Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

kacdoonka wadamada islaamka: ma khilaafadii ayaa soo dhawaatay mise burburka wadamada islaamka

Recommended Posts

sanadkan bilowgiisii ayey dadka reer tuunis eey bilaabaan iney ka banaanbaxaan arin ku saabsan nolol xumada wadanka taalo ,ayadoo arinkaas uu sii kiciyay kadib markuu wiil is gubay duruuf xumo darteed ,waxaa la eryay madaxweynihii zeynul caabidiin ,waxaa xigay in la eryo kii masar , kadibna waxaa wada kacay ,yaman ,liibiya ,siiriya ,baxreyn .balse arinkii baxreyn waxaa u gurmada wadamada ku midoobay gacanka carbeed waana la qaboojiyay .

 

arintaan ayaa si kala duwan looga hadlay ,qaar dhahaya waa soo ifbixii iyo xoroobidii umadda muslimka qaasatan kuwa carabta iyo qabsashada shacabka hogaankiisa ,balse ilaa iyo hada wadamadii ku guuleystay iney madaxdooda tuuraan ,kuma eysan guuleysan iney dowlad cusub sameystaan , liibiya ayaa waxey suubsatay ,dowlad badali karto tii qadaafi , in yarbaana u dhiman .

 

waxaa kaloo xusid mudan in meesha eey ka baxeyn madaxdii ilaalin jirtay israel iyo danaheeda sida xusni mubaarak , yuhuudana eey waayeen labadii saaxiib ee ugu weynaa wadamada islaamka waa turkey ,iyo masar kadib markey turkey sheegatay iney calaaqadaheedi dublumaasi eey kala laabatay israel ,masarna eey shacabkii burburiyeen safaaradii ee israel . dowlada aad utira badanna eey hordhac u aqoonsadeen dowlada falastiin .taasoo USA/israel walaacineysa .

 

ayadoo hadii eey yaman iyo siiriya ku guuleystaan in eey ka tuuraan meesha madaxdan kaligood taliyayaasha ah , eey dhiirai galin doonto wadama kale iney kacdoon shacab suubiyaan ( soomaali Alla haku daro kuwa kacdoon ku suubiya inta amnigeeda diidan), sow uma muuqata in wadamadii islaamka eey raja fiican leeyihiin hadii calaaqooyin fiicanna la suubiyo eey fududaan doonto in muslimiinta eey noqdaan quwad dunida laga tix galiyo xaqeedana aanan lagu tuman karin ?

ama waa burburkii eey wadamada islaamku burburi lahaayeen ,eeyna sii xaqiiqowdo xadiithkii nabigeena PBUH ,ee (( waxaa la idinkala dafi doonaa sidii cunta xeereada ku jirto loo kala dafo)) micnaha xadiithka .

xoroobidii aqsa sow uma muuqata iney soo dhawaatay ? Alla run hanooga dhigee..

Share this post


Link to post
Share on other sites

shey walbu wuxuu leeyahay meel uu ka bilowdo , kurus baar (meesha ugu sareyso ) ,iyo soo hoobasho ,sida cimriga bini aadamkaba yahay .

waxaa xasuus mudan xadiithkii nabiga ee lahaa , (( Nabinimo ayaa jireyso , waa la kor yeelayaa , khilaafaa jireyso waa lakoryeelayaa , madax caasi ah ( diinta si fiican ugu dhaqmeynin) ayaa jireyso ,waa lakoryeelayaa , madax kaligood taliyayaal ah ayaa imanaya ,intuu Alla dooney joogayaa ,waa la koryeelayaa ,khilaafo sidii xiligii rasuulka ayaa imaaneyso )) .xadiithka micnihiisa ayaa saa ahaa .

markaad fiiriso sida eey wax usocdaan waxaad moodaa in khilaafadii eey soo dhawaatay oo laga gudbi rabo xiliga kaligiis taliyaha uu dhulka muslimka xukumo .

laakin dhanka kale markaad fiirido waxaad is leedahay si uusan arinkaan ku guuleysan ayaa dadaal adag loo marayaa , gaal aanan rabin iyo muslim si dadban ugu adeegaya gaalada rabana iney burburaan . tusaale , yaman waxa hor istaagan dunida kale iney tageeran ama muhimad lasiiyo arinkooda waa cabsida laga qabo alqaeda iyo fikirkeeda yaala yeman . taas oo sababi karto in xitaa hadii labixiyo saalax uu dhici doono dagaal u dhaxeeya shacabka iyo alqaeda ,sida alshabab iyo dowlada TFG soomaliya .

