Carafaat

SSC Conference Khaatumo2: The final part.

Recommended Posts

Taleexi   

Khaatumo II is not only a historic moment for the SSC community rather a point of no return - for the periphery Somali admins should welcome this development - Sabotaging it would have a detrimental effect.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;768232 wrote:
Wafti balaadhan Oo Ay Hogaaminayaan Saleebaan Waji Xaad Iyo Nuur Gaas Oo Lagu Xidhay Boosaaso Iyo Guud Ahaan deegaanada SSC Oo Aad uga Cadhooday Arintan .

 

Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayaya halyeey saleebaan waji xaad iyo halyeey nuur gaas ayaa maanta markii ay ka soo dageen magaalada boosaabo lagu xidhay magaaladaas iyadoona ay xidheen shaqaalaha faroole ee ku sugan garoonka diyaaradda ah boosaaso.

 

Waftidan ayaa ka soo kicitimay dalka maraykanka iyagoona soo aaday shirka lagu qabanayo magaalada taatiikhiga ah ee taleex .

 

Dhawaan ayeey eheed markii lagu qabsaday magaalada boosaso nin ka tirsanaa ergooyinka shirka khaatuma _2 hadaba arinta ayaa waxaa ka danbeeya faroole .

Xaaji qofka gar iyo gardaroba waa lagu xidhi karaa balse taasi ulajeedada shirka waxba ka bedeli mayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Khaatumo II is not only a historic moment for the SSC community rather a point of no return - for the periphery Somali admins should welcome this development - Sabotaging it would have a detrimental effect.

well said taleex

 

inshallah khaatumo si wacan ayeey u dhacasa..alle haka dhigo tii SSC wax ku qabsan laheed oo maamul gaar ah ku sameesan laheed oo si wacan ugu adeega..si ay magaloyinka SSC lo dhiso..oo lugu adeego umadeeda..haday noqoto cafiimaad waxbarasho iyo wixi kale ee u bahanyihiin..laascaanodna inshallah waa la xoreen..ameen yaa rab

 

 

 

libdhi mayside laascaanod, labo ma aha wadankaynu..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sax taleexi wa runta waxba ka badali mayso mana joojin karto shirka inshallah waxaynu rajeyneyna inu noqdo shir kheyr ku so dhamaada oo afgaradbuuxa la isla gaadho. Wana qalad nin safraya oo shir toleed u socda in lugu saqajaamo waxan ba maqlayey warar sheegeya in laa siidaayey ninki marka inshallah guul khaatumo two.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

wafti uu Hogaaminayo Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo si weyn taleex loogu soo dhaweeyey iyo Kaamka Khaatumo2 la kormeeray +Sawiro

IMG_0136.jpg

Wafti Balaadhan oo ay horkacayan Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe iyo Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan isla markasna ay ka mid yihiin Cuqaasha iyo Ergooyinka reer Buuhoodle uga qayb gaya shirka KHaatumo2 ayaa soo gaadhay magaaladan Taleex

dhamaanba Isimadda, Cuqaasha iyo Ergooyinka Shirka ee jooga Taleex ayaa waftidan si heer sare ah ugu soo dhaweeyey magaaladda iyada oo meel magaaladda ka baxsan looga hortagay, waxana waftidan loo galbiyey Kaamka Shirka lagu qabanayo oo dhamanba Isimadda,G6 iyo waxgaradka kaleba ay kormeer ku soo mareen

Munaasabad kooban oo lagu qabatay Geedka Bartaha ah ee shirku ka dhacaya ayaa masuuliyiintii diyaarinaysay kaamka shirku ay ka warbixiyen marxaladaha kala duwan ee u kaamku iminka marayo

Cabdifatax Cismaan Dhalac oo ah Afhayeenka Gudidda qaban qaabadda shirka ee Reer Taleex ayaa ka xog waramay qaabka iyo hanaanka ay u diyaariyeen Kaamka Khaatumo2 oo uu shirku ka dhacayo, waxa uu Mr Dhalac sheegay in dhamaanba howlahoodii shaqo ay diyaar u yihiin ergooyinkana ku soo dhaweynayaan magaaladda Taleex isla markasna aysan Taleex cid gaar aysan lahan oo tahay magaalo loo wada siman yahay

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey goobtaas u mahadceliyey Gudiyadda qaban qaabadda shirka sida habsamidda leh ee ay u soo abaabuleen iyo qaban qaabadooda wanaagsan waxana uu sheegay Dr Cali in Shirka *********** uusan noqon mid garnaqsi ee uu yahay mid umadan Aayaheeda kaga tashanayso dhamaan umadda Soomaaliyeedna ay soo Eegayso waxa ka soo baxa Shirka Khaatumo2

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa u mahadceliyey dhamanba Gudiyadda qaban qaabadda shirka Khaatumo2 iyo ergooyinka kale duwan ee ku sugan madasha Shirka ee Taleex, waxana uu Garaad Jaamac sheegay in uu ka mid ahaa Isimadii u yimi shaqaaqadii ka dhacay Taleex ayna hawshaas wax weyn ka qabteen isla markaasna inta yar ee u dhiman dhawaan la soo afjari doono

Xaquuqda Sawiradda Bahdda Allssc

 

IMG_0120.jpg

 

IMG_0135.jpg

 

IMG_0177.jpg

 

IMG_0171.jpg

 

IMG_0199.jpg

 

IMG_0194.jpg

 

IMG_0200.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Hogaamiye xaglatoosiye iyo wafti baaxadle oo diyaargarow ugujira sidii ay ugu qaybgelilahaayeen Shirka khaatumo2

Sunday, 01 January 2012 11:53 | Last Updated on Sunday, 01 January 2012 12:08 | Written by halyeey | | |

Wararka saaka nagasoogaadhaya buhoodle ayaa sheegaya in wafti balaadhan oo uu hogaaminayo saleebaan xaglatoosiye lagu wado maalmaha soosocda inay kaga ambabaxaan magaalada buhoodle iyagoo kusocda taleex iyo xaruntii daraawishta

 

 

Hadaba yaa kamida waftigaa kusiijeeda taleex waxaa kamida isimo cuqaal iyo dadbadan ooo miisan kuleh buhodle shirka khatumo oo loobalamay in uu bilaabmo 5 janaayo ee sanadkan cusub ayaa diyaargarawgii ugudambeeyey uu xiligan kasocdaa buhodle

 

iyadoo lasugayo rag miisankuleh bulshada kuna sugan xiligan dhanka hawdka kadibna loo ambabixidoono taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Taleex Iyo Umuuraha Ka Taagan ( Xog Ogaal)

Magaalada Taleex ee uu ka dhici lahaa shirkii Khaatumo 2 ee la marin habaabiyey ayaa waxay tahay mid ay ka jiraan qas iyo jaahwareer baahsan, Gaajo xad=dhaafa iyo hoy’laan iyadoo taas ay sii dheertahay amniga oo aan cidina gacanta ku hayn, war bixintan waxaan ku eegi doona cida timi Taleex iyo meelaha ay ka kala yimaadeen sidoo kale fikirada lakala aamin san yahay……iyo guud ahaan jawiga dhabta ah ee ka jira Taleex.

 

Waa ilaah mahadii wali waxaa dad badani hadal hayaan midnimada iyo wadajirka beesha *********** si loo helo nolol iyo nabad waarta horumarna loo gaadho,balse waxaa jira hagardaamo wayn oo taas barbar socota oo maalinba shaadh loo galinayo si loo wiiqo cududa iyo muruqa Dhulbahante—waa ayaan daro–. Sida aan la socono Shirka Khaatumo2 ee ka dhici lahaa Taleex ayaa noqday mid la majara habaabiyey oo laga duway wadadii uu ku anfici lahaa shacabka ***********. buuqa iyo khalkhalka ku yimid shirkan ayaa waxaa ka shaqeeyey inta badan ragii hawsha loo igmaday oo iyagu isku magacaabay G6 balse anigu aan ugu yeedho JIN6 iyo waliba xubnihii ay soo xusheen ee G15….

 

Guudmar yar khaladka Dhacay

 

Ugu horayn kooxda G6 si aan la tashi iyo qaab-qiyaaseedkii jifi hoosaadyadaa ahayn bay wax u soo maamuleen iyagoo dusha ka keenay dad aan cidi soo xulan sababayna inta badan dhibta dhacday…….G15 waxay xooga saareen maagista, Dhaleecaynta bulshada qaar ka mida—Ujeeddadu hadda middayn bay ahayd—waxay soo abaabuleen waxma garad, indhow-garad iyo dumar maanta Taleex buux dhaafshay dhibtoodiina maanta ay taagan tahay.

 

Taleex iyo Maanta

 

waxaa magaalada ku sugan iminka inta badan dadkii soo abaabulay shirka kuwii danaynayey iyo kuwo kale oo jaanta soo raacay….magaaladu waa buux dhaaftay waxaa jooga inbadan oo aan shirku ku suurta galayn joogitaankooda wallow ay dadka ka mid yahiin…

 

Amniga haddii aan ku horeeyo magaalada waxaa ku sugan ciidamo beeleedyo kala gadisan aan lahayna meel midaysa waxaana ay hoostagaan kooxo gaara…..sida Ciidanka Axmed Karaash, Ilaalada Garaad Jaamac Garaad Cali, kuwa G6 ay kal yimaadeen Buuhoodle, Ciidan Js oo si rasmiya cidi gacanta ugu hayn…….ciidankii Somaliland oo uu horjooge ka yahay Col DHOODI….iyo ciidan aad u khatar badan oo aan in waji loo sameeyo aan marnaba laga fakarin waa ciidan ay isu urursadeen labadii qoys oo ay wax kala gaadheen…….sidoo kale waxaa jooga ciidamo ilaalooyiin khaasa u badan iyo kuwo iskood u hubaysan.

 

Aragtidayda waxaa jirta khatar amni oo wayn

 

Guuxa ka socda bulshada dhexdeeda ayaa aad u kala duwan…dadka qaar waxay hadal hayaan Xooraynta Laascaanood iyo deeganada kale ee la haysto…..qaarkale dawlad bay ka sheekaynayaan..waliba rag bay tilmaamayaan…qaar way yaaban yahiino ilaah bay baryayaan……qaarna si kale bay u joogaan.

 

Aan ku soo dhawaado nuxurka hadalkee…..Taleex waa jaahwareersan tahay shirkuna waa la qabaa jaahwareerka….waxaa aad u yar amaba aan jirin HOOY, CUNTO sabatuna waa maamul xumo iyo khalad laga fahmay shika…sida aan ogaaday waxaa jira khilaaf hoose oo maamulka shirka soona kala dhex galay qayb kamida Reer Taleex iyo G15+G6 kuna salaysan dhaqaale lumay iyo mid la rabo…inta badan waxaan wax kharasha la siin dadkii laga qaatay alaabta sugayayna Cumar Cali Koore si ay lacagtoodii uga helaan…..Cumar ayaa isagu haysta G15 ilaa shalayna xisaab baa loo fadhiyey.

 

Canaanta Cali Khaliif + Carcaraka Axmed Karaash + Ku Dhawaaqida Cabdikariin Xasan Jaamac +Dhaawaca Nuur Gaas.

 

Shirka oo ujeedadis iyo waxa laga rabaaba ay ninba si ugu muuqato ayaa ah mid ku dhamaan kara “Zero Result”. Galabnimadii ay yimaadeen G6 iyo wafdigoodii, soo dhawayn iyo dejin kadib waxaa dhacay shir iswaraysi iyo kuurgal ah oo ay yeesheen Cali khaliif , G15 iyo Cumar Koore…shirkan ayaa waxaa ka soobaxday natiijo muujinaysa sida Galaydh u shakiyey ka dib markii uu canaantay ragii hawsha Taleex gacanta ku hayey waxuuna yidhi “Anigu garan mayo Cali Ciise iyo Cumarow wax aad qabateen, meeshani waa qasan tahay nidaamkii shirku ku dhici lahaana ma muuqdo tani waa Mishin fashilin ah, Taleex amnigeeda ma sugna wararkiina bayna ka muuqataa” hadalkan ka soo yeedhay Galaydh ayaa muujinaya shaqo xumada dhacday iyo sida odayada mudada dalka ka maqnaa wax u maamuleen. Sidoo kale waxaa arinkaas barbarsocda Ergooyinkii shirka oo aan wali la helin tusaale ergadii Reer Taleex(NA) wali lama magacaabin lagamana wada hadlin…waxaa ka sii daran shalay waxaa isugu yimi Taleex 3 ergo oo Jaamac Siyaad ah siday kala yihiin :-

 

Cuqaasha mid bay soo qortay——intoodii badnayd waxaa diiday 2xubnood ee G15 beesha kaga jiray.

2xubnood ee G15 kamida iyana ergay wataan

Koox kalena way yimaadeen waxaana ka mida:– Qamandi,Cabdi Buur, Goondhe,Cabdi cabdilaahi, Ibraahim Jaamac Daad—-waan ka xumahay ragan sidan uun baan u aqaan. Sidoo kale waxaa soo socda Cali Sandule…Kooxdan 3 xaad waxay u ololaynayaan Nin lagu magaacabo Cali Sheeko Xariir oo raga xilka raba ku jira—–waa sida aan maqlay.

Dhanka ergooyinkii kale ee nugaasha ayaan iyan wali laalan mana muuqato sida loogu heshinayo…..sidoo kale Dhanka Buuhoodle waxaa xalay soo galay wafti iyo ergooyin uu hogaaminay Garaad Soofe waxaana maanta(1/1/12) soo baxaya rag kale oo iyana ah ergooyin kana soo horjeeda kooxdan hore.—kuligood madaasha laga sugayaa waana loo wada yeedhay xaalku waa ciidan badsi iyo ninba ninkiisa ha doonto.

 

Aan ku laabtee Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa mar uu is barayey G6 iyo dadwaynaha Karin dabayl wayn ayuu hadal ka soo yeedhay kaas oo si wayn loo qaadaa dhigay saamayntiisana le…..Garaadka ayaa waxuu isagoo Gacantiisa Bidix kor u qaadaya waxuu yidhi “Ninkan Cabdikariim Xasan Jaamac baa la yidhaahdaa waa ninka aan rabno in uu *********** waji cusub u furo”waxaa surta gal ah in Garaadku aanu waxba uga jeedin hadalkaas ayna ka ahayd qurxinta warka sidaa caadadaa balse marka loo eego siyaasad ahaan hadalkani waa ololo dhamaystiran oo fasiraya in Cabdikariim lala doonayo in uu hogaamiyo dawladda Taleex ka dhismi doonta waa hadii la isku raacee. Maalin kahor ayaa waxaa magaalada Buuhoodle ka dhacay shir ay yeesheen Axmed Garaad, shirkaas jifida Cabdikariim ayaa waxay ka codsatay walaalohood inay u raacaan si ay u dhisaan Cabdikariim oo sheegeen in *********** wato oo la dooran doono……la iskuma afgaran si kastaba ha u dhacdee waana tan sababtay in laba wafdi oo reer Buuhoodlaa midna Taleex Xalay yimi kan kalana Soo bixi doono Dhakhso.

 

Bal u sii fiirsoo yaabka aan Taleex ku arkay waxaa jooga rag badan oo iyaguna hunguri wayni ku jiro, qaar leh aniga cidi igama mudna, qaar kale oo leh hebel waa waayeel. Sida aan fahmay waxaa jira ishaysi ka dhex aloosan koox Nuur Gaas la jeeni ah iyo niman kaloo rag kale wata…..waxaa fahmaysaa in Aadan Shuuriye lagu xamanayo in abtigii waa Cali Ciisee uu wato iyo waliba nin lagu magacaabo Cali sheeko xariir oo isna mudnaan la siinayo…anigu ninkan danbe ma arag mana aqaan….hadaanu joogin dambi kuma qabo waan maqlay…… dhanka kale waxaa jira guux wayn oo galay Axmed karaash iyo khilaaf aan dadku wada fahmayn oo u dhaxeeya G6 iyo Axmed karaash sababta dadku way sheegayaan kama se badna xil-doon, waxaan isna doorkiisu meesha ka maqnayn Cabdiraxmaan Uurbayte oo isaguna saamayntiisa leh aadna ay isugu dhaw yihiin G6 iyo Cumar Cali Koore.

 

Isku soo wada duuboo Taleex waa ninba si is leh

 

Ugu danbayn cimilada Taleex waa kulayl maalintii iyo qabow habeenkii ah…….dadka badankiisu amaba in ku dhaw 80% ma helaan wax nolol ahaan ugu filan waxaana sababay maamul xumida G15 iyo talada qaloocan ee G6 ka soo burqanaysay, waxa kaliya ee dadku ka hadlayaana waa Cunto iyo Jiif.

 

Iyadoo caqabadaahaas iyo kuwo kaleban jiraan ayaa waxaa muuqata in an wali la aan loo jeedin halkii shacabka bugtay ee ahayd xoraynta Laascaanood iyo Dagaal waxaadna moodaa in lagu mashquulay arimo keeni kara kala kac iyo waji gabax ku yimaada shirka.

 

Wixii aan soo bandhigay maaha xumayn waa sixid iyo in la arko khaladka G6 + G15 ay galeen iyo inay u baahan yahiin khabiiro la shaqeeya iyo inay wax badan dib u liqaan oo aanay isku dayin inay arinta xalka *********** god ku tuuraan.

 

Maxamed Axmed Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.