadan ayaa katimid kadib markii la dilay nin Taliye ciidan ah oo ka soo jeeda SSC. ninkan oo la sheegay inuu ahaa taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Fiqifuliye oo magaciisu yahay Shiine Yaasiin.

 

Ninkan ayaa lagu dilay suuqa magaalada isagoo wata baabuur. waxaan la sheegay in loo dilay qaab aar goorsi ah, kadib markii hore loo dilay nin Taliye ciidan ah oo kasoo jeeda Beesha somaliland.

 

Warar kale waxay sheegayaan in labo nin oo kale isla caawa loo dilay Shiine Yaasiin, dhimashaduna ay marayso saddex iyo qaar kaloo dhaawac ah.

 

Magaalada Ceerigaabo ayaa caawa ah mid aad u kacsan oo colaad xoogan laga dareemayo,waxaana laga baqayaa in dagaalku ku faafo xaafadaha magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Dagaal khasaare geystey ayaa ka dhacay fiidnimadii caawa magaaladda Ceerigaabo ee caasimadda Gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa ka bilaabmay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo maleeshiyo hubaysani ku dileen badhtamaha magaaladda Ceerigaabo.

 

Dagaalka caawa fiidnimadii ka dhacay halkaas ayaa la sheegayaa inuu khasaare geystey ay ku dhinteen sadex ay laba ka mid ah ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii falka dilka ah geystey halka ka kalena aanu ka fogayn beel ahaan.

Magaaladda ayaa caawa laga kala xerooday iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax isku day ah oo lagu joojinayo colaadan oo kasoo bilaabantay sarkaal Boolis ah oo laba bilood ka hor askari ay is qilaafeen uu rasaas ku furay isla markaana uu baxsaday.

Beelaaha degaankaasi dega ayaa isku day ku beegan colaadaas damcay inay sameeyaan balse waxa ay todobaad ka hor u qabteen laba bilood in dib la isugu soo noqdo.

 

Boocame.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting so Yasin Xiinfaniin who was part of the Somaliland police was killed by an Unknown Murderer apparently it was a revenge killing for another police chief killed few months ago.This silly revenge killings needs to stop.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihii Saldhiga Booliska ee Fiqifuliye oo lagu dilay Ceerigaabo iyo hal qof oo ku dhaawacmay

 

November 2nd, 2011

 

Ceerigaabo(Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii lagu toogtay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag Taliyihii saldhiga Booliska ee degmada Fiqifuliye ee gobolkaasi Shiine Yaasiin Xiin-Finiin, sida uu caawa noo xaqiijiyay Badhasaabka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.

 

Badhasaabku waxa uu sheegay in la dilay sarkaalkaasi isla markaana ay jiraan sida uu sheegay dad dabley hubaysani ay rasaas ku fureen halkaasi oo la sheegay inuu ku dhaawacmay nin ay dhaawacyo culusi soo gaadheen.

 

Cali Cabdi Hurre waxa uu sheegay inay ku dabo jiraan dadkii falalkan foosha xun geystay oo uu cambaareeyay kuna tilmaamay dambiileyaal jariimad culus ka galay qaranka iyo gobolka Sanaagba.

 

Dilka sarkaalkan illaa hadda cid loo qaban waxase la sheegay inay ciidanka Boolisku qaadeen hawlgal balaadhan magaaladana waxa laga dareemayaa dhiilo colaadeed waxaana aad loo xoojiyay ammaanka magaalada Ceerigaabo.

 

Dilka taliyaha waxa loo aanaynayaa inuu ka dhashay aano, daba socota dilkii taliyihii hore ee saldhiga Booliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo Jaamac Axmed Cali ( Jaamac Garmaqaate) oo isna uu toogtay askari Boolis ah oo ka tirsanaa saldhiga uu madaxda u ahaa bishii August ee sanadkan.

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ayaa walaac ka muujiyay dilalkan waxshinimada ah ee beelaha gobolkaasi aanay aano u dilayaan masuuliyiin shacbiga u adeegaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihii Ciidanka Booliska Deegaanka Fiqi-Fuliye Ee Gobolka Sanaag Oo Caawa La Dilay Iyo Ciidamada Amaanka Oo Aan Ku Guulaysan In Ay Qabtaan Dableydii Dilka Gaysatay.

 

Fiqi-Fuliye(Ramaas) Nov. 2, 2011- Taliyihii ciidanka booliska Somaliland ee deegaanka Fiqi-Fuliye oo ka tirsan gobolka Sanaag Shiine Yaasiin, ayaa caawa lagu dilay weerar ay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ku qaadeen .

 

Weerarka lagu khaarajiyay taliyaha ayaa dhacay wakhti ay ciidanka boolisku wadeen hawlgal lagu sugayay amaanka Magaalada Fiqi-Fuliye, waxaana rasaas ooda kaga qaaday koox hubaysan oo markii dambe u baxsatay dhanka Waqooyiga Magaaladaas,kuwaas oo ay ciidamada booliska iswaydaarsadeen tacshiirad xoog leh,laakiin aan loo gaysan wax khasaare ah.