Share this post


Link to post
Share on other sites

alqaeda oo lagu bartay iney fursad dahabi u tahay meelaha amnigooda uu xun yahay ,sida soomaali ,yaman ,afqaanistan ,ciraaq . inkastoo wadama badan amni daradooda la abuuray laakin waxey fursad u tahay alqaeda iney isku balaariso si dagaalkeeda uusan ugu koobnaan hal meel .wadan kastoo alqaeda gashana ,gaaloo dhan mareykanba ha hor boodee waxey isku dayayaan iney fara galin toos ama dadban uga suubiyaan .taasoosecurity wadanka faraha kasii bixineysa .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadamada Islaamka xaqiiqdii uma baahna urur qalalaase abuure ah sida ururka alqaida oo looga bartay xasuuqa shucuubta muslimiinta ah.

alqaida 100kii qafood ee ay dilaan 99% ama 99 qafood boqolkaa ka mid ah waa dad muslimiin ah.

 

Alqaida markaan leeyahay waa ururada isku manjhadka ee ka jira wadamada dawladaha taagta daran ay ka jiraan ama XARBUL AHLIGA sida Somalia. qeybo yemen ka mid ah. Afghanistan. iyo Bakistan.

 

 

 

waxa loogu yeero afka carabiga KHILAAFA ama xaqiiqdii loola jeedo United islamic state. hal wadan oo islaamka oo dhan unnion ay hoos yimaadaan.

 

arrintaa maaha arin lagu keeni karo wiilal yar yar jadbeeysan ee Somalia iyo ciraaq intay BOMB gaari ka soo buuxiyaan isku dhex qarxiya SUUQ dadka ka adeeganaya. ama wiil yar caloosha bombo loogu soo xidhay ee la yiri hoteel shaamoow ardey iyo dhqaatiir isku dhex qarxi waayo future islamic caliphate ayaan sidaa ku dhalin doonaaye.

 

Ficiladaas foosha xun ee alqaeda looga bartay. maaha arin lagu keeni karo united islamic state .

ficilada ragga alqaida hoos taga waxa kaliya ay wadamada Islaamiga ay maanta ka sababtay waa in aad looga nacay kooxahan loogu yeero salafiga ama wahaabiyada .

 

 

Alqaida maanta awoodeedii aad ayey u yaraatay. oo waxayba joogtaa inay sii dhamaanayaan ururada hoos taga ALQAIDA.

 

Tusaale. Ciraaaq. wadanka ciraaq, ka dib markii ay Suniyiinta ciraaq ee gobolka AL ANBAR ay goaansadeen inay ka hor tagaan ALQAIDADII ciraaaq waxaa dhacdey in ciraaq laga tirtiray ALQAIDA. maantana 85% ay ciraaaq Nabad buuxda ay tahay. weeraradii suicide bombingka ee ciraaq ka dhici jiray maalin waliba maanta ama sanadkan 2011 waxay hoos u dhaceen 90%.

 

NABADA CIRAAQ waxaa mahadeeda allah ka sokoow leh SUNIYIINTA ciraaq oo cidhib tiray kooxihiii zarqaawi ee u badnaa ajnabiga ee sida naxariis darada aan islaanimada shaqo ku laheeyd u xasuuqi jiray shacabka CIRAAQ.

 

tusaalaha labaad. CHECHNIYA.

 

chechtnia 90kii waxay la dagaalamayeen dagaal gobonimo doon ah. dagaalkaa xaqiiqdii markii ay hogaaminayeen nimankii nationalistayaasha ahaa ee uu abuuray late dudaayev, guulo aad u balaan ayey gaareeen reer chechtnia. laakiin nasiib xumo waxaa halgankii ka afduubtay niman SALAFI ajnabi ah oo maskaxda ka xadey qaar ka mid ah dagaalyanadii chechtnia. nimankaa waxaa ugu weeynaa KATAAIB oo ahaa madaxda ALQAIDA.

 

sidii SUNIYIINTA ciraaq ay uga soo horjeesteen nimankaa ajnabiga ee wajigii dagaalka badalay ayaa nimankii dagaalka hogaaminayey sida muftigii ugu weeynaa ee reer chectnia sheekh khadirov aabihii dhalay madaxweynaha waqtigan ee chechtnia. late kahadirov WUXUU KA soo horjeestay jihaadistayaashii ajnabiga ahaa wuxuuna kaalmo weydiistay hes former cadaw RUUSHKA.

 

TAA waxay sababtay in alqaida waa laga tirtiro CHECHTNIA. maanta chechtnia waa Nabad buuxda. magaalada caasimada sida loo dhisay quruxda ma maleeyn kartid.

