Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Clan fighting erupts in Bosaaso and Farooles Militiamen chooses sides

Recommended Posts

Maleeshiyo beeleed maanta ku dagaallamay magaalada Bosaaso iyo Puntland oo kala dhex-gashay

 

Arbaco, September 14, 2011 (HOL) — Israsaasayntan oo saacado kooban socotay ayaa ka bilaabatay afka hore ee shirkadda isgaarsiinta ee Golis, waxaana ay dhex martay kooxo maleeshiyaad ah oo ku muransan dhul halkaa ku yaalla, kaasoo labada dhinac ay isku fahmi waayeen qaybsigiisa.

 

"Waxaa aroortii hore ee saaka meeshan yimid kooxo hubaysan, waxaana ay dab qabsiiyeen mehredo shaaha laga cabbo oo meesha ku yaalla," ayuu yiri goob-jooge maanta la hadlay warbaahinta ,xilli uu ka soo cararay mehraddiisi.

 

Ciidamada dab-damiska ayaa soo gaaray goobta ,waxaana ay damiyeen dhowr mehradood oo dabka uu saameeyay ,mana jirto cid ilaa iyo hadda si rasmi ah loo cadeeyay in israsaasayntaasi ay ku geeriyootay oo labada dhinac ka tirsan.

 

"Runtii aad baan uga naxnay arinta dhacday waayo hakad beey galisay ganacsigeena maanta galinkii hore," ayay tiri haweeneey lagu magacabo Falis oo iyadana kamid ah dadka deegaanka Bosaaso oo la hadashay warbaahinta gobolka.

 

Labada maleeshiyo beeleed ee dagaallamay ayaa murankooda uu soo bilowday billo ka hor, kaddib markii garab kamid ah uu go'aansaday in dhulka la kireeyo, taasoo sababtay dagaalka maanta oo Arbaco ah dhacay.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa noo xaqiijiyay in ay arkeen dhowr ruux oo dhaawac uu ka soo gaaray dagaalkii maanta halkaa ka dhacay, waxaana goobta hadda ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa degmada oo isha ku haya dhaq-dhaqaaqa labada kooxood ee diriray.

 

Ma ahan markii ugu horaysay oo labadan garab ay ku dagaallamaan bug-caddaasi, waxaana markasta dhibka ugu badan uu soo gaaraa shirkadda isgaarsiinta ee Golis oo ay ku hortaallo halka dagaalka maanta uu ka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Faroole Oo Kusoo Biiray Dagaalkii Beeleedkii Saka Ka Bilowday Boosaaso iyaga Oo Garabka Saaraya Garab kamida Dhinacyadii Dagaalamayay Iyo Xafada Biyo Kulule Oo Xabadi Ka Socoto

 

(Daawo Sawirada).

Boosaaso(Allssc): Saakay Waabarigi ayaa waxaa Dagaal ka dhacay Magaalada Boosaaso Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad laba Beelood oo isku Haya Dhul .

Dhulkaan ay labada Beelood isku Hayaan ayaa ahaa Mid Mudooyin Isku Haysashadiisu Soo jirtay oo ay labada Beeloodba mid kasti sheeganayso inay Lee yihiin iyagu ,

Hadaba Maleeshiyo Beeleedka Faroole ayaa iyagu waxay Soo dhex Galeen Maleeshiyaadki Dagaalamaayay Balse Mar kaliya ayay Arintu dhinaca kale isku Rogtay oo waxaa Bilowday Dagaal kii Gaalkacayood oo kale ah oo ay Beelihi halkaas isku hayay Midi u aragtay in Iyaga Si gaara loo Bartilmaameedsanaayo .

Dagaalka ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu hada ka socdaa Xaafada Biyo Kulule oo ay u badan Yihiin dadka Dagan Beel ka mid ah Kuwi Saaka hiirti Oroornimo ku dirirray Dhulkaas mudada la isku haystay .

Waxaa halkaas isku hor fadhiya oo Dagaalku u dhaxeeyaa Maleeshiyo BeeleedkaFaroole iyo Beesha Xaafada Biyo kulule ee Magaalada Boosaaso .

Waxaa Maalinba Maalinta ka dambaysa Isa soo taraayay is haysiga Beelaha hore ugu midoobay Puntland oo hada ay ku hareen beelo kooban oo faro ku tiris ah. Maamul Beeleedka Faroole aya isagu waxa uu had iyo Jeer Garab istaagaa Dhinacyada Dirira Midkood , isagoo aan laga rajaqabin inuu badalo hab dhaqanka qalafsan ee uu dadka walaalaha ah uu kusii kala fogaynayo .

Kala Soco wixi ka soo kordha dagaalkaas Iyo Sawiradan oo badan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Its not the first time this kind of clan clashes or clan fights takes place in Bossaso and that Puntland forces are 'perceived' as taking sides.

 

Triviliazing wont solve the 'issue' and blaming Faroole wont hold(as this also happened before Faroole was President).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Secessionists wish wars amongst Somalis in order to buttress the failed recognition campaign .

 

About time they learn wishing wars for Somalia wont help no one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who's wishing wars Xiin i don't think any one is wishing wars on the people of the semi autonomous region of Pudhlayn or faroole.But tough challenges awaits Mr faroole and his admin you Can't deny that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Istafurrulah, kii macaa wanaag kula dooniyaa ma cadow ayaa u aragtaa? Somali maanta ku duceysata dagaal halkan ma joogaane, ma waanin ayaa diidisaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf and Cararaaf are wishing wars on the people of Puntland. The title of this post makes that clear. In the hope others who are not well versed with SOmlaia news portals will read the English title and draw a negative conclusion, they mis-chractirize a commercial zoning quarrel in the thriving city of Boosaaso.

 

Cakku nacab iyo *****

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed-InaJaad;746280 wrote:
. alxamduliallah im from somaliland

Yet you are here always.

 

p.s. Respect the rules of the site and stop badmouthing an entire group of people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Anigu kuwaan somali laynka ah waa la gartay laakiin waxaan layaabay kuwaan allssc sheeganaya ee raadinaya burburka puntland! waa wax lalayaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

xiinfaniin;746275 wrote:
Xaaji Xunjuf and Cararaaf are wishing wars on the people of Puntland. The title of this post makes that clear. In the hope others who are not well versed with SOmlaia news portals will read the English title and draw a negative conclusion, they mis-chractirize a commercial zoning quarrel in the thriving city of Boosaaso.

 

Cakku nacab iyo *****

 

Both Somali articles and their title are talking about a clan fight. This is not something that comes from a 'Somaliland' website.

 

Its actually quit sad that some regard the bad PR worser then the actual true facts on the ground, which they dont seem to care.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this