Sign in to follow this  
Moulana

Orodyahan Soomaali oo ka qeyb-galay tartanka S/Korea

Recommended Posts

Moulana   

Orodyahan soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdishakur Nageeye Cabdulle ayaa ka qeyb galay tartanka orodka shanta kun (5,000 metres) International Association of Athletics Federations (IAAF) World Championships ee magaalada Daegu, dalka S/Korea.

 

Cabdulle oo wareegyadii hore ee orodka ku jiray ragga ugu horeeya ayaa markii lasoo gaba-gabeeyay orodka galay kaalinta ugu dambeysa, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaalkiisa.

DAAWO CABDULLE OO MUQDISHO KU TABABARANAYA

 

 

 

TV-ga Aljazeera oo wareysi Muqdisho kula yeeshay ka hor inta uusan soo bixin ayuu u sheegay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galkiisa tartankaasi, waxa uuna sheegay in uu magac ugu soo jiidayo dalkiisa Soomaaliya.

 

 

 

 

Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu qaado dhabihii orodyahanka soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi oo kaalinta koowaad ka galay dhanka orodka aduunka dhamaadkii sideetameeyadii.

 

Si kastaba dadaalka Cabdishakur Nageeye Cabdulle ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto dagaalo sokeeye mudo 20-sano ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this