 

 

Algeria sidoo kale. sababaha meel waliba looga nacay ALQAIDA iyo ururada hoos yimaada waxay tahay. first waxay afduubtaan halgan waliba oo ay ku jiraan shcuubta wadamadaas. calamada wadamadaas ayey diidaan oo ay ku tilmaamaan calan gaal.

 

alqaida ciraaq waxay diideen calanka ciraaaq.

alqaidadii chechtnia waxay diideen calanka chechtnia

alqaida somaliyana waxay diideen calanka buluuga.

 

markaan leeyahay alqaida waxaan ula jeedaa dhamaan ururada hoos yimaada alqaida.

waxyaalaha alqaida aadka looga nacay waa adeegsashada SUICIDE BOMBING. waxaad maqleysaa BAKISTAAN nin walxaha qarxa isku soo xiray aaya masaajid isku dhex qarxiyey. sababta uu isugu qarxinayo waa 3 askari dawlada bakistaan ayaa halkaa ku dukanayey. ninkaa salafiga sheeydaanka ah wuxuu horay u soo kaxeeystay 70 qafood salaad dukanayey aan waxba galabsan, sidii ka dhacdey HOTEEL SHAAMOOW.

 

marka alqaida haba yaraatee wax fursad ah oo haystaan inay maamulaan wadamada islaamka ma jiro, meel waliba waa laga nacay.

xitaaa sacuudigii wax soo baray ee 1980s buugaaagtii ay qoreen macalimiinta wahaabiyada brainwashka ku sameeyn jiray dhalinyaradaas maanta wuxuu joogaa inuu manjhadkii waxbarashada jaamacada sacuudiga in la badalo. waayo waxaa u cadaatay waxay abuureen inay aheeyd ABEESO. MAS suntiisa ay qatar tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

runtii waxa jira labo sheey oo laysku qaso ,tasoo kala ah dadka diinta ku dhagan ee ku adadag waxa diintu sheegtay ,iyo ururo hadafkoodu uusan cadeyn arbushaad iyo dhibaatooyinkale lagu bartay .

waxaa nasiib dara ah in cabsi laga qabo dad loo badalo wax badan oo diinta eey baneysay ,tusaale ,manhajka sucuudiga waxa laga badalay waa un arimihii ku saabsanaa jihaadka iyo sida qofka muslimka uu diinta ugu dhagnaan lahaa ,manhajkaasi waxaa soomaaliya keenay ururka ikhwaanul muslimiin , kaasoo runtii lagu faaiiday ,haleysku qarxiyo masjid ama hala dilo qof aanan danbi lahayn kuma eeysan qorneyn ,laakin waxaa uu lahaa baab (chapter) ka hadlayo jihaadka iyo siduu uyahay kurus baarka diinta ,isagoo soo guurinayay aayado quran ah iyo axaadiith nabiga . balsecadaadis dhanka reer galbeedka ayaa lagu qasbay sucuudiga inuu ka tiro manhajkiisa wixii ku saabsanaa jihaadka .

 

waana ceb weyn in shey ka tirsan diintaada dano dad kale aad u tirtirto . diinta islaamka meel eey ku leedahay haleys qarxiyo oo suuqyada ama masaajida ama qof gaal ah oon dagaal ku jirin hala dilo majirto . wax yaalaha alqaeda eey suubineyso ama ururada falalka aan diinta shaqada ku lahayn waa wax uqaas ah , mowduuca jihadkana waa arin diineed .

 

wada alqaedana inaan khilaafada lagu gaareynin muslimiinta badankood ayaa qaba , balse waxaa soo muqda ifafaalo farxad leh ,iney soo dhawaatay khlaafadi islaamka , maadaama kaligiistaliyayaashii laga tuurayo , galbeedkuna dhaqaala burbur uu ku socdo , dadka diinta ku dhaqankeeda usoo laabanayo oosii badanaya , dad badan oo so islaamayo ayagoo ku qancay diintan iney xaq tahay . tirada muslimiinta dunida oo lafilayo in 2030 eey gaarto 2billion ama in ka badan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

balse falalka alqaeda oo dad badan nacsiinaya iney diinta islaamka galaan , iyo dagaalka dhan walbo ka imaaya ee reer galbeedku ku beegsanayaan dadka muslimiinta marmarsiinyo kasta oo lagu dhibaateynayana uga faaideysanayo tasoo ayadana sababeysa in dadkii diinta usoo laabtaan fahmaan in waxa lagu liibaanaya eey tahay in la raaco wadadii rasuulka .ayaa dadka islaamku hada hor taalo .

 

hadii dhinacyada diinta si khaladka u fahmay la iska dheereeyo , aanan noqonin kuwa siyaasad dad shisheeya kuwa ku shaqeeya , waxaan filaa khilaafada in eey soo dagdageyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

aniga ilamaha aha in manhajkii qaldanaa ee jaamacadaha sacuudiga 1980skii ardaydii ka timid wadamada islaamka sida somalia, bakistan,masar ,algeria iyo wadamo kalo oo baddan laga halay haba yaraatee faaiido.

 

manhajdka sacuudiga waxa kaliya ee laga faaiiday waa xumaan aad u baahsan, iyo dhiig baddan umadd muslimiin ah waxba galabsan dhiigooda lagu xalaaleysto in the name of islam. ka bilaaw Algeria. ciraaq Somalia. bakistan. iyo wadamo kale oo aad u fara baddan. dadka isku qarxiya dad aan waxba galabsan buugaagta ay akhristaan dhamaantood waxaa qoray ka bilaaw ibn thaymiyah ilaa maxamed abdulwahaab. xaqiiqdiina waqtigan xaadirka ah umadaha islaamka waa ay ******** in manhadja sacudiga ka yimid uu ahaa manhajd FITNA ah oo halaag u keenay umaddaha islaamka marka laga reebo sacuudiga.

 

 

waxaad tiri waxaa muuqata ifafaalo waxa loogu yeero KHILAAFA sababtoo ah wadamada carabta xukumiimadihii ka talin jiray oo ay shacabka wadamadaas ay rideen iyagoo doonaya IS BADAL.

 

IS badalka ka bilaawday TUUNIS ee saameeyey EGYPTY. iyo liibiya waa mid ah hogaaminayaan dad doonaya DIMUQRAADIYADA kana daalay xukuumadaha Kalgii taliyayaasha ah.

 

dadkaa kacdoonka ka wada barriga dhexe waa dad doonaya system doorasho oo ay ku doortaan madaxdooda. ayna xur u ahaadaan inay si xur ah ay fikradooda u dhiiban karaan. ayna ka xuroobaaan police state ama wadan ay hay´adaha amaanta sida booliiska ay ku xadgudbaan xuquuqda baniaadamka.

 

 

habayaraatee wadan maanta doonayo ma jirto system la mid ah kii TALIBAN. ama gobolada ay al shabaab heeysato oo kale ee dadka masaajidka karbaash ku geeya. ama xukun ay kooox wajigooda la aqoon ay doortaan nin la mid ah AXMED GODANE AMA MULLA CUMAR oo kale.

 

shucuubta MASAR. liibiya. tuunis IYO dhamaan wadamada kacdoonka ka jiro uma dagaalamayaan waxa loogu yeero KHILAAFA ama united islamic states. EE waxa ay u dagaalamayaan waa inay helaan xuriyad iyo dimuqraadiyad u sahasha in ay madaxdooda doortaan.. inaysan ku noolaan police state ee dadka ku qasba sida ay u noolaan lahaayeen nolol maalmeedkooda.

 

umadaha islaamka waxa kaliya ee ay horumar ku gaari garaan waa inay la tartamaan wadamada REER GALBEEDKA xagga aqoonta, iyo dhaqaalaha. Sida ay CHINA labaatanka sano ee soo socda ay noqon doonto WADANKA DUNIDA ugu dhaqaalaha baddan . CHINA 20 sano ka hor waxay aheeyd WADAN DUNIDA SADEXAAD AH. wax ka yar 50 sano ayey ku noqoneysaa wadanka aduunka xagga dhaqaalaha iyo xitaaa militery power aduunka nr 1 aad ah.

 

wadamada islaamka waxaa loo baahan yahay inay sidaa oo kale noqdaan oo ay ku tartamaan xagga horumarka iyo dhaqaalaha.

looma baahna wiilal yar yar dharka bakistaaniga xirta ee doonaya umadooda inay ku celiyaaan STONE AGE. casrul xajar IYAGOO naftooda been u sheegaya been ah waxa loogu yeero khilaafa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa run dadyowga wadamada hada kacdoonada ka suubiyay wadamada carabta waxa eey rabaan xuriyad iyo us badal lagu sameeyo hey'adaha wadanka ,balse waa bilow fiican maadaama diinta fidinteeda iyo shacabka ku dhagitaankiisa diinta uu fudud yahay waqtiga aad xuriyada heysato . khilaafada in la gaarana waxa eey ubaahan tahay tartiib tartiib ee ma ahan hal mar ayaan shey walba badaleynaa , maadaama muslimiin badan oo shaki laga giliyay caqiiqadooda ,ama fikirka cilmaaniga lagu shubay ood layaabeyso waxa uu aaminsan yahay sababo laxiriira aqoon yari dhanka diinta islaamka ah ,ayaa la rabaa in loo cadeeyo waxa ka qaldan iyo beenta laga dhaadhiciyay . taasna wexey u baahan tahay jawi xuriyad leh , khilaafadana waa shey uu Nabiga NNKH inoo sheegay iney imaaneyso ka dib xili muslimiinta eey kaligiis taliyayaal eey dhibeen , xadiithkas wuxuu sheegayana waa xaq , laakiin ma hadaa mise wali waqti ayaa dhiman Allahu aclam laakiin qofka mu'minka wa inuu rumeeyaa in eey dhici doonto khilaafada eeyna tahay taan wada sugeyno .

 

manhajka sucuudiga waan aragnay oo ka biloow sagaashameeyadii ilaa hada, iskuulada soomaali ku yaala waxaa u badnaa ikhwaanul muslimiin kadibna waxaa kusoo xigay alitaxaad , ka horna culimadeenii ahlu sunna wal jamaaca .kuwooda cilma leh waxey ka qaadan jireen sucuudiga ,mana arag wax qaldan ama meel eey ku qoran tahay qofka haduu warkaaga diido ama fikirkaad ka hor yimaado dil sida eey hada Al-Qaeda suubiso.

 

in sheekh hal fikir uu leyahay la qaato ayadoo inta kale ee warka ula jeedadiisa fasireyso la dhaafo lagana dhigo inuu qaldanaa sheekha ilama haboono , ibnu teymiyah mabda'iisa xur mada dhiiga islaamka qofka aqriyo ma dhahayo sheekhaas ayaa dhiig daadinta ujideeyay . shekh dhahay dadka hadey ku mucaaradaan hala dilo , gaal meel walboo lagu arko hala dilo inuusan jiran waa lawada ogyahay , waana bini aadam khalad na wuu ka dhici karaa ,laakiin sharafkooda in lagu xad gudbaa lana eedeeyaa waa halis diin ahaan .

 

barnaamijka ey wadato Al-Qaeda waa baraamij ka dhashay qaab nololeed eey ujoogeen , ee ma ahan baraamij cabir diineed ku socdo , waan xanaaqay maadaama muslimiin la leynayo ana gaal oo idil waan laaynayaa ,kii muslim ah ee lasocod gaal lagu na arko waa ladilayaa ,waa iska fikir qof aanan shaqa ku lahayn diinta iyo culimada islaamka .

 

dhalibaan iyo Al-Qaeda gaaladii ayaa leh wey ku kala duwan yihin waxa eey tiigsnayaan ,in kastoo qaababkooda dagaal uu isku mid yahay . alqaeda waxey dagaal kula jirtaa inta fikrkeeda kasoo horjeeda muslim iyo gaalba , Talibaanse waxey taagan tahay wadanka iiga bax hadii kale wada kastoo xalaal ama xaaraamba waan kuugu bixinayaa .

 

Alshabab ma taagno xaaladooda gaalo wadanka haka baxdo ,balse waa inaan afrika islaam ka dhigno ,xuduudahana eey yihiin been macnaha wax celiyo malahan , wax fiqi ku khilaafi karaa majirto , balse haduu ahaan lahaa urur u dagaalama soomaliya sidii kuwii gobanima doonka ahaa taageero wey heli lahayeen balse hada ayagaaba dadkii loo dagaalami lahaa cadow ku eh wax yaalo eysan qabin diintana ku dhaqma.

 

dhanka barashada cilmiga anagaa ka mudan dadyoowga diimaha kala aaminsan maadaama aayada ugu horeysay ee quraanka kariimka eey tahay (Iqra) , inaan dhan walbo aan cilmiga ku hormarno ayeey aheyd anagoo ubaraneyno inaan ku fidino diintan xaniifka ah , hadaad cilmiga fiisigis ka baro dadka u acedeey sida eey facts cilmiga iyo aayada eey isu waafaqayaan and so n so , fursada kaloon heysano waa in Eebe uu naga ajar siinayo hadaan ubaranno inaan ugu adeegno diinta iyo umada ,taasooy diimaha kale ka jirin , inaan waxbaran weynana waa ceyb dhankeena ah , hadaan shaqadeena gudan weynana in kuwa naga fiican nalagu badali doono Eebaa Quraanka noogu sheegay .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this