Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Madaxweyne Shariif oo sii weyn loogu so dhaweeyay Degmooyinka Yaaqshiid,Kaaraan iyo Heliwaa

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday qaar ka mid ah deegaannadii dhawaan laga xoreeyay Shabaab ee ka mid ah G/Banaadir.

 

Meelaha uu Madaxweynuhu booqday waxaa ka mid ah garoonka Studio Muqdisho, Saldhiga degmada Yaaqshiid, xaafado ka mid ah degmooyinka Hiliwaa iyo Kaaran, Cisbitaallada Laansaleeti iyo Martiini, halkaas oo uu madaxweynuhu warbixin kaga dhageeystay mas’uuliyiinta goobaha uu booqday.

 

Madaxweynaha oo ay wehliyaan R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Abaanduulaha ciidamada XDS G/Sare C/kariin Dhegabadan iyo saraakiil kale ayaa barqanimadii maanta gaaray saldhigga Booliiska degamada Yaaqshiid halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweeynaha ku dhaqan degmadaasi isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynaha.

 

Salaan iyo soo dhaweyn kadib waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Jurus “Saabeey” oo ka warbixiyay xaalada degmada isagoo tilmaamay in dadka reer Yaaqshiid ay ku faraxsanyihiin booqashada Madaxweynahooda, waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay guddoomiyaha G/banaadir oo sheegay in degmada Yaaqshiid ay nasiib u yeelatay in ay noqoto degmadii ugu horeeysay ee laga xoreeyay Shabaab oo Madaxweynuhu booqdo.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo halkaasi ka jeediyay hadal aad u soo jiitay dadweynihii halkaasi ku sugnaa ayaa mahadcelin kadib waxa uu madaxeynihu tibaaxay in degmada Yaaqshiid ay tahay degmadiisii, isagoo ku guubaabiyay reer Yaaqshiid in ay ka shaqeeyaan amaanka, midnimada iyo wadajirkooda.

 

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa deeq xoolo ah oo ka boobneyd 9 neef oo Geel ah iyo 18 Lo’ah lagu guddoonsiiyay halkaasi taas oo loogu talagalay ciidamada XDS iyo kuwa Amisom, wuxuuna madaxweynuhu ku sii wareejiyay Abaanduulaha ciidamada C/Karin Dhegabadan.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u gudbay xaafado ka mid ah degmooyinka Heliwaa iyo kaaraan isagoo booqday fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegannadaasi isla markaana warbixin ka dhageeysay saraakiisha ciidamada aagagaasi.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu booqday Cisbitalka Laansaleeti iyo Martiini isagoo mid mid u gacan qaaday bukaannada ku jira cisbitaalladaasi warbixinna ka dhageeystay mas’uuliyiinta cisbitaalkaasi.

 

Booqashada Madaxweynaha maanta ayaa aheyd mid uu ugu kuurgalayo xaalada nabadgelyo iyo nololeed ee ka jirta xaafadaha uu madaxweynuhu maanta booqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

27 neef maa soo dhoweeyay aan is dhahaayay..loll

Aslan odayga meesha xaafaddiisii hore waaye. Isagoo xer ah aa la keenay, markii uu mahddaayy ka yimaday ay ahayd!.

But what i mean by yaa deggan meesha is that in dadka ay ka qaxeen meesha goor hore!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Abwaan;748174 wrote:
Lo'da iyo Geela xitaa wax bay soo dhaweynayaan haye? Arigii iyo digaaggii baa maqan ee halla soo xiro!

:D :D Didn't know Reer Jowhar had Geel or Geellow as they like to call it.

 

Oba, Waa lasoo dhaweeyay duqa yaah.. Somaliga mala baddalay, one would think the title should read " Shariifka oo booqday xaafada ka mid ah Xamar..".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

oba hiloowlow;748177 wrote:
^^ Trying to be funny huh?

Oba...Humor xitaa malla iska hor istaagey? Eesh calaa qiiro....I wonder next October inaad dowladda sii taageeri doontid when President Sharif Axmed will be gone, retire and another Somali from another states will lead the country Insha Allaah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this