Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia's TFG defence Minister meets turkish defence Minister + Top Turkish Generals+PICS

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga

 

Published on October 25, 2011

Ra’iisul-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Veci Gönül iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira sidii dalka Turkigu uu gacan uga siin lahaa Soomaaliya dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Labada wasiir waxay si qota dheer uga wadahadleen arrimaha milateriga iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Turkigu uu ballan qaaday in dowladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo haatan halgan ugu jira la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga ayaa ballan qaaday inay tababarro siin doonaan ciidanka mileteriga, sidoo kalena ay dib-u-dhis ku sameyn doonaan xeryihii mileteriga iyo goobihii gaarka u ahaa “Dowladdeydu waxay ballan qaadeysaa inay gacan weyn ka geysato dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay inaan khubaro milateri u dirno Soomaaliya si ay u dejiyaan Istaraatiijiyad lagu taageerayo ciidanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo intaasi ku daray inay qeyb ka qaadan doonaan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka.

 

Ugu dambeytiina Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Turkigu sida ay uga jawaabeen baahida dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay kala qeyb qaateen abaaraha, gurmadka dhaawacyada iyo taageerada ballaaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No matter how loud my good friends The Zack and Prof Abtigiis cheer lead Kenya's invasion, Somalia has friends and insha Allah we will come out of this mess very soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kenya's invasion is temporary. They were invited by the clans of Jubbaland (Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose). Once they liberate Jubbaland from Al-Shabab, the clans from Jubbaland will create a united Administration for those regions. I think this is why many people have shown anger towards Kenya's Intervention. They rather see Jubbaland in the hands of Al-Shabab than a Freed Jubbaland Mamuul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow they lost it how can one support the invasion of his own Country if the neighboring Countries want to help they need to help train capable Military forces and assist where they can assist but Kenyan Boots on the ground no thank you.

 

Nimanka turkishku na wa niman Gob ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

xiinfaniin;754003 wrote:
No matter how loud my good friends The Zack and Prof Abtigiis cheer lead Kenya's invasion, Somalia has friends and insha Allah we will come out of this mess very soon.

Now i see it. Xiin Somalidu jazaarnimo laguma aqoon sheekh ee waa sidee, whatever turkiga do today, they are decades away to even be compared to what Kenya has done for Somalia. I understand your frustration with Kenya :) ee nimanka abaalkooda god ha ku xabaalin. Turkigu 20 sano ee lasoo dhaafay xagey ku maqnaayeen tolow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this