 

Maamulka gobolka Sanaag ayaa la sheegayaa in uu shir deg-deg ah caawa Magaalada xarunta ee Ceerigaabo kaga yeeshay dilkii booliska ee Fiqi-Fuliye Shiine Yaasiin, waxaana saraakiisha ciidamada ee gobolka amar lagu siiyay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii weerarka gaystay,balse lama oga waxa la yeeli doono haddii aan la qaban kooxdii budh-cada ahayd ee hawgalka fulisay.

 

 

Ramaasnews Des

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar Dheeraad ah oo ka Soo baxaya Dagaal Caawa Fiidkii ka Dhacay Magaaladda Ceerigaabo

 

Maayirka Magaaladda Ceerigaabo oo shabakadda Gabiley News Khadka Tilifoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in ay ku Hawlan Yihiin Siddii ay u dajin lahaayeen Xaaladda Magaaladda isla markaana ay Aamanka u Sugi lahaayeen.

 

Ceerigaabo(GNS) Dagaal u dhaxeeya laba Beelood oo Wadda Dega Gudaha Magaaladda Ceerigaabo ayaa Ka dhacay Caawa Fiidkii Horre Magaaladdaas, Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka Bilaabay ka Dib markii Rag Hubaysani ay Toogteen Tilyihii Ciidamadda Booliska Fiqi-Fuliye Yaasiin Xiin Finiin, kaasi oo Wakhtigaas ku Sugnaa Badhtamaha Magaaladda Ceerigaabo Isla markaana waxa la sheegay Markii Rasaasta lagu Furayay in uu Watay Gaadhigiisa.

 

Rag la sheegay in ay Beel ka Soo jeedaan Taliyaha la Diley ayaa iyana dhankooda la soo yaacay Qoryo Iyo Rasaas, waxana ay Tacshiiraddo ku Fureen Dad ka soo jeeda reerka Wax diley.

 

Is rasaasaynta ayaa si xoog leh uga dhex bilaabtay Labadda Beellood Waxan aaan si rasmi ah u cadeyn Tiradda Dhimashadda balse dad ka ag dhow halka uu ka socday Dagaalku ayaa Shabakadda Wararka ee Gabiley News u Xaqiijiyay in ay Halkaasi ku Dhaawacmeen Saddex Ruux, kaas oo Mid ka Mid ahi uu Yahay Dhaawac Halis Ah.

 

Rasaasta ayaa wakhtigan joogsatay Wallow wali la sii maqlayo Xabaddo Goos Goos ah oo ka dhacaya Suuqa Hoose iyo Suuqa Sarre ee Magaaladda Ceerigaabo kuwaas oo ay ka soo kala jeedaan Labadda Beellood ee Xurgufta Dagaal dhex martay.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu daba socdo Aano Qabiil, taas oo loogu aanaynayo Dilkii Taliyihii Horre ee Saldhiga Daallo Alle Naxariistii Janno ha Ka Waraabiyee Jaamac Garmaqaate, oo la diley Bishii Ogost 20 keeddii ee Sanadkan.

 

Dhanka kale Maayirka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax oo Shabakadda Gabiley News Khadka Talifoonka kula Xidhiidhay ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka Bixiyo Arintan, waxana uu Sheegay in ay ku Hawlan Yihiin Siddii ay u dajin lahaayeen Xaaladdan isla markaana ay Aamanka Magaaladda u Sugi lahaayeen.

 

Wararku Waxa ay sheegayaan in Maamulka gobolka Sanaag uu shir deg-deg ah caawa ka yeeshay Arintan,waxaana saraakiisha ciidamada ee gobolka amar lagu siiyay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii weerarka gaystay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxan wali Gacanta lagu Dhigin Ciddii Gaysatay Falkan, Sidoo kale Talyihii Saldhiga Booliska ee Daallo oo La Diley Bishii Ogost ee Sanadkan ayan isna wali Gacanta lagu Dhigin Ciddii Dishay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What a cowards. They killed a Police Chief from Fiqfuliye who was in Ceerigaabo, for something that happened 2 months prior, between a Dblock man and a Muse Ismacail Man.

 

Now, 2 more Muse Ismacail has been killed in revenge for the death of Taliye Shine !!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;755443 wrote:
Interesting so Yasin Xiinfaniin who was part of the Somaliland police was killed by an Unknown Murderer apparently it was a revenge killing for another police chief killed few months ago.This silly revenge killings needs to stop.

As much revenges sucks, this is another proof of after all s/l is clan/beel.. Great NG said "Everything is about CLAN"..

 

Alle labada beelood hakala qaboojiyo.. inta dhimatayna alle ha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not really the Yasin guy belonged to the Garaad Clan while Garmaqaate who was killed months ago belonged to the big beard Community both reer sanaag and from the same region and both serving the same Police force that shows the Sl police force as an institution is all inclusive but obviously there was clan animosity between the two Clans marka inshallah ilahay ha kala qaboojiyo,, Wixi dhintay na allah ha u naxaristo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar, it's a fact that Somaliland is a clan enclaved ideology, created by the SNM clan for the SNM clan. Anyone who says otherwise is purposely denying the truth because he/she knows without the territories of Beelaha SSC, Maakhir and Awdal, which Somaliland is wrongfully claiming, the entire SNM dream will vanish in the matter of months, if not weeks. lol

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this