Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland religious affairs Minister delivers humanitarian aid in Kenyan Refugee Camp

Recommended Posts

Weftigii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Raashin u qeybiyay dadka ku jira Xerada qaxoontiga ee IFO

September 28th, 2011

 

Kenya (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta raashin u qeybiyay dadka Soomaalida ah ku jira xerada qaxoontiga ee Ifo ee ka soo qaxay abaaraha ba’an iyo macaluusha ka jirta dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya.

 

“Kaalmaadan aanu gaadh siinay ee aanu qeybinay waxay dhan tahay illaa 180 ton oo Raashin kala duduwan ah oo aanu ugu tallo galay xeryaha qaxoontiga ee ay ku jiraan dadka ka soo qaxay Soomaaliya gaar ahaan xerada IFO oo ay ku jiraan qaxoontigii dambe ee soo barakacay oo maalintii naloo sheegay inay yimaadaaan illaa kun qof,”ayuu yidhi Wasiirka diinta iyo Awqaafta maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da.

 

Waxaanu intaasi ku daray “Qoyskiiba waxaanu siinaynay shan shay oo kala ah Bariis, daqiiq, sonkor, saliid, caano iyo shah,waxaanu raashinkan ka sii iibinay Magaalada Gaarisa oo u dhow xeryadan. Waxa raashinkan aanu qeybinay ay dhan tahay 200 oo kun oo Dollar.”

 

Sh. Khaliil waxa uu sheegay in kaalmadan ay qeybiyeen ay tahay qeyb ka mid ah lacag 700 oo kun oo Dollar ah oo laga soo ururiyay shacbiga iyo xukuumadda Somaliland.

 

“Kaalmadan 70% waxa la geeyay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halka 30% aanu halkan (IFO0 aanu keenay,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo la weydiiyay fikirka uu ka markii hore ka haystay qaxoontinimada iyo xaalada xeryaha qaxoontiga waxa uu yidhi “Kollay Anagu (Somaliland) qaxoontinimo waanu soo maray waana aanu garanaynaa xaalad qaxoonti, laakiin tani way ka daran tahay waxaanu ku aragnay dad illaa imika soconaya oo soo gaadhaya xeryaha qaxoontiga, waxa naloo sheegay in xeradan ay maalintii soo galaan illaa kun qof oo qaxoonti ah oo ka yimid Soomaaliya. Waana xerada ugu weyn ee qaxoonti ee Afrika iyo aduunkaba.”

 

Wasiirka Diinta iyo Aw qaaftu waxa uu sheegay in haddii Hoggaamiyeyaasha siyaasada ee Soomaaliya ay dedaalaan inay dalkooda dhibaato badan ka badbaadin kari lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

I do love Somaliland. :D Maalin walba sheeko cusub ayee keenan.

 

They are real trendsetters. Soon you will see Djibouti, Puntland, Galmudug and all the foreign based Maamul's deliviring aid(with their flags) around Somalia. Maybe Shariif himself will bring aid wrappend around with the blue flag to Jowhar and other places.

 

I am even hearing there will be a special Minister appointed for (providing)Humanitarian Affairs next to the one for (receiving) Humanitarian Aid and Donor Coordination.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftiga Somaliland ee Caawimada u Qaaday Kenya oo 5200 Qoys u Qaybiyey Raashin

 

Gaarisa (SDWO 28/09/2011) - Weftiga Somaliland ka socda ee mucaawinada u qaaday qaxoontiga u barakacay xeryaha dalka Kenya, ayaa maanta qaybiyey deeq raashin ah oo loogu talogalay 5200 (shan kun iyo laba boqol) oo qoys oo ka mid ah kuwa xeryaha Dhadhaab.

 

Weftiga oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Axmed, ayaa maanta tagay xeryaha qaxoontigu ku jiraan ee Dhadhaab iyaga oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka dalka Kenya Md. Faarax Macallin.

 

Weftigu waxay deeq 180 tan oo raashin isugu jira Bariis, sonkor, daqiiq, saliid iyo caano oo loogu talogalay 5200 qoys oo ku jira xerada IFO2 ee Dhadhaab.

 

“Kaalmaadan aanu gaadh siinay ee aanu qeybinay waxay dhan tahay illaa 180 ton oo Raashin kala duduwan ah oo aanu ugu tallogalay xeryaha qaxoontiga ee ay ku jiraan dadka ka soo qaxay Soomaaliya gaar ahaan xerada IFO oo ay ku jiraan qaxoontigii dambe ee soo barakacay oo maalintii naloo sheegay inay yimaadaaan illaa kun qof.

 

Qoyskiiba waxaanu siinaynay shan shay oo kala ah Bariis, daqiiq, sonkor, saliid, caano iyo shah.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo maanta u waramay idaacadda BBC-da.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Xaaji Xunjuf;748808 wrote:
waxaanu siinaynay shan shay oo kala ah Bariis, daqiiq, sonkor, saliid, caano iyo shah.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo maanta u waramay idaacadda BBC-da.

 

 

war maxuu Shaah & cadys kisana u sheegaya... Our northern freinds seems to have coordinated front to politicize the tragedy (It was few days ago that they made a tool out off and dispatched the legend Hadraawi himself wearing that Iranian flag with the Ashahada-insignia) , its no longer give for the sake of Zakah, to them its for search of recognition policy directed towards the international community.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Carafaat;748628 wrote:
I do love Somaliland.
:D
Maalin walba sheeko cusub ayee keenan.

 

They are real trendsetters. Soon you will see Djibouti, Puntland, Galmudug and all the foreign based Maamul's deliviring aid(with their flags) around Somalia. Maybe Shariif himself will bring aid wrappend around with the blue flag to Jowhar and other places.

 

I am even hearing there will be a special Minister appointed for (providing)Humanitarian Affairs next to the one for (receiving) Humanitarian Aid and Donor Coordination.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this