Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Nacaybka Somaliland: Wax ba dhawranmaynee Allow dhagaxyo soo daadi miyaa xaalku?

Recommended Posts

Duulka Soomaalida la yidhaahdo haddii ay Ilma Aadan yihiin wuxuu dhalay isaga oo gaboobay, jilbaha haysta oo asaasaq ah ayuu ku leeyahay ninka daaqadda maankayga dhinaca bari kaga taalla iga soo eegayaa. Wax uu la yaabo oo hadal gunaanadkaas keeni kara ka soo saaray ayuu daymooday, inuu qoraallada Cali X. Cabdalla(A.H. Abdulla) daalacday na waa u dhowdahay.

 

In qofku ra'yigiisa iyo wuxuu rumaysan yahay difaaco oo gaashaanka ula diyaar noqdo waa arrin la garan karo, haddii se warmahaagu birimageydada joogto ugu tallaabaan waxa kugu godan far mar walba goldalooladaada tilmaamaysa.

 

Cali wuxuu bisha Sebtembar lixdeedii weerar ku ekeeyay Shiikh Aadan Siiro, weerarkaas waxa ugu dhawaaq dheeraa isbarbardhigga iyo masaynta gaalka kitaabkii Quraanka ahaa gubay iyo wadaad Muslin ah, weli ba khabiir looga dambeeyo siiradii Nebi Muxamad(NNKHA) loo aqoonsan yahay. Gulufka Shiikha ku dhacay ku ma iman khudbaddii uu ka jeediyay qaadhaankii Somaliland looga ururiyay dadka abaaruhu ku halakadeeyeen Soomaaliya. Qoraaga ayaa taas inooga markhaati kacaya, difaaca Shiikhu u galo dalkiisa(Somaliland) ayaad fahmaysaa inuu ladh soo kicinayo.

 

Ladhkaasi haddii uu, sida qoraagu inaga dhaadhicinayo, daarran yahay difaaca midnimo Soomaaliyeed ama waxa loogu yeedho Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxa keenay colaadda fog ee qof aad leedahay dhulkiisa uu goosanayo waannu wada leenahay la gaadhsiinayo inuu la siman yahay nin kitaabkii Quraanka gubay la ma fahmi karo, kollay anigu fahmi kariwaayay.

 

Lix iyo labaatankii bisha Sebtembar ayuu Cali X. Cabdalla soo rogaalceliyay mar kale. Bartii looga bartay ayuu ka miisay, weli ba kolkan baro sii dheereeyay. Sheekadu markan waa Mahiga iyo gabadh shaqaale u ah, xaflad iyo calankii Somaliland na waa ku lammaan yihiin. Wixii hore ba meelaha Somaliland lagu hadalhayo Cali uga biniixi jiray ayaa mar kale sidii Gaaraabidhaanka ugu bidhaamay. Tani se waa qadhaadh iyo raarah miidhan, in qoraagu meel fagaare ah oo haldoorkii Soomaali Maxamed xaadir yahay marta iskaga furo ma ahayn.

 

Khaliif Shiikh Maxamuud(AHN) wuxuu ahaa gabyaa weyn, halka laga raacay na way nu wada ognahay. Kolkii haddii dooddii midnimada, Soomaalinnimada, gobolkayga waan xoraysanayaa iyo arrimaha fariidnimada Soomaalidu isku mooddo ee ragganimada loo yaqaanno maqaamkooda qoraagu ka baxay oo hablo iyo arrinkooda galay gabaygii Khaliif lagaga kacay ka ma duwana.

 

“Marwadaad qabtiyo hooyadaa, laga masaalaaye.. Maxaa ceebta mooskaaga taal, magane kuu geeyay”, Dharbaaxo Jaan erayadiisii Khaliif daaduunshay ayay ka mid ahaayeen. Waxa aan fiirshay mareegta ku guntan maqaalka Cali ee inoo tilmaamaysa dhaanishka uu Mahiga ciyaarayo, waxa aan isha mariyay faallooyinka ku hoos qoran maqaalkaas iyo halka ay doodda ula fadkudiyeen.

 

Waxa kolkaas iiga dhurmay goobtaas in aan nafta Cali laba isku helin: rabitaanka midnimo ummadeed iyo toocsiga qayb bulshadii aad midaynaysay ka mid ah, weli ba heerka maqaalka dambe gaadhsiisan yahay ee in caarkii tilmaamahiisa lagu xarragoonayo la la shir yimi.

 

Qabso oo qofku waa xor; wixii uu doono ee maankiisu soo tuujiyo ayuu la shir iman karaa, Muslinka ayaad gaalayn kartaa sida Cali u simay Shiikh Aadan Siiro iyo ninka kitaabka gubayay, caarka ayaad qiimo ridi kartaa sida tiiqtiiqsiga inanta quruxdeeda mukur ahaan maqaalka labaad u tilmaamayaa muujinayso, waxaas oo dhan XOR baad u tahay.

 

Mid se xor uma tihid midnimada iyo mar ba maqluub iyo qumaati ta aad shaadhkeeda u xidhanayso, maaha diin ama mabda'a lagu takrifalo oo mar ba sida faalku adiga kuugu kacayo loo adeegsado. Maaha gabbood kolka aad sharaf iyo sumcad bulsho meel ka dhac ku samaysid aad odhanayso waxa ay dhantaalayeen midnimadii oo dheecaanka hibadoodu waa ii xalaal.

 

Ogsoonow in gobannimada dunta naftaada laga falkiyay ka muuqanayso sida aad u la dhaqanto bulshada kugu xeeran, xitaa haddii aad laan kasta oo nolosha geedkeeda ah ku muransan tihiin ama ra'yi ahaan aad ku kala duwan tihiin.

 

 

 

Cabdillaahi Cawed Cige,

Liverpool UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

For some reasons, whenever I listen to one line in the exchanges between Xassan Diiriye and Hibo Nuura, Somaliland's quest for a mirage qaranimo rings in the head.

 

"Ani dhadiyo ceeryaan

Ha i odhan ka dhaansoo

Dhalanteedku waa

Mid aan iga dhaadhacaynee"

:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Hadda waad ogtahay Suldaan Maxamed Cabdiqadir in garba duub looga hayey Siilaanyo baryahan. Shirkii Somalia'na wuu soo dhowyahay ee la soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The supreme Suldaan of Somaliland Suldan Maxammad suldaan Cabdulqadir Suldaan Cabdulahi Suldaan Diiriye can give his opinion on Political matters of the Country there is nothing wrong with that we are Democracy after all , Shirkee Somalia anigu shir ba maan maqlin eh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Cabdillaahi Cawed Cige is a creative author. Always like his short articles, they certainly highlight things from a diffrent perspective.

 

Concerning the topic of the article. Indeed It's ok for someone to oppose Somaliland or have a diffrent opinion. But if you use invalid arguments, you tend to loose the whole argument. Because the discussion isnt anymore about the issue(Somaliland) but about someone own frustrations or emotional outburst.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Xaaji Xunjuf;748822 wrote:
Wata cidi kasta ay Somaliland hadal haysa wax weyn ba so dhow , wax abtigis heart attack siin doona

Cidi idinma warheysee idinka uun baa is war haya! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;748853 wrote:
Oo muxu marka sh dalxiis iyo cabdi cawar somaliland uga sheekeyan loool

Dee mid idinka ah baa markasta meesha jooga oo weydiiya so you stay relevent......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

Xaaji Xunjuf;748853 wrote:
Oo muxu marka sh dalxiis iyo cabdi cawar somaliland uga sheekeyan loool

Af caytame ninkiisu ku yaala Raisul Wasaarahaaga cayda ka daa. Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin. "NO CLANLAND".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Kool_Kat;748835 wrote:
Cidi idinma warheysee idinka uun baa is war haya!
:D

Mid reer dhanaan aha yaa tagay Harar markaasuu arkay reer hararka oo dhanaanow isku salaamaya, markuu dhanaan ku noqday ayaa la yidhi war bal waran markaasu ku jawaabay "gaal iyo islaam dhaanan uun baa la hadal hayey." Hadda xaaji tii oo kale ayaa haysta. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this