Sign in to follow this  
Saalax

Al-Shabaab Oo Soo Riday Diyaarada Basaas Oo Aan Duuliye Lahayn Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Cirka Ee Da

Recommended Posts

Saalax   

Al-Shabaab Oo Soo Riday Diyaarada Basaas Oo Aan Duuliye Lahayn Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Cirka Ee Dalka Maraykanku

 

Kismaayo(Ramaas) Sept . 25, 2011- Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad nooca wax basaasa ah ee loo yaqaanu U2 oo ku dhacday gudaha Magaaladaas shalay gallinkii dambe.

 

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in diyaaraddan ay ka soo kacday badda oo ay doonaysay in ay dul marto Magaalada, balse rasaas lagu fureen ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haya maamulka Kismaayo, wax yar kadibna la arkay diyaaradda oo ku soo dhacday gudaha Magaalada.

 

Diyaaradda ayaa markii ay dhulka ku soo dhacday waxaan lagu arkin dusheeda wax rasaas ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmadaas, balse idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo riday rasaas lagu furay,isla markaana diyaaradda ku xidhnaayeen kaamirooyin badan, lamana garan weli dalka laga leeyahay diyaaraddan.

 

Ciidammo ka tirsan Al-shabaab ayaa ka qaaday diyaaradda halkii ay ku soo dhacday iyaga oo geeyay saldhiga degmada Kismaayo, welina kama ay hadal saraakiisha maamulka Kismaayo ee diyaaradda soo dhacday.

 

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha ay awoodda badan ku leedahay kooxda Al-shabaab, iyada oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay gudaha iyo daafaha Magaaladaas ay ku soo dhacdo diyaarad aan duuliye lahayn oo kuwa wax basaasa ah.

 

Soo dhicitaanka diyaaraddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dawladda Mareykanka ay sheegtay in ay saldhigyo ay ka duulaan diyaaradheega dagaalku oo ay ugu talogaleen in ay duqeymo ka geystaan Soomaaliya iyo Yemen ay ka sameysanayaan dalalka ETHIOPIA iyo jasiiradaha Seychelles ku yaala Qaarada Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Oba, warkan waa jiraa maxaa u beensanee?

Ciidamada Wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa galabta ku guuleystay inay dhulka soo dhigaan Diyuurad nooca duuliye la’aanta ah oo sida loo badinayo ay iska leedahay Dowladda Mareykanka.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo Amiir Nuur Media la hadlay ayaa xaqiijinaya in diyuuradaasi lagu soo diray duleedka magaalada Kismaayo ee Xarunta Wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka.

 

Magaalada Kismaayo ayaa Caawa si weyn looga hadal hayaa Khabaradka Bishaarada ah, dadka Kismaayo ayaa isugu hambalyeynaya in dhulka lasoo dhigo mid ka mid ah diyuuradaha ay ka harsan waayeen habeen iyo maalin.

 

Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalada Kismaayo lagu soo rido Diyuurad nooca Droneska loo yaqaano ee duuliye la’aanta ah, balse horraantii sanadkii 2009 ayaa diyaarad noocaan oo kale ah lagu soo riday duleedka magaaladaasi Xeebta ku taalla.

 

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa qeybo ka tirsan Wilaayaatka islaamiga ah ee Soomaaliya dul heehaabayay diyaarado guuxoodu uu aad u sarreeyo, kuwaasi oo loo maleynayo inay iska leedahay Dowladda Mareykanka, waxaana Warbaahinta Cadowga ay qorayeen Warar ay ku khal-khal gelinayaan Shacabka.

 

Amiir Nuur Media

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I think this should clear, having a source always makes everything just perfect, it is not like you gona hear from the USA that their Drones were shot down, or even TFG saying the same, we have no reason to object, sometimes it helps being logical, or even using some common sense if we had some left, gaalka dil gartiisana sii, laakin gawda i maqashii aan ku rumeestee horaa ummada loogu halaagey!

 

Source one - drone downed - one or two days ago this September

 

Source two - another drone downed - early September

 

 

 

 

Ps: Each Drone costs $15 million dollars.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Nuune waa saa sheegtay laakin Al shabaab inteey ka heli kartaa resources-ka lagu ridi karo drones, helicopter waa fami kari lahaa lkn drones aa,, xitaa gantaalo tankiga lagu burburiyo ma heystaan sxb..

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Oba, sxb, you don't need special resources to shoot one down, they have being reports on daily downed drones in Pakistan & Afghanistan.

 

No drone can fly more than 3,000ft, there are some modules that fly 5,000ft, but even that you can even use your normal rifle or AK-47 to get one down, you must be good shooter adoo ilna kuu dabantahey tan kalena kuu xirantahey.

 

and other weapons in your disposable, such as taransate, zuug, qoriga jiibta, baroonta, shilke, beebe, taanki, you can use these heavy machines on the drone, but only AK-47 is enough to shoot them down.

 

3,000ft is nothing, this is the altitude that passenger planes use when making approaches from 1-2 miles away from the runway.

 

3,000ft is about half nautical mile or about 900 meters.

 

 

These things don't fly high sxb, I am sure you haven't seen them fly in real life, but I did seen them few mock up tests of them taking place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this