Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo visits togdheer and eastern regions

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo oo caawa u Xamaan xidhay safar uu ku tagayo Goboladda barri ee Somaliland

 

Hargeysa(Waaheen) Wararka Hordhaca ah ee aanu ka helayno Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inuu Caawa u Xadhko xidhay safar dheer oo uu ku tagayo Gaobolada Togdheer iyo Oodweyne kuwaasoo la hadal hayay tan iyo safarkii dhawaan uu ku tagay Bali-gubadle.

 

Ilaa hada dhinaca Madaxtooyadda kamuu soo bixin war rasmi ah oo arrintan sheegaya hase yeeshee goor dhaweyd oo fiidkii ah waxa lagu arkay gawaadhida ilaalada Madaxtooyadda oo shiidaal ka qaadanaya mid ka mid ah Kaalmaha shiidaalka ee Hargeysa, taasoo inta badan ay dhacdo uun gaadiidkaasi inay ka qaataan shiidaalka marka Madaxweynuhu safar galayo.

 

Safarkan ayaan la ogayn ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa hase yeeshee waxa la filayaa uun inay la xidhiidho sidii uu madaxweynuhu ugu kuur gali lahaa xaalada Goboladaasi ay ku sugan yihiin isla markaana wada xaajood kala yeelan lahaa dadka Deegaamadaasi qaar ka mid ah balanqaadyadii uu hore ugu qaaday.

Short URL: http://waaheen.com/?p=22090

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Magaaladda Oodweyne

 

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas khudbad ka soo jeediyay ayaa ka waramay Waxqabadka Xukuumadda, waxana uu madaxweynuhu sheegay in...

 

Oodweyne (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Mar dhowtd gaadhay Magaaladda Oodweyne, ka dib markii uu Saaka Subaxadii ka Ambaxay Magaaladda Hargeysa, waxana uu Safarkan ugu kuur ghalayaa Xaaladaha Nololeed ee Gobolkaasi.

 

Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ku Wahelinya Marwadda Kowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamin Waris Maxamuud Jirde, Wasiirka Madaxtooyadda, Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka Madaxtooyadda, Gudoomiye ku Xigeenka Goloha Wakiiladda, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, iyo Xildhibaano kale.

 

Magaaladda Oodweyne ayaa si heer Qaran ah loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Siilaanyo, waxana soo dhaweyntiisa Ka Qayb qaatay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ardey, Madaxdhaqameedyo ikyo waliba kumaan Qof oo kale.

 

Dadka Soo dhaweenayay Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqayay haddalo Soo dhoweyneed, waxayana siteen Caleemo Qoyan iyo waliba Calanka Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas khudbad ka soo jeediyay ayaa ka waramay Waxqabadka Xukuumadda, waxana uu madaxweynuhu sheegay in dhamaan baahiyaha Gobolkaasi ka jirra uu wax ka qaban doono, madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale waxa uu u soo jeediyay dhaamaan shacabka ku nool gobolkaasi in kaalin looga soo wadda jaysto Horumarka Dalka iyo Ta Gobolkba.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Sidoo kale waxa uu ka tacsiyadeeyay Gobolka Oodweyne Geeridii Naxdinta lahayd eek u Timi Badhsaabka Gobolkaasi.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ku booriyay shacabka ku dhaqan gobolka Oodweyne, in la xoojiyo Aamanka Gobolka, iyo ka dalkaba waxana uu ukala dardaarmay inaanay dhayalsan waxa kasta oo wax u dhimaya qaranimadda Somaliland.

 

Salaadiin Cuqaal iyo waxgarad kale oo ka mid ah Dadwewyunaha reer Oodweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa iyana dhankooda sheegay sidda ay ugu Faraxsan yihiin, imaashiyaha uu Madaxweyne Siilaanyo yimi Gobolka,

 

Si kastaba ha ahaatee waa Markii ugu Horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo uu yimaado Goboladda Togdheer iyo Oodweyne Tan iyo intii uu ku guulaytay Doorashooyinkii dalka ka dhacay Bishii June Sanadkii indhaafay, inkastoo uu horre uu u tagay madaxweyne Siilaanyo Goboladda Saaxil, Gabiley, Awdal iyo Hawd, Haddana waxa jirra Gobolo aanuu wali tagin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyay Gobolada Oodweyne Iyo Togdheer

 

October 7th, 2011

 

Burco (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaaanyo) ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Burco Maamulka gobolka Togdheer, maamulka degmada iyo Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu saaka socdaalkiisa shaqo ka soo bilaabay deegaamada Gobolka Oodweyne waxaanu soo maray deegaamada Haro-sheekh, Xaaxi deegaamadaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay waxa uu warbixin ku saabsan xaalada nolasha,ammaanka iyo horumarinta bulshada la xidhiidha uu ka dhegaysanayay maamulka iyo waxgaradka deegaankaasi.

 

Weftiga Madaxweynaha waxa la siiyay caano geel oo xoor leh markii uu soo gaadhay degmada Haro-sheekh oo qeyb ka ahaa soo dhawaynta iyo qaabilaadiisa.

 

Maamulka iyo waxgaradka degmada Haro-sheekh ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo dhiso saldhig boolis iyo Cisbitaal. halka maamulka degmada Xaaxina ay ka dalbadeen inuu ka taageero dhinaca horumarinta dhul beereedka degmadaasi caanka ku tahay.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dedaal badan u geli doonto sidii ay u wax uga qaban lahayd baahiyaha aasaasiga ah ee deegaankaasi uu u baahan yahay.

 

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa sanad iyo labadii bilood ee ay jirtay waxaanu tilmaamay in mudadaasi ay wax badan ka qabteen horumarinta adeegyada bulshada waxaanu xusay inay ku guulaysteen inay lacagtii giimbaarta ka bedalaan gobolka Togdheer.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa kumanaan dadweyne ahi waxay ku soo dhaweeyeen magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Oodweyne, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisa gobolada bari ka bilaabo gobolka Oodweyne, waxaanu dadweynaha uga mahad celiyay sida xushmada leh ee ay ku qaabileen weftigiisa.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay wax badan ka qaban doonto balan qaadyadii xiligii olalaha doorashada ay u sameeyeen deegaankaas waxase uu u soo jeediyay inaanay ka deg degin waxqabadka xukuumada.

 

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha uga xog waramay xaalada deegaanka Oodweyne Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Oodweyne Faarax Cabdilaahi Caano-kariye, Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah Mudaneyasha Golaha Wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE ee laga soo doortay Gobolka Oodweyne.

 

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiiradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Md. Cabdi Casiis Maxamed Samaale Iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No one fought for Laascaanood, you fought a local militia, and SSC was created for the reason that there wasn't a counter attack.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo ku waabariistay magaaladda Laascaanood iyo soo dhaweyn diiran oo uu kala kulmay

 

?Laascaanood(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa saaka salaadii subax gaadhay magaaladda Laascaanood halkaas uu ilaa hada ku sugan yahay isaga iyo weftigiisiiba

Madaxweyne Siilaanyo oo socdaal ku marayay gobolada bari ee Dalka oo saaka la filayay inuu dadweynaha reer burco kala hadlo meel fagaare ah aya mar kaliya lagu wra helay isaga oo ka Jarmaaday isla markaan ku waabariitay badhtamaha Lascanod.

sida ay waaheen u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Madaxda la socota weftiga Madaxweynuhu waxa ay sheegeen in sii diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood goor dhaw na uu dadka la hadli doono Madaxweynuhu.

Magaaladda Laascaanood oo baqdin laga qabay Dilalka qorshaysan ee madaxda gobolkaasi lagu khaarajiyo ayaan illaa saaka wax dhibaaato ah aanu weftigi kala kulmin, waxaanay Saraakiisha dhinaca Amaanaku sheegayaan in ay xaaladu ilaa hada degan tahay oo aanay jirin wax cabsi ahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayaan labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska ayaa booqday Jiida hore ee Ciidamada Somaliland

 

?Gambadha(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hogaaminaya wefti balaadhan oo ka tirsan Xukuumaddiisa, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo taliyayaasha labada Ciidan ee Milatariga Nuux Taani iyo Booliiska Saqadhi Dubad ayaa booqday fadhiisimada ay ciidamadda Somaliland ku leeyihiin xuduudka Somaliland iyo Puntland gaar ahaana afar fadhiisin oo ay aka mid yihiin Gambadha iyo Tukaraq, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo saraakiisha wehelinaysaaba uga jeediyeen Khudbado la xidhiidha hawsha ay Qaranka u hayaan.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay Ciidamadda ayaa ku booriyay inay xukuumaddu xil iska saari doonto sidii ay kor ugu qaadi lahayd taageerida Ciidanka isagoo sheegay Mushaharooyinkooda inay u hagar bixi doonto isla markaana darajadoodii sida ugu dhakhso badan loogu toli doono.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigaba waxa farxad galiyay Ciidanka Qaranka ee Jiidaasi degan oo uu mid mid salaan sharaf uga qaatay intii uu dhex marayay jiida ay degan yihiin, waxaana la filayaa inuu goor dhaw dib ugu soo laabto magaaladda Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

So far president siilaanyo visited awdal region of borama gabiley region wajaale arabsiyo. Saaxil region berbera. Hawd baligubadle and salaxlay he visited burco oodweyne daadmaadheedh region he visited saraar region caynabo and oog gumeez

He visited the sool region laascaanood the only region left is sanